0

daqranaan

m f dh

ld dakhranaan, dakhranaansho, daqranaansho.

0

daqranaansho

m l

/dh ld daqranaan.

0

daqrid

m f dh

ld dakhrid.

0

daqsi

m l

Eeg: duqsi

0

dar

m l (-rar, m.l)

1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

0

dar-alla

fk. Run ahaan.

0

daraad

m dh fk

Eeg: dar²

0

daraaf

m l

Nuqul, bartilmaan.

0

daraasad

m dh

diraaso.

0

daraaso

m dh

Baaridda ama u dhabbagelidda wax la rabo in xogtooda la ogaado. ld daraasad, diraaso.

0

daraawiish

m dh u

1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.

0

darab

m l

1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

0

darabdhaqasho

m dh

Eeg: darabqaadasho

0

darabdhaqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Eeg: darabqaado

0

darabqaadasho

m f dh

ld darabdhaqasho.

0

darabqaado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

Saxaro iyo kaadi iska dhiqid. ld darabdhaqo.

0

daradhig

m l

1. D. ah: miro meel sare saaran oo la qallajinayo. 2. D. ah: ilmo dhashay oo aan weli afartankii ka bixin.

0

daraf

m l

/dh (-rfo, m.l/-fyo, m.dh) 1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.

0

daragad

m dh

Eeg: dargad

0

darajee

f g2 (-jeeyay, -jeysay)

Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.

0

darajeyn

m f dh

ld derejeyn.

0

darajo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Heer ama jago shaqo lagu gaaro. 2. Halbeeg saleedka heer kulka ama xaglaha. 3. Xushmo iyo qaddarin. 4. Dhibco imtixaan lagu helo.

0

daran

m dh

Geed yar, jaadad badan oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan, geelu ku jeelbaxo leh.

0

darancad

m l

/dh Nooc daranta ka mid ah oo meelaha cusbada badan ka baxda.

0

darandawaco

m dh

Nooc daranta ka mid ah oo aayan xooluhu jeclayn.

0

darandoorri

m l

1. Nooc ciyaarsiiska ka mid ah oo uu qofka taagani si aan kala go' lahayn cagaha dhulka ula dhaco. 2. D. ah: fal aan si kala go' lahayn u dhaca. 3. dl. darandoorriyid.

0

darandoorrin

m dh

Eeg: darandoorriyid

0

darandoorris

m l

Eeg: darandoorriyid

0

darandoorriyid

m f dh

ld darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.

0

darangee

f g2 (-geeyay, -geysay)

Xoolo, meel daran leh daajin.

0

darangeel

m dh

Nooc daranta ka mid ah oo dhaadheer.

0

darangeyn

m f dh

Eeg: darangee

0

darankutaal

m dh

Nooc daranta ka mid ah.

0

daranmadow

m l

Nooc daranta ka mid ah, gaagaaban, oo midabkeedu madowyahay.

0

daranyo

m dh

Dacdarro.

0

daranyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Dacdarro la kulmid.

0

daranyood

m f l

Eeg: daranyoo

0

darar

m l

1. Caano badan oo candho xoolaad ku yaal. 2. ld dararid.

0

darari

f g2 (-iyay, -isay)

Neef xoola ah nafaqo uu ku dararo siin.

0

dararid

m f dh

ld darar¹ (2).

0

dararin

m f dh

Eeg: darari

0

dararsasho

m f dh

Eeg: dararso

0

dararso

f g3 (-saday, -satay)

Neef xoolo ah darar ka maalid.

0

daras

m l

Qof boorane ku kacsanyahay oo aan weli laga tumin.

0

darasho

m f dh

Eeg: daro²

0

darato

m dh

Cudur halis ah sambabada idaha ku dhaca oo diif iyo qufac badan leh.

0

darax

m l

D. ah: markab ama doon aan waxba saarrayn.

0

daray

m l (daray, m.dh)

Geed weyn, ka baxa biyamareennada iyo qararka webiyada oo miro waaweyn, macaan oo la cuno leh; mukay.

0

darayn

m f dh

Eeg: daree

0

darbaal

m l (-llo, m.dh)

Maro weyn, adag oo baabuurta aqallada iwm roobka looga dado; shiraaq.

