Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 18 of 58.
debecsanow
Wax debacsan noqosho. ld dabacsanow, debacsanow.
debingendi
Kiish yar oo maro shabaq ah ka samaysan, afka garangar yar ku leh oo gendiga lagu qabto.
debis
Nooc libaax badeedka ka mid ah.
debsaar
In yar oo saliid ah oo hal mar bun lagu shiilo.
ded
1. ld dąd 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid.
dedan
Waqti wixii la sheegaa aanay shaac bixin oo qarsoomaan. ld dadan¹.
deddanaansho
/dh ld daddanan.
deddatir
1. Dhaxantir. 2. Gargaar deg-deg ah oo loo fidiyo qof la qaniinay ama dhaawac halis ahi gaarey; dhibiibtir. ld deddatirid.
deddatirid
ld deddatir¹.
deddegsanaansho
/dh ld degdegsanaan.
deddo
Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddo.
deddoo
Qabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddoo.
deddoobid
ld daddoobid.
deddood
ld daddood.
deddow
Wax deddo hayso noqosho. ld daddow.
dedid
ld dądid, ded¹ (2).
dedmid
ld dadmid.
dednaan
ld dadnaan, dadnaansho, dednaansho.
dednaansho
/dh ld dednaan.
dee
fk. Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
deeb
1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas.
deebaan
1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2).
deebaani
1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan.
deebad
1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
deebi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
deebsan
Wax la deebiyey ahaansho.
deebsanaan
ld deebsanaansho.
deebsanaansho
/dh ld deebsanaan.
deedifee
Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
deedifo
Duridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
deef
Garabka intiisa kore; qarqar.
deeg
1. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. ld deegid. deeg² e.d Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa).
deegaameyn
deegaami f.g2 (-iyay, -isay) ld degaamee.
deegaan
1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan.
deegaanraac
Naqraac.
deegad
Bersad.
deegid
ld deeg¹ (2).
deel
1. Astaan xoolaha lagu sunto oo u eg deelka xuruufta carabiga. 2. ld d (da').
deelqaaf
1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
deelqaafi
Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.
deelraac
Neef ido ah oo madaxa ilaa legga ka madow.
deen
D. ah: ceel ama daaqsin aan dad badan joogin.
deenso
1. Ku d.: wax nacfi leh ku keliyeysasho. 2. Ku d.: laba qof ama ka badan, hawl ay qaban lahaayeen sheeko ku illaawid.
deeq
/dh Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
deeqdaran
Qof gacan adag oo aan wax bixin ahaansho.
deeqdarnaan
ld deeqdarnaansho, deeqdarno.
deeqdarnaansho
/dh ld deeqdarnaan.
deeqe
(kiim.) Atamka, ayoonka ama molikuyuulka bixiya lammaane elektaroon marka dabar elektaroon-wadaag ahi samaysmayo.
deeqlay
Nooc geedaha ka mid ah oo aan qodax lahayn oo dhacaan guduudan leh. ld deeqle (2).
deeqle
1. Alle magacyadiis mid ka mid ah. 2. ld deeqlay.
deeqsi
D. ah: qof naxariis badan oo waxa uu haysto wax ka bixiya.
deeqsii
Wax, wax ku fillaysiin.
deeqsiin
ld deeqsiis.
deeqsinnimo
Qof deeqsi ah ahaansho.
deeqtoon
Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho.
deeqtoonaan
ld deeqtoonaansho.
deeqtoonaansho
/dh eeg deeqtonoow. ld deeqtoonaan.
deeqtoonow
Ka d.: qof awooddiisa ku tashanaya noqosho.
deer
ada keeda lab.
deero
Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxanraxan isu raacda.
deewali
Boqorrada dumarku dhexda ku xirtaan, jaad ka mid ah.
deex
Dhul geed-gaab iyo caws ka baxaan oo badda xiga.
deexasho
ld deexad.
deexguur
Dadka dega dhulka badda u dhow.
deexo
1. U d.: qof, qof kale si daacad ah ugu warramid. 2. Hadal badan shubid; dalqamid.
deg
/dh 1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
degaamee
Meel degaan ka dhigid. ld deegaamee, deegaami, degaami.
degaameyn
ld deegaameyn, deegaamin, degaamin.
degaami
n m.dh ld degaameyn.
degaan
Meel la deggan yahay. ld deegaan¹ (2).
degaan-habboon
Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm.

