0

dhabcaalad

m dh

Eeg: dhabcaal²

0

dhabcaalnimo

m dh

Dhabcaal ahaansho.

0

dhabcaan

m dh

Eeg: dhabcan

0

dhabcan

m dh

Xaar lo'aad oo qoyan; faanto. ld dhabcaan.

0

dhabdarro

m dh

Gardarro.

0

dhabdarroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.

0

dhabdarrood

m f l

Eeg: dhabdarroo

0

dhabee

f mg2 (-beeyay, -baysay)

Ka dh.: wax dhab ka dhigid.

0

dhabeel

m dh (-lo, m.l)

Naag maamulka guriga aad ugu fiican; gaari.

0

dhabeelnimo

m dh

Dhabeel ahaansho.

0

dhabeeloobid

m f dh

Eeg: dhabeelow

0

dhabeelow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhabeel noqosho.

0

dhabgeli

f lg2 (-iyay, -isay)

Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin.

0

dhabgelin

m f dh

Eeg: dhabgeli

0

dhabiil

m dh

1. Dhaqaaleynta iyo tashiilidda hantida. 2. Quuddarraynta. ld dhabiilid.

0

dhabiilid

m f dh

ld dhabiil¹.

0

dhabiiltamid

m f dh

ld dhabiiltan¹.

0

dhabiiltan

m l

Si dhab ah oo loo xisaabtamo. ld dhabiiltamid.

0

dhabji

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhabqi

0

dhabjin

m dh

Eeg: dhabqin

0

dhabjis

m l

Eeg: dhabqin

0

dhabnaan

m f dh

ld dhab-naansho.

0

dhabnaansho

m l

/dh ld dhabnaan.

0

dhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Dhaqdhaqaaqid, kicid (dhabayl).

0

dhaboobid

m f dh

Eeg: dhabow

0

dhabow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhab noqosho.

0

dhabqalallayn

m f dh

Eeg: dhabqalallee

0

dhabqalallee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Wax dhabqalallo ku sameyn.

0

dhabqalallo

m dh kh

Dh. ah: qof maankiisa wax u dhimmanyihiin; dhaandhaan; sacsac; sawir.

0

dhabqi

f g2 (-iyay, -isay)

Cayaar, hees iwm dhabaq gelin. ld dhabji.

0

dhabqid

m f dh

Eeg: dhabaq²

0

dhabqin

m f dh

ld dhabjin, dhabjis, dhabqis.

0

dhabqis

m l

Eeg: dhabqin

0

dhabro

m dh

Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.

0

dhabuulaq

m l

Raad dad oo isku noqnoqday.

0

dhabuuliqid

m f dh

Eeg: dhabuulaq²

0

dhabxanag

m l

Dahaarka jilicsan ee hoos kaga dheggan qalka sare ee afka. ld dhanxalag, dhanxanag, dhanxarag.

0

dhac

m l

1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.

0

dhacaamid

m f dh

ld dheecamid.

0

dhacaan

m l (-aamo, m.dh)

Hoore layiig ah oo ka yimaada nabar ama dhaawac gaaray oogada noole. ld dheecaan¹.

0

dhacaan-ganaceed

m l (-dyo, m.dh)

(c.nafl.) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.

0

dhacadiid

m l

Si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo. ld dhacadiidid.

0

dhacadiidid

m f dh

ld dhacadiid¹, dhacdiid¹, dhacdiidid.

0

dhacadiidsad

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacadiidsasho

m f dh

ld dhacadiidsad, dhacadiidsi, dhacdiidsad.

0

dhacadiidsi

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacadiidso

f mg3 (-saday, -satay)

Dacdiid u seexasho. ld dhacdiidso.

0

dhacamaggal

m l u

Eeg: dhacmaggal

0

dhacami

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhacmi

0

dhacamin

m dh

Eeg: dhacmin

0

dhacamis

m l

Eeg: dhacmin

0

dhacan

m dh (-cmo, m.l)

Ood weyn oo xeryaha afka laga saaro; oodafo; jiitin; oodrogo; buuxsin.

0

dhacar

m dh

1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.

0

dhacarad

m l

Eeg: dhacarasho

0

dhacarasho

m f dh

ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.

0

dhacarato

m dh u

Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.

0

dhacari

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo meel dhacar leh soofin.

0

dhacarin

m f dh

ld dhacaris.

0

dhacaris

m l

Eeg: dhacarin

0

dhacaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.

0

dhacarsad

m l

Eeg: dhacarasho

0

dhacarsasho

m dh

Eeg: dhacarasho

0

dhacarsato

m dh u

Eeg: dhacarato

0

dhacarsi

m l

Eeg: dhacarasho

0

dhacarso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: dhacaro

0

dhacdhac

m l

1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid.

0

dhacdhicid

m f dh

ld dhacdhac¹ (5), dhicdhicid.

0

dhacdiid

m l

Eeg: dhacadiidid

0

dhacdiidid

m dh

Eeg: dhacadiidid

0

dhacdiidsad

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacdiidsasho

m dh

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacdiidsi

m l

Eeg: dhacadiidsasho

0

dhacdiidso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: dhacadiidso

0

dhacdo

m dh (-ooyin, m.l)

Amar, arrin.

0

dhaclayn

m dh

Eeg: dhaaclayn

0

dhaclaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: dhaaclaysan

0

dhaclaysnaan

m dh

Eeg: dhaaclaysnaan

0

dhaclaysnaansho

m l

/dh ld dhaaclaysnaan.

0

dhacle

m l

Eeg: dhaacle

0

dhaclee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Eeg: dhaaclee

0

dhacma-ku-dheg

m l

Geesariyoodka.

0

dhacmaggal

m l u

Maqal ari oo aad u yar yar. ld dhacamaggal.

0

dhacmi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ood xaro xoolaad afka ka saarid. 2. Ood weyn, cufan, xero ku adkayn. ld dhacami.

0

dhacmid

m f dh

Eeg: dhacan²

0

dhacmin

m f dh

ld dhacamin, dhacamis.

0

dhacnaan

m f dh

ld dhacnaansho.

0

dhacnaansho

m l

/dh ld dhacnaan.

0

dhacsaal

m dh

Daal aad u badan.

0

dhacsaalid

m f dh

Eeg: dhacsaal²

0

dhacsad

m l

Eeg: dhacsasho

0

dhacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Biyo iwm wax heerkay joogeen hoos uga dhacay ahaansho. 2. Daawo, fiiso, iwm wax waqtigii loogu talaggalay dhaafay ahaansho.

0

dhacsanaan

m f dh

ld dhacsanaansho.

0

dhacsanaansho

m l

/dh ld dhacsanaan.

0

dhacsasho

m f dh

ld dhacsad, dhacsi.

0

dhacsi

m l

Eeg: dhacsasho

0

dhacsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Qof wax fahamsiin.

0

dhacsiin

m f dh

ld dhacsiis.

0

dhacsiis

m l

Eeg: dhacsiin

0

dhacso

f g3 (-saday, -satay)

1. Qof wax laga dhacay xoog ku soo ceshasho. 2. Nirig naas maraq ka furasho.

0

dhad

f mg1 (-day, -dday)

1. ld dhar 2. Caleen, ubax iwm nafaqo ama biyo la'aan awgeed la duubmid. 2. Wax huur u ah noqosho (badar).