0

darbad

m dh (-do, m.l)

1. Dabayl xoog leh oo ka dhacda badda. 2. Xumad badan. 3. ld darbo¹.

0

darbadayn

m f dh

Eeg: darbadee

0

darbadee

f g

/mg2 (-deeyay, -daysay) Laadid (kubbadda cagta).

0

darban

f mg4 (-naa, nayd)

1. Wax diyaar ah ahaansho. 2. Wax aleel lagu qurxiyey ahaansho.

0

darbanaan

m f dh

ld darbanaansho.

0

darbanaansho

m l

/dh ld darbanaan.

0

darbasho

m f dh

Eeg: darbo²

0

darbayn

m f dh

Eeg: darbee

0

darbee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Kubbad si xoog leh u laadid. 2. Khayaano faa'iido weyn ku helid.

0

darbi

f g2 (-iyay, -isay)

Cunto la iidaamay gacanta ku cunid. ld sarbi.

0

darbid

m f dh

Eeg: darab³

0

darbin

m f dh

ld sarbin.

0

darbo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Si xoog ah uu kubbad lugta loogu laado. 2. Khayaano faa'iido weyn lagu helo. ld darbad (3).

0

darbuugad

m dh (muus.)

Naaro; daf.

0

darbuush

m l

Eeg: tarbuush

0

dardaaran

m l (-nno, m.dh)

1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay.

0

dardaarmid

m f dh

Eeg: dardaaran²

0

dardaarweri

f mg2 (-iyay, -isay)

U d.: qof u sheegid dareen iyo dhibaata xun oo ku soo socota.

0

dardaarwerin

m f dh

ld dardaarweris.

0

dardaarweris

m l

Eeg: dardaarwerin

0

dardar

m dh

1. Xoog, karti iwm oo aan weli la isticmaalin; carcar. 2. Jiiridda wax la jiiro. 3. D. ah: dhabbe aad loo maro.

0

dardaran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax la dardaray noqosho. ld berberan¹, derderan¹.

0

dardarid

m f dh

ld barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.

0

dardarmid

m f dh

ld berbermid, derdermid.

0

dardarnaan

m f dh

ld barbarnaan, barbarnaansho, berbernaan

0

dardarnaansho

m l

/dh ld dardarnaan.

0

dardarsamid

m f dh

Eeg: dardarsan

0

dardarsan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Isku d.: qof gabow, naxdiin iwm awgood, wax la garan waayey noqosho.

0

dardhaaf

m l

U gudbidda neef uu u gudbo dar kale. ld dardhaafid.

0

dardhaafi

f g2 (-iyay, -isay)

Dar biyo ka badan ku shubid.

0

dardhaafid

m f dh

ld dardhaaf¹.

0

dardhaafin

m f dh

ld dardhaafis.

0

dardhaafis

m l

Eeg: dardhaafin

0

dardhad

m l

Eeg: dardhasho

0

dardhasho

m f dh

ld dardhad.

0

dardhaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax aad u dhaxamaysan ahaansho (nafley).

0

dardhaysnaan

m f dh

ld dardhaysnaansho.

0

dardhaysnaansho

m l

/dh ld dardhaysnaan.

0

dardho

m dh

Dhaxan badan.

0

daree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.

0

dareeme

m l (-mayaal, m.l/dh)

1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo.

0

dareeme-kiimikaad

m l (-mayaal, m.l/dh)

(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.

0

dareemid

m f dh

Eeg: dareen²

0

dareemo

m dh

Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.

0

dareen

m l

1. Garasho ku abuurta niyadda qofka isbeddal nafsadeed. 2. War dhiilo leh. 3. Tuhun; shaki.

0

dareen-indheed

m l (-eemo ..., m.l)

(c.nafl.) Qaybta ugu yaryar saddexda qaybood ee dareenwada tirijeemin waxay soo qaaddaa dareenka kuuska isha, xuubka isha iyo qanjirka ilmada; waxay ka soo qaaddaa oo kale qayb yar oo sanka gudihiisa ka mid ah iyo maqaarka sanka sunniyaha iyo maqaarka madaxa.

0

dareen-xanuun

m l (-eemo ..., m.l)

(daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.

0

dareensad

m l

Eeg: dareensasho

0

dareensan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax, wax dareemay ahaansho.

0

dareensanaan

m f dh

ld dareensanaansho.