Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 28 of 58.
dhanqalan
1. Harraad aad u badan oo qofku hadalka kari waayo. 2. D. ah: qof harraad aad u badani hayo. ld dhankalax¹, dhanqalac¹.
dhanqalmid
ld dhankalmid, dhanqalcid.
dhanqalnaan
ld dhanqalnaansho.
dhanqalnaansho
/dh ld dhanqalnaan.
dhansii
Caano cid cabsiin.
dhantaal
Cid wax ka maarmiddoodu dhib ku tahay ka reebid.
dhantaalan
Wax la dhantaalay noqosho.
dhantaalnaan
ld dhantaalnaansho.
dhantaalnaansho
/dh ld dhantaalnaan.
dhanyo
Sharaab.
dhaq
1. Wax biyo ku nadiifin. 2. Si wanaagaan wax u maamulid. 3. Wax meel fog geyn.
dhaqaaji
1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
dhaqaaladdaran
Qof aan wax tashiilin ahaansho.
dhaqaaladdarnaan
1. eeg dhaqaalad-daran. 2. Si aan habboonayn oo hanti loo maamulo. 3. Si aan habboonayn ee wax loo xannaaneeyo. ld dhaqaaladdarri, dhaqaaladdarro.
dhaqaaladdarraysan
Wax la dhaqaaladdarreeyey ahaansho.
dhaqaaladdarraysnaan
ld dhaqaaladdarraysnaan- sho.
dhaqaaladdarraysnaansho
/dh ld dhaqaaladdarraysnaan.
dhaqaaladdarree
Wax dhaqaaladdarro ku samayn.
dhaqaaladdarrow
Wax dhaqaaladdarro hayso noqosho.
dhaqaalallawe
Qof aan wax tashiilin.
dhaqaalaxumaan
1. Dhaqaaladdarro. 2. Saboolnimo. ld dhaqaalaxumi, dhaqaalaxumo.
dhaqaalaxumayn
-xumee.
dhaqaalaxumee
Cid dhaqaalaxumo ku sameyn.
dhaqaalayahan
Qof ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha.
dhaqaalaysan
Wax la dhaqaaleeyay ahaansho (xoolo).
dhaqaalaysasho
ld dhaqaalaysad, dhaqaalaysi.
dhaqaalaysnaan
ld dhaqaalaysnaansho.
dhaqaalaysnaansho
/dh ld dhaqaalays-naan.
dhaqaalayso
1. Si dhaqaale ah u maamulasho. 2. Wax tashiilid.
dhaqaale
1. Hanti. 2. Habka hanti loo maamulo. 3. Aragtida wax soo saarka iyo qaybinta hantida. ld dhaqaalo.
dhaqaalee
1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid.
dhaqaaleysnaan
egg dhaqaaleysan. ld dhaqaaleysnaansho.
dhaqaaleyso
1. Wax tashiilasho. 2. Wax daryeelasho.
dhaqaalow
Wax si fiican loo dhaqaaleeyey noqosho.
dhaqaaq
Bilaabidda wax taagani ay socod bilaabaan. ld dhaqaaqid.
dhaqaaqid
ld dhaqaaq¹.
dhaqaaqil
Nafley meel fog ka dhaqdhaqaaqeysa oo aan la sugi karin waxa ay tahay.
dhaqaaqilyo
Nafley yar oo dhaqaaqeeda dhib lagu arki karo; muuqaal aad u yar oo nuuxnuuxsanaya; dhaqaaqil.
dhaqaaqjoogle
Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.
dhaqaaqjooglee
Dhaqaaqjoogle sameyn.
dhaqaaqjoogsasho
ld dhaqaaqjoogsad, dhaqaaqjoogsi.
dhaqaaqjoogso
Dhaqaaqjoogle samayn.
dhaqaaqsan
1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.
dhaqaaqsanaan
ld dhaqaaqsanaansho.
dhaqaaqsanaansho
/dh ld dhaqaaqsanaan.
dhaqabso
Carrabka wax ku cabbid.
dhaqan
1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.
dhaqan4
1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.
dhaqandhaqaale
Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
dhaqandoorsoon
Isbeddel ku dhaca dhaqan bulsho leedahay.
dhaqangal
1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iwm. 2. ld dhaqangelid.
dhaqangeli
Sharci, barnaamij iwm hirgelin.
dhaqangelid
ld dhaqangal¹ (2).
dhaqangelin
ld dhaqangelis.
dhaqanguur
1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. ld dhaqanguurid.
dhaqanguuri
Bulsho, dhaqanguur ku ridid.
dhaqanguurid
ld dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
dhaqanguurin
ld dhaqanguuris¹.
dhaqanhabaabi
Cid dhaqanhabow ku ridid.
dhaqanhabaabid
ld dhaqanhabow¹ (2).
dhaqanhabaabis
Dh. ah: qof bulsho ku beera dhaqanhabaabay.
dhaqanhabow
1. Dhaqan aan xog-ogaan loo ahayn oo bulsho dhaqankeedii hore beddela. 2. ld dhaqanhabaabid.
dhaqanhabowsan
Qof dhaqanhabaabay ahaansho.
dhaqanhabowsanaan
ld dhaqanhabow-sanaansho.
dhaqanhbowsanaansho
/dh ld dhaqanhabowsanaan.
dhaqanwanaag
Asluubta fiican; dabeecad wanaagsan.
dhaqanwareeg
Dhaqanguur. ld dhaqanwareegid.
dhaqanwareegid
ld dhaqanwareeg¹.
dhaqanwareeji
Cid dhaqanguur ku ridid.

