Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 26 of 58.
dhalanxumaan
ld dhalanxumaansho, dhalanxumi, dhalan-xumo.
dhalanxumaansho
/dh ld dhalanxumaan.
dhalanxumi
Dabeecad, fir, muuqaal iwm aan la jeclaysan oo wax leeyahay. ld dhalanxumaan.
dhalanxun
Wax dabeecad, fir, muuqaal iwm oo aan la jeclaysan leh ahaansho.
dhalashadadii-ciise
Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember.
dhalasho
1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².
dhalco
1. Kulka qorraxda subaxnimo. 2. Meel bannaan oo aan har lahayn.
dhaldhalaal
Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. ld dhaldhalaalid.
dhaldhalaalid
ld dhaldhalaal¹.
dhaleecee
Cid dhaleeco u jeedin.
dhaleeco
1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
dhalfee
Nin naag u galmoosho.
dhalfiif
Jab yar oo ka mid ah wax burburay.
dhalfo
Xubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn.
dhali
Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.
dhalid
ld dhalis², dhalmo.
dhaliil
/dh Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhalin
ld dhalis¹.
dhaliye
(fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.
dhallaamee
Saansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn.
dhallaan
Carruur yaryar; ilmo.
dhallaanciil
Muddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. ld dhallinciil.
dhallaanhabaabis
Wirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla.
dhallaannimo
Dhallaan ahaansho.
dhallaax
Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira.
dhalleex
/dh 1. Daymo gees la eego. 2. In yar. 3. Hadal ama dood intooda muhiim ah nuxur. ld dhalleec¹, jalleec¹.
dhalleexi
Weel janjeerin. ld dhalleeci, janjeeci.
dhalleexid
ld dhalleecid, dhalleeco, dhalleexo, jalleecid
dhalleexin
ld dhalleecin, jalleecin.
dhalleexsasho
ld dhalleecsad, dhalleecsasho, dhalleecsi, dhalleexsa.
dhalleexso
1. Dhinac eegid. 2. Ka dh.: wax ka gaabsasho. ld dhalleecso, jalleecso.
dhallin
1. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee noole jiro. 2. Dadka inta da'da yar. 3. Dh. ah: qof da' weyn.
dhallinyar
Dadka inta da'dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan.
dhallinyaraan
ld dhallinyar¹, dhallinyaraansho, dhallinyari
dhallinyaraansho
/dh ld dhallinyaraan.
dhallinyarannimo
Dhallinyaro ahaansho.
dhallinyarayn
Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.
dhallinyarow
Dhallinyar noqosho.
dhalmacusbo
Dh. ah: caanaha neef dhawaan-dhal ah.
dhalmaddee
Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid (qof dumar ah).
dhalmaddeyn
ld dhalmaddeys.
dhalmaddeys
1. Dh. ah: qof dumar ah oo gaartey da'da dhalmadu joogsato. 2. ld dhalmaddeyn.
dhalmo
Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. ld dhalid.
dhalo
1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
dhalo-yareey
Dhalo laba dhuceey qaadda.
dhalool
Magac guud oo kulmiya geednugeylka.
dhalow
Qof aad u da' weyn oo carruuroobay.
dhalxan
Malax cad oo indhuhu yeeshaan marka ay jirranyihiin ama aanay nadiif ahayn.
dhalyo
Xiriirka ka dhexeeya dad dhalasho wadaaga.
dham'id
'². ld dala'¹, dal'id, dhama'¹.
dhama'
1. Dayow ka dhasha gaajo iyo harraad. 2. ld dham'id. ld dala'¹.
dhamaajee
Barar dhacaan dhamaajo marin. ld dhammajee, dhamoojee, dhamooqee.
dhamaajeyn
ld dhammaajeyn, dhamoojeyn, dhamoo-qeyn.
dhamaajo
Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹.
dhamac
/dh 1. Dhuxul qaxantay oo waaweyn. 2. Derin aan casaan lahayn oo faylikida u eg.
dhamacaso
Balagga digirta marka uu miro la cuni karo yeesho.
dhamal
/dh (-llo, m.dh) Jirrid weyn, qallalan oo la shito.
dhamas
Geed abaareed weyn, hoos badan oo loo xiisa qaariyadaha doonyaha laga sameeyo.
dhambaal
1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.
dhambaalside
Qof u qaybsan qaadidda dhambaallada, Taararka. ld dhambaalwade, dhambaalwale.
dhambac
Buur dhinaceeda hoose.
dhambacaad
Seexasho qof caloosha hoos marsado.
dhambacaadi
Cid dhambacaad u jiifin.
dhambacaadid
ld dhambacaad¹, dhambacaadis².
dhambacaadin
ld dhambacaadis¹.
dhambal
1. Dh. ah: galley hal mar makiinad lagu burburiyey. 2. ld dhambalid.
dhambalan
Wax la dhambalay noqosho.

