Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 24 of 58.
dhadaambi
Hor iyo gadaal u socosho. ld dharaambi².
dhadaambiyid
ld dhadaambi¹, dharaambi¹, dharaambiyid.
dhaddigee
/mg2 (-geeyay, -geysay) ld dheddigee.
dhadhaab
Jaad geedaha ka mid ah oo xididkiisa laysku daweeyo.
dhadhaab-habe
(jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.
dhadhaab-lakabeed
(jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.
dhadhaab-saleed
(jool.) Dhagax adag amase waxyaalaha kale ee dabacsan ee ka hooseeya ciidda dhulka dushiisa. Mararka qaarkood dhagaxaas adag, boqolaal mitiir buu ka hooseeyaa dhulka dushiisa, hase ahaatee inta badan waxaa laga helaa meelo ka gun gaaban. Meelaha janjeerkood u ama tiiradoodu aad u sarrayso, dhadhaabo saleedku waa qaawanyahay oo ma laha ciid daboosha.
dhadhaab-shiileed
(jool.) Dhagxaan ka timid magma dhalaashan oo adkaatay, waana mid ka mid ah saddexda nooc ee dhadhaabaha ee qolofka dhulku ay ka koobantahay.
dhadhaab-shileed-hoose
(jool.) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.
dhadhaarnaansho
/dh ld dhardhaarnaan.
dhadhab
1. Riyo hadal leh oo aan la xusuusan marka la tooso; qarow. 2. ld dhadhalid.
dhadhabid
ld dhadhab¹ (2).
dhadhamarraac
Dhuuniraac. ld dhandhamarraac.
dhadhami
Wax dhadhankooda hubin. ld dhadhemi, dhandhami, dhandhemi, dhedhemi.
dhadhamid
ld dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
dhadhamin
ld dhadhamis, dhadhemin, dhadhemis, dhandhamin, dhand
dhadhamo
In yar oo wax dhadhankooda lagu ogaado. ld dhadhemo, dhandhamo, dhandhemo, dhedhemo.
dhadhan
1. Dareenka carrabku gudbiyo marka uu cunto, cabbitaan iwm la kulmo. 2. Macaan. ld dhadhen¹, dhandhan¹, dhandhen¹, dhedhen¹.
dhadhansasho
egg dhadhanso. ld dhadhansad, dhadhansi, dhadhensad, dhadhensasho, d.
dhadhansii
Qof dhadhamo siin. ld dhadhensii, dhandhansii, dhandhensii, dhedhensii.
dhadhansiin
ld dhadhansiis, dhadhensiin, dhadhensiis, dhandhansii
dhadhanso
Wax dhadhankooda macaansasho. ld dhadhenso, dhandhanso, dhandhenso, dhedhenso.
dhadhiin
Meel buur dhinaceed ah oo biyo ka soo baxaan.
dhadi
d m.dh eeg dhad. ld dharid.
dhadmmaasnaansho
/dh ld dhammaasnaan.
dhado
(juqr.) Dhibco biyood yar yar oo isku cufan oo ay wehliyaan qiiq ama saxarro boodh ah. Dhadada waxaa laga helaa qaybaha hoose ee gibilka.
dhaf
1. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku darid. 2. Isku dh.: wax, wax kale oo aan noociisa ahayn ku biirid.
dhafaag
Budo hoore lagu qasay oo aan jilicsanayn. ld dhafaaq.
dhafan
Wax la dhafay noqosho.
dhafan-midab-ileys
(fiis.) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.
dhafandhaaf
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.
dhafar
1. Soo jeed habeennimo. 2. (-rro, m.dh) Xarig dheer dabagelis leh oo reeryada lagaga xiro. 3. ld dhafrid.
dhafarsan
1. Wax dhafar hayo ahaansho (qof). 2. Wax dhafar lagu xiray ahaansho (awr).
dhafarsanaan
ld dhafarsanaansho.
dhafarsanaansho
/dh ld dhafarsanaan.
dhafaruur
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
dhafdhaf
D. ah: waxyaabo badan, kala nooc ah oo isku jira.
dhafnaan
ld dhafnaansho.
dhafnaansho
/dh ld dhafnaan.
dhafoor
Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka.
dhafoorshiid
Summad geel oo laba barood oo dab ah oo dhaforrada lagu dhigo.
dhafri
1. Cid inay dhafarto ku kalifid.2. Xarig dhafar ah awr ku dhejin.
dhafrid
ld dhafar¹ (3).
dhafrin
ld dhafris.
dhafrisan
Wax la dhafriyay ahaansho.
dhafrisanaan
ld dhafrisanaansho.
dhafrisanaansho
/dh ld dhafrisanaan.
dhag
Cod lagu muujiyo dilka.
dhagaati
/dh (-iyo, m.l) ld dhegaati.
dhagadhaal
Dhul ka kooban meel dhagax ah iyo meel ciid ah oo kala qaybsan.
dhagar
Khayaano.
dhagarley
Haweeney dhagar badan. ld dhagarrey.
dhagarqabe
Qof cid dhagar ka galay. ld dhagarlow, dhagarre, dhagarrow.
dhagax
Adke yaryar iyo waaweyn leh, buuraha ama dhulkahoose laga helo oo wax lagu dhisto.
dhagax-aboodi
Dhagax gaar ah oo la aaminsanyahay inuu daawo leeyahay.
dhagax-burbur-kiimikaad
Burburka ku dhaca dhadhaabaha ee ka dhasha falgalka kiimikaad.
dhagax-cas
Dhadhaabo cas oo dhagax burburku uu soo saaro. Si weyn waxaa looga helaa gobollada kulaaleyda hursan, dh. c.ka waxaa ku jira ogsaydhyada bir iyo aluminiyam oo la biyo saaray.
dhagax-lool
Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.
dhagax-madoobe
Dhagax ka mid ah dhadhaabaha faraha badan oo loo yaqaanno hadhaabo dhalan rogan.
dhagax-madow
Nooc ka mid ah dhagaxa adag, laga helo buuraha qaarkood oo markuu isku dhaco dab ka baxo.
dhagax-nuuradeed
Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.
dhagax-xameetiyeed
Wax adag oo ka sameysan midableyda xameytida, kolesterool, iyo cusbo kaalshum, kuna sameysmi kara xameytihaysta.
dhagaxbaruur
/dh (-rro, m.dh) Dhagax midab cad leh oo jilicsan.
dhagaxdhaal
Dhul meelina dhagax tahay, meelna ciid.

