Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 27 of 58.
dhambalid
ld dhambal¹ (2).
dhambalnaan
ld dhambalnaansho.
dhambalnaansho
/dh ld dhambalnaan.
dhambalo
/mg3 (-ashay, -alatay) 1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.
dhamcaso
Digirta geedka ku taal inta aysan bislaan.
dhamid
ld dhamis, dhamitaan.
dhamiijo
Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.
dhammaad
Meesha ugu danbaysa; idlaad; ebyoonaan.
dhammaag
Geed gaab aan qodax lahayn, leh, laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro macaan oo la cuno, kana mid ah dhirta daawada leh.
dhammaajeyn
dhammaajo m.dh ld dhamaajo.
dhammaan
ld dhammaansho.
dhammaanjo
Geed-gaab dhulka ku faalala xididkiisana laga dhigto cabagta lagu baalo gammuunka.
dhammaansho
/dh eeg dhammow. ld dhammaan.
dhammaas
Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.
dhammaasan
Dhammaas ahaansho (qof).
dhammaasnaan
ld dhammaasnaansho.
dhammaati
Xarig saddex dhudood ah oo wax lagu rarto.
dhammayn
ld dhammays.
dhammays
1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. ld dhammayn.
dhammaysan
Wax ebyan ahaansho.
dhammaysnaan
ld dhammaysnaansho.
dhammaysnaansho
/dh ld dhammaysnaan.
dhammaysnimo
Dhammays ahaansho (nafley).
dhammayso
1. Cunto, cabbitaan iwm laysasho. 2. Dan ebyasho.
dhammaystir
1. Wax qabyo, lagu ebyo. 1. ld dhammaystirid.
dhammaystiran
Wax la ebyey ahaansho.
dhammaystirnaan
ld dhammaystirnaansho.
dhammaystirnaansho
/dh ld dhammaystirnaan.
dhamme
Sarkaal saddex xiddigood leh; kabtan.
dhammee
1. Wax ebyid. 2. Cunto, cabbitaan iwm laasad. 3. Wax xasuuqid.
dhammow
1. Wax tiradoodu dhantahay noqosho. 2. Wax aan wax ka harin noqosho.
dhamoojeyn
dhamoojo m.dh ld dhamaajo.
dhamooq
Subag, dhammaajo, dhiiqo iwm wax ku dhoobid. ld dhamoog².
dhamooqid
ld dhamoogid.
dhan
1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
dhan-dabaggaalle
Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma marka kulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
dhanaan
Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iwm.
dhanaanaan
ld dhanaanaansho.
dhanaanaansho
/dh eeg dhanaanow. ld dhanaanaan.
dhanaani
Wax dhanaan ka dhigid.
dhanaanis
Wax yar oo wax lagu dhanaansado. ