0

dhagaxdixeed

m l

/dh (-dyo, m.l) Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.

0

dhagaxturaanturro

m dh

Wax kasta oo socod, hawl iwm xanniba oo ay la socon waayaan.

0

dhagaxyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Wax dhagax la dhacid. ld dhagxi. dhagaxyeyn m.f.dh eeg dhagaxyee. ld dhagxin, dhagxis.

0

dhagdhag

m dh sh r

Qosol aad u dheer oo aan kala go' lahayn.

0

dhagi

m dh

Maalinta kala barkeeda ee qorraxdu aad u kulushahay. ld dhadi.

0

dhagrid

m f dh

Eeg: dhagar²

0

dhagsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Qof ama wax dilid.

0

dhagsiin

m f dh

Eeg: dhagsii

0

dhaguf

m dh (-fyo, m.dh)

Wadaan gaboowday.

0

dhagxi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhagaxyee

0

dhagxin

m dh

Eeg: dhagaxyeyn

0

dhagxis

m l

Eeg: dhagaxyeyn

0

dhaji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ku dh.: wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: qof wax ku ilayn. ld dheji (5).

0

dhąji

m l (-iyo, m.dh)

Nooc halaqa ka mid ah. ld haldheji.

0

dhajin

m f dh

ld dhajis (3), dhejin, dhejis.

0

dhajis

m l

1. Mas gaboobay. 2. Cudur caloosha ku dhaca oo mantag badan leh oo la aaminsanyahay inuu ka dhashay ilayn qof la ileeyay. 3. ld dhajin.

0

dhajisgoyn

m dh

Daaweynta cudurka dhejiska.

0

dhakaac

m l

Qayb lafdhabarta ah.

0

dhakaaci

f mg2 (-iyay, -isay)

Qosol ka dh.: aad u qoslid.

0

dhakaacin

m f dh

Eeg: dhakaaci

0

dhakaar

m l

1. Madaxa. 2. Dhafoor.

0

dhakaaryayn

m f dh

Eeg: dhakaaryee

0

dhakaaryee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Cid dhakaarka ka garaacid.

0

dhakaaryo

m dh

Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.

0

dhakab

m dh sh r

Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.

0

dhakad

m l

Eeg: dhakasho

0

dhakafaar

m l

1. Yaab aad u weyn. 2. ld dhakafaarid.

0

dhakafaari

f g2 (-iyay, -isay)

Cid, dhakafaar badid. ld dheg-kafaari, dhekafaari.

0

dhakafaarid

m f dh

ld dhakafaar¹ (2), dhakafaaris², dhegkafaar¹, dhe

0

dhakafaarin

m f dh

ld dhakafaaris¹, dheg-kafaarin, dhekafaarin, dhekafa.

0

dhakafaaris

m l

Eeg: dhakafaarin

0

dhakafaarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dhakafaaray ahaansho. ld dheg-kafaarsan, dhekafaarsan.

0

dhakafaarsanaan

m f dh

ld dhakafaarsanaansho, dheg-kafaarsanaan, dheg-kafaar

0

dhakafaarsanaansho

m l

/dh ld dhakafaar-sanaan.

0

dhakal

m l (-llo, m.dh)

Haruub aad u yar.

0

dhakan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.

0

dhakanaan

m f dh

ld dhakanaansho.

0

dhakanaansho

m l

/dh ld dhakanaan.

0

dhakasho

m dh

1. Dhuumashow. 2. ld dhakad. eeg dhako.

0

dhakaw

m l

Tigin; dhidib; udub.

0

dhakhaatiir

m dh

Eeg: takhaatiir

0

dhakhadhookh

m l (-khyo, m.dh)

Qof dad ka qosliya.

0

dhakhsad

m l

Eeg: dhaqsad

0

dhakhsaha-falgalka

m l (kiim.)

Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.

0

dhakhsasho

m dh

Eeg: dhaqsasho

0

dhakhsi

m l

Eeg: dhaqsasho

0

dhakhsiinyo

m l

(1).

0

dhakhso

m l

(1).

0

dhakhso-horsiimo-kowaad

m l (kiim.)

Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.

0

dhakhtar

m l

Eeg: takhtar¹

0

dhakhtarnimo

m dh

Eeg: takhtarnimo

0

dhako

m dh (-ooyin, m.l)

1. Madaxa meeshiisa sare, dhalo. 2. Meesha ugu sarraysa (guri, geed, buur iwm); fiin.

0

dhakool

m l

1. Qof, wax meel cidla' ah taagan ama ka dhisan. 2. ld dhakoolid.

0

dhakoolid

m f dh

ld dhakool¹.

