0

degaandeg

m l (-gyo, m.dh)

Inta u dhexeysa dusha meel sare ilaa halka ay ka simantahay.

0

degaansho

m dh

Xaalad deggan.

0

degad

m l

Eeg: degasho

0

degadduub

m l

Suuman yaryar oo kabaha sandalka ah lagu qurxiyo.

0

degalbaaris

m dh (taar.)

Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm.

0

degasho

m f dh

ld degad. degdeg¹ m.l 1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. ld deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo.

0

degdeg

f mg1 (-gay, -gtay)

Si dhaqsiya ah wax u qabasho. ld deddeg².

0

degdegid

m f dh

ld deddegid.

0

degdegsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax degdegaaya ahaansho. ld deddegsan.

0

degdegsanaan

m f dh

ld deddegsanaan, deddegsanaansho, dedgegsanaansho.

0

degdegsanaansho

m l

/dh ld degdegsanaan.

0

degdegsiinyo

m l

Eeg: degdeg¹

0

degdeji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax si dhaqso ah u samayn. ld deddeji.

0

degdejin

m f dh

ld deddejin, deddejis, degdejis.

0

degdejis

m l

Eeg: degdejin

0

degeb

m l

degel m.l (-llo, m.dh) 1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.

0

degeltir

f g1 (-ray, -rtay)

Wax ciribtirid.

0

degeltirid

m f dh

Eeg: degeltir

0

deggan

f g

/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Wax meel rug ka dhigtay ahaansho (cid). 2. (f.mg)Wax xasillan ahaansho. 3. (f.mg) Wax kudid raba ahaansho (sac).

0

degganaan

m f dh

ld degganaansho.

0

degganaansho

m l

/dh eeg degganow. ld degganaan.

0

degganow

f g3 (-naaday, -naatay)

Wax meel rug ka dhigtay noqosho (cid).

0

degid

m f dh

ld degis, degitaan.

0

degis

m dh

Eeg: degid

0

degitaan

m l

1. Rug ka dhigashada meel rug laga dhigto. 2. Fariisashada wax duulayey fariisto. 3. Shiididda biyo hoos loo shiido. 4. Hoos u dhicidda dhul, webi iwm hoos heerkoodii uga dhacaan. 5. Kala miirmidda wax qasnaa kala miirmaan. ld degid.

0

degmo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Beel. 2. Qaybaha gobod u qaybsamo middood. 3. ld degsiimo. Meel la degganyahay.

0

dego

f mg3 (-gtay, -gatay)

1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9)

0

degsaar

m l

D. ah: wax garabka lagu qaadi karo.

0

degsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Xamuul wax dhulka la dhigay ahaansho. 2. Qorshe, nidaam iwm wax la dhammaystiray ahaansho.

0

degsanaan

m dh

ld degsanaansho.

0

degsanaansho

m l

/dh ld degsanaan.

0

degsasho

m f dh

Eeg: degso

0

degsiimo

m dh

Meel la degganyahay. ld degmo (3).

0

degso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax meel kore saaran hoos uga qaadasho. 2. Sharci, xeer, iwm samaysasho. 3. Cunno meel ku jirta mid kale kaga ridasho.

0

deji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax meel kore ka qaadid oo hoos keenid. 2. Badda dhexdeeda ku qarqin (doon iwm). 3. Qof kacsan xasilin. 4. Nafley meel degaan uga dhigid. 5. Sharci, xeer, iwm samayn. 6. Soo d.: badeeco dal soo gelin; soo waaridid. 7. Xisaabo wadartooda isugey

0

dejin

m f dh

ld dejis.

0

dejis

m l

Eeg: dejin

0

deked

m dh

Meel dhisan, loogu talagalay in ay maraakiibta ku soo xirato oo laga raro, waxna looga dejiyo.

0

deldel

m l

ąldalid.

0

deldelaad

m dh

ąldalid.

0

deldelan

f mg4 (-naa, -nayd)

ąldalan.

0

deldelid

m dh

ąldalid.

0

deldelnaan

m dh

ąldalnaan.

0

deldelnaansho

m l

/dh ld dąldalnaan.

0

deleb

m l

Cayaar tammaanka u eg oo qoryo qalbacyo ah oo yaryar oo afar ah lagu cayaaro.

