0

dhaqanwareejin

m f dh

Eeg: dhaqanwareeji

0

dhaqanwareer

m l

Dhaqanhabow.

0

dhaqanwareeri

f g2 (-iyay, -isay)

Bulsho dhaqanhabow ku beerid.

0

dhaqanwareerid

m f dh

ld dhaqanwareeris².

0

dhaqanwareerin

m f dh

ld dhaqanwareeris¹.

0

dhaqanwareeris

m l

Eeg: dhaqanwareerin

0

dhaqanwareersan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dhaqanewareeray ahaansho.

0

dhaqanwareersanaan

m f dh

ld dhaqanwareersanaansho.

0

dhaqanwareersanaansho

m l

/dh ld dhaqanreersanaan.

0

dhaqanxumaan

m dh

ld dhaqanxumaansho, dhaqanxumi, dhaqanxumo.

0

dhaqanxumaansho

m l

/dh ld dhaqanxumaan.

0

dhaqanxumi

m dh

Hab aan wanaagsanayn oo loo dhaqmo. ld dhaqanxumaan.

0

dhaqanxumo

m dh

Eeg: dhaqanxumi

0

dhaqanxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Qof, hab aan wanaagsanayn u dhaqma ahaansho.

0

dhaqasho

m f dh

ld dhaqad.

0

dhaqayo

m dh kh

Neef muddo la maalayey.

0

dhaqayoobid

m f dh

Eeg: dhaqayow

0

dhaqayow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Neef xoolo ah, dhaqayo noqosho.

0

dhaqays

m dh

Toogashada bar astaysan la toogto.

0

dhaqaysad

m l

Eeg: dhaqaysasho

0

dhaqaysasho

m f dh

ld dhaqaysad, dhaqaysi.

0

dhaqaysi

m l

Eeg: dhaqaysasho

0

dhaqayso

f g3 (-stay, -satay)

Bar astaysan toog ku barasho.

0

dhaqdhaq

m l

1. Wax yar oo dufan ah ama caano ama biyo ama wax la mid ah oo wax lagu agloolo ama lagu xalo. 2. Caano ama biyo yar oo weel salkiisa ku haray. 3. ld dhaqdhaqid.

0

dhaqdhaqid

m f dh

ld dhaqdhaq¹ (3).

0

dhaqdhaqsasho

m f dh

Eeg: dhaqdhaqso

0

dhaqdhaqso

f mg3 (-saday, -satay)

Degdegid; ku dheerayn.

0

dhaqid

m f dh

ld dhiqid.

0

dhaqlayn

m f dh

ld dhaqlays.

0

dhaqlays

m l

Eeg: dhaqlayn

0

dhaqlee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Si kibir iyo maangaabnimo ku jirto u dhaqmid.

0

dhaqmaad

m l

1. Dhaqmidda; asluub; nolol. 2. Wax la isticmaalay, wax aan cusub ahayn.

0

dhaqmaati

m l

Eeg: dhaqmaad²

0

dhaqmid

m f dh

Eeg: dhaqan²

0

dhaqmo

m dh

Hab wax loo dhaqo.

0

dhaqnaan

m f dh

ld dhaqnaansho.

0

dhaqnaansho

m l

/dh ld dhaqnaan.

0

dhaqo

f g3 (-qday, -qatay)

1. Wax si fiican u maamulasho. 2. Wax mayrasho.

0

dhaqsad

m l

1. ld dhakhsiinyo, dhakhso¹, dhaqsiinyo, dhaqso 1. Degdeg; welwel. 2. ld dhaqsasho. ld dhakhsad.

0

dhaqsasho

m f dh

ld dhakhsad, dhakhsasho, dhakhsi, dhaqsad (2), dhaqsi.

0

dhaqsi

m dh

Eeg: dhaqsasho

0

dhaqsiinyo

m l

(1).

0

dhaqso

m l

1. (fk) Si degdeg ah; durba; si boobsiis iyo welwel leh. 2. ld dhaqsad.

0

dhaqsooli

f mg2 (-iyay, -isay)

Farax la boodboodid.

0

dhaqsoolin

m f dh

ld dhaqsoolis.

