Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 16 of 58.
daruurnugul
Daruur weyn oo hoos yeelata aanse di'in.
daruuro
Siriqda loo yeelo xarig wax lagu qabanayo.
darwiish
Mid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed.
darxad
Tarash; xiddo. darxadayn m.f.dh eeg darxadee.
darxadee
Maro darxad u yeelid.
darxumaysan
Wax darxumo hayso ahaansho.
darxumaysasho
ld darxumaysad, darxumaysi.
darxumaysnaan
ld darxumaysnaansho.
darxumaysnaansho
/dh ld darxumays-naan.
darxumayso
Wax darxumo la kulmid.
darxumee
Wax darxumo la kulmid.
darxumo
Xaalad silic iyo rafaad leh. ld darxumi.
daryaan
) ld dayaan².
daryeel
1. Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar. 2. ld daryaalid.
daryeelid
ld daryeel¹ (2).
daso
Hooy yar oo ka samaysan raro; qoryo, dhoobo iwm.
dastuur
/dh ld tastuur.
daw
1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. ld dow.
dawaad
1. Khad. 2. Weelka khadda lagu shubto. 3. Madow khadka u eg oo awrka qoorka ahi ku yeelato qadaadka. ld tawaad.
dawaaf
1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.
dawaafi
Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.
dawaafid
ld dawaaf¹ (3).
dawaafin
ld dawaafsiin.
dawaali
fk. D. ...u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tus. “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.
dawaansasho
ld dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho
dawaanso
Cid wehel ka dhigasho. ld tawaanso.
dawaaqi
Nooc shabaagta ka mid ah oo libaax badeedka lagu dabo.
dawaar
1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.
dawaarad
Abitey.
dawaarle
Ninka dharka tola ama fasila. ld dawaarwale.
dawaaro
Lo' yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.
dawac
ada keeda lab.
dawaco
1. Dugaag hilib ku noolka ka mid ah, eyga u eg kase yar oo ariga laaya. 2. Dawacada midkeeda dheddig. ld dacawo, dayo¹ (2).
dawakh
Madax wareer dartiis wax la kala garan waayid.
dawakhaad
Madax wareer wax la kala garan waayo.
dawakhi
Qof, madax wareer ku ridid. ld dawikhi.
dawakhid
ld dawakh¹, dawikhid.
dawakhin
ld dawikhin.
dawakhsan
Qof madax wareer hayo ahaansho.
dawakhsanaan
ld dawakhsanaansho.
dawakhsanaansho
/dh ld dawakhsanaan.
dawan
1. Koor yar, bir ka samaysan oo gammaanka loo xiro. 2. Qalab bir ah, laga dhawaajiyo marka xisada dugsida billaabanayaan ama dhammaanayaan.
dawar
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Baryo iyo yabooh u wareegid. 2. (f.g) Markab ama doon washirid. 3. (f.mg) Markab ama doon leexin. ld dewer².
dawari
Wax dhumay baadi goobid. ld daweri, dawri, deweri.
dawarid
ld dawar¹, dewer¹, dewerid.
dawarin
ld dawerin, dawrin, dewerin.
dawarsasho
ld dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi.
dawarso
Dawarsi samayn (qof). ld dewerso.
dawax
Ku d.: cid ku maadeysasho.
dawaxaar
Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iwm.
dawdabi
1. Caano, biyo iwm si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
dawdar
; dawdarid.
dawdaran
Ka d.: wax aan daw lahayn ahaansho.
dawdarid
ld dawdar¹; dowddarid.
dawdarnaan
ld dawdarnaansho, dawdarni, dawdarno.
dawdarnaansho
/dh ld dawdarnaan.
dawdarroo
Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
dawdawle
D. ah: qof been badan oo muujiya karti uusan lahayn.
dawdawlee
Qof been badan karti uusan lahayn muujin.
daweyso
/mg3 (-saday, -satay) ld daaweyso.
dawggal
1. ld dawggelid. Gabbashada wax la gaadayo meel loogu gabbado. 2. D. ah: arrin iwm oo maangal ah.
dawggelid
ld dawggal¹ (1).
dawi
Wax meel fog u gudbin.
dawin
ld dawis.
dawlad
1. Dal, dad ku noolyahay, leh calan iyo xuduud caalamku u aqoonsanyahay. 2. Inta haysa maamulka sare ee qaran. ld dowlad.
dawlad-dastuuri-ah
(siyaa.) Dawlad ku xaddeysan, una hogaansan dastuurka.
dawladnimo
Dawlad ahaansho. ld dowladnimo.