0

dhal

m l (-lal/-llal, m.l)

1. Ubad yaryar oo nafley; dhallaan; carruur; ilmo. 2. Firfir yaryar oo subag ah oo ay yeeshaan caano la lulayo.

0

dhalaad

m l (daaw.)

Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.

0

dhalaal

m l

Iftiin indhaha qabto oo ka baxa walxaha qaarkood marka ilays ku dhaco. ld dhalal¹.

0

dhalaali

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhalaalaya ka dhigid. ld dhalali.

0

dhalaalid

m f dh

ld dhalalid.

0

dhalaalin

m f dh

ld dhalaalis, dhalalin.

0

dhalaalis

m l

Eeg: dhalaalin

0

dhalaaliso

m dh

Qabow aad u xun. ld dhalaalyo, dhalaliso.

0

dhalaalo

m dh

1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. ld dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iwm. ld dhalalo.

0

dhalaalyo

m dh

; dhalaalo.

0

dhalaandhilo

m l

Laba ciddiyood oo qoobabka ariga, lo'da iwm korkooda ku yaal oo yaryar.

0

dhalaandhuux

m l (bot.)

Geed gaab ciinka u eg, aan caleen lahayn, laamo xubno leh yeesha iyo canano indhaha lagu daweeyo. ld dhallaandhuux.

0

dhalaashan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la dhalaalshay ahaansho.

0

dhalaashanaan

m f dh

ld dhalaashanaansho.

0

dhalaashanaansho

m l

/dh ld dhalaashanaan.

0

dhalad

m l

1. D. ah: qof fir wanaangsan ka soo jeeda. 2. ld dhalasho.

0

dhalal

m l

Eeg: dhalaal¹

0

dhalali

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhalaali

0

dhalalid

m dh

Eeg: dhalaalid

0

dhalalin

m dh

Eeg: dhalaalin

0

dhalaliso

m dh

Eeg: dhalaaliso

0

dhalalo

m dh

Eeg: dhalaalo

0

dhalalyo

m dh

Eeg: dhalaalo

0

dhalan

m l

1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.

0

dhalan-geddis-hiddoside

m l (-dayaal, m.l/dh)

(baay.) Isbeddel degdeg ah oo lama filaan ah oo ka dhexdhaca walax hiddo side ah oo unug. Kaas oo ku keeni kara iyada iyo unugyada kale ee laga soo dhiraan dhiriyeyba inay kaga beddelmaan muuqaalka iyo asawgaba nooca caadiga ah.

0

dhalandhool

m l

Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. ld dhalandhoolid.

0

dhalandhooli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid qorrax kulul ku socodsiin.

0

dhalandhoolid

m f dh

ld dhalandhool¹.

0

dhalandhoolin

m f dh

ld dhalandhoolis.

0

dhalandhoolis

m l

Eeg: dhalandhoolin

0

dhalandoori

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhalankooda beddedid.

0

dhalandoorin

m f dh

ld dhalandooris.

0

dhalandooris

m l

Eeg: dhalandoorin

0

dhalandoorsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la dhalandooriyay ahaansho.

0

dhalandoorsanaan

m f dh

ld dhalandoorsanaansho.

0

dhalandoorsanaansho

m l

/dh ld dhalandoorsanaan.

0

dhalanrog

m l

1. Isbeddel wax dabeecaddiisa, firkiisa, muuqaalkiisa iwm ku dhaca. 2. ld dhalanrogid.

0

dhalanrogan

f mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)

Wax la dhalanrogay noqosho.

0

dhalanrogid

m f dh

ld dhalanrog¹ (2).

0

dhalanrogmad

m l

Eeg: dhalanrogmasho

0

dhalanrogmasho

m f dh

ld dhalanrogmad.

0

dhalanrogmid

m f dh

Eeg: dhalanrogan¹

0

dhalanrogmo

f mg3 (-maday, -matay)

Wax dhalanrog ku dhacay noqosho.

0

dhalanrognaan

m f dh

ld dhalanrognaansho.

0

dhalanrognaansho

m l

/dh ld dhalanrognaan.

0

dhalanteed

m l (-dyo, m.dh)

Wirwir; dhaan dabaggaalle.