0

deli

m l (-iyo, m.l)

Meel laga dhaco oo hoobad ah; dalow.

0

delidhac

m l

1. Jar ka dhac. 2. ld delidhacid.

0

delidhicid

m f dh

ld delidhac¹ (2).

0

delleg

f g1 (-lgay, -legtay)

Qof dhaandhaan ka dhigid.

0

dellegan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax la dellegay ahaansho.

0

dellegid

m f dh

Eeg: delleg

0

dellegnaan

m f dh

ld dellegnaansho.

0

dellegnaansho

m l

/dh ld dellegnaan.

0

delo

m dh (bot.)

Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.

0

delta

m dh (juqr.)

Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.

0

deltooyd

m l u (-dyo, m.dh)

Muruq weyn oo qaab saddex gees leh oo daboola isgoyska garabka. Wuxuu kor u qaadaa gacanta oo ka fogeeyaa jirka intiisa kale.

0

dembaab

m l

Dembi. ld dambaab¹, denbaab¹.

0

dembaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof dembi gelin. ld dambaabi, dambaabsii, dambaaji, dembaabsii

0

dembaabid

m f dh

ld dambaabid, denbaabid.

0

dembaabin

m f dh

ld dambaabin, dambaabis, dambaabsiin, dambaajin, demb

0

dembaabsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: dembaabi

0

dembaabsiin

m dh

Eeg: dembaabin

0

dembaaji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dembaabi

0

dembaajin

m dh

Eeg: dembaabin

0

dembi

m l (-iyo, m.dh)

1. Wax kasta oo la sameeyo oo diinta khilaafsan. 2. Wax kasta oo dhaqan ama qaanuun ku xadgudbaaya. ld dambi.

0

dembidhaaf

m l

Cafinta uu Ilaah cafiyo qof dembi galay. ld dembidhaafid.

0

dembidhaafid

m f dh

ld dambidhaaf¹, dambidhaafid, dembi-dhaaf¹.

0

dembiilannimo

m dh

Dembille ahaansho. ld dambilannimo.

0

dembiile

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof dambi falay. ld dambiile.

0

dembitir

m l

Baabi'inta raadka dembi la galay. ld dembitirid.

0

dembitirid

m f dh

ld dambitir¹, dambitirid, dembitirid.

0

dementiya

m l (daaw.)

Xaalad cudur oo joogto ah ama muddo dheer socota oo ay maskaxda gabto hawsheeda. Astaamo: xasuus xumo, isbeddel shakhsiyaded, fakar xumo iyo habow, istix geli la'aan.

0

demi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dami

0

demid

m dh

Eeg: damid

0

demin

m dh

Eeg: damin

0

demis

m l

Eeg: demin

0

demokaraati

m l

D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.

0

demokarasiya

m dh

Talis dawleed oo ku dhisan xukun uu dadweynuhu maamulo. ld demokarasiyad.

0

demokarasiyad

m dh

Eeg: demokarasiya

0

den

f mg1 (-emey, -entey)

ąn.

0

denbaab

m l

Eeg: dembaab¹

0

denbaabid

m dh

Eeg: dembaabid

0

deni

m l

Eeg: dani¹

0

densan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: dansan

0

densanaan

m dh

Eeg: dansanaan

0

densanaansho

m l

/dh ld dansanaan.

0

derbi

m l (-iyo, m.dh)

Eeg: darbi¹

0

derder

m l

Eeg: dardarid

0

derderan

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Eeg: dardaran¹

0

derderid

m dh

Eeg: dardarid

0

derdermid

m dh

Eeg: dardarmid

0

derdernaan

m dh

Eeg: dardarnaan

0

derdernaansho

m l

/dh ld dardarnaan.

0

dereb

m l

Dhul ciiddiisu isugu jirto ciid madow iyo ciid cad oo daaqa iyo beerashada ku wanaagsan.

0

dereg

m l

Daryeel.

0

derejee

f g2 (-jeeyay, -jeysay)

Eeg: darajee

0

derejeyn

m dh

Eeg: darajayn

0

derejo

m dh

Eeg: darajo

0

derged

m dh

Dhisme ka samaysan tiir adag iyo qoryo dusha ciid laga saaray.

0

deri

m dh (c.nafl.)

Godniinka lafdhabarka oo u furan dibedda.