0

dhaqsoolis

m l

Eeg: dhaqsoolin

0

dhaqtamid

m f dh

(2), dhugtamid.

0

dhaqtan

m l (-nno, m.dh)

1. Tartanka meel la dhaqaysanayo lagu tartamo. 2. ld dhaqtamid. ld dhugtan¹.

0

dhar

m l

1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.

0

dharaambi

m l

Eeg: dhadaambiyid

0

dharaanbiyid

m dh

Eeg: dhadaanbiyid

0

dharaar

m dh (-ro, m.l)

1. Maliin. 2. Qado. 3. Meel aqalka ka mid ah, si gaar ah loo goglay, oo ilmaha dhashay la seexiyo.

0

dharaarad

m l

1. Qado. 2. ld dharaarasho.

0

dharaarasho

m f dh

ld dharaarad (2).

0

dharaari

f g2 (-iyay, -isay)

Cid qado siin.

0

dharaarin

m l

Duleed.

0

dharaarmaal

m l

1. Maalidda xoolaha maalin weyn la maalo. 2. D. ah: qof si tuugo ah xoolaha maalintii u maala. 3. ld dharaarmaalid.

0

dharaarmaalid

m f dh

ld dharaarmaal¹ (3).

0

dharaarmaalnimo

m dh

Dharaarmaal ahaansho.

0

dharaarnimo

m dh

Maalinnimo.

0

dharaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Waqti dharaar ah wax cunid.

0

dharaaroomanayn

m f dh

Eeg: dharaaroomanee

0

dharaaroomane

m l

Dh. ah: xoolo aroor ah, ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin oo meel lagu nasiyo.

0

dharaaroomanee

f g2 (-neeyay, -neysay)

Xoolo aroor ah ama dhaan oo aan weli ceelkii gaarin meel ku nasin.

0

dharaarsad

m l

Eeg: dharaarsasho

0

dharaarsasho

m f dh

ld dharaarsad, dharaarsi.

0

dharaarsi

m l

Eeg: dharaarsasho

0

dharaarso

f mg3 (-saday, -satay)

Subax meel in muddo ah ku daahid.

0

dharab

m l

1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.

0

dharab-barafeed

m l (fiis.)

Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.

0

dharabo

m dh

Wax yar oo gasiin ah.

0

dharaboobid

m f dh

Eeg: dharabow²

0

dharabow

m l

Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.

0

dharabsad

m l

Eeg: dharabsasho

0

dharabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.

0

dharabsanaan

m f dh

ld dharabsanaansho.

0

dharabsanaansho

m l

/dh ld dharabsanaan.

0

dharabsasho

m f dh

ld dharabsad, dharabsi.

0

dharabsi

m l

Eeg: dharabsasho

0

dharabso

f mg3 (-saday, -satay)

Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.

0

dharan

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Neef ido ah wax madax cad ahaansho.

0

dharaq

m l

/dh In yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta.

0

dharaqsad

m l

Eeg: dharaqsasho

0

dharaqsasho

m f dh

ld dharaqsad, dharaqsi.

0

dharaqsi

m l

Eeg: dharaqsasho

0

dharaqso

f g3 (-saday, -satay)

Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.

0

dharar

f g1 (-ray, -rtay)

Raagsasho.

0

dhararid

m f dh

Eeg: dharar

0

dhararsad

m l

Eeg: dhararsasho

0

dhararsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dhararay ahaansho (nafley).

0

dhararsanaan

m f dh

ld dhararsanaansho.

0

dhararsanaansho

m l

/dh ld dhararsanaan.

0

dhararsasho

m f dh

ld dhararsad, dhararsi.

0

dhararsi

m l

Eeg: dhararsasho

0

dhararso

f mg3 (-saday, -satay)

Wax la sugayey raagsasho.

0

dharas

m l

1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido).

0

dharasoobid

m f dh

ld dharasow¹.

0

dharasow

m l

Jilcidda qof jirkiisu jilco da' awgeed. ld dharasoobid.

0

dharayn

m f dh

Eeg: dharee

0

dharbaax

f g1 (-xay, -xday)

Wax dharbaaxo ku dhufasho. ld dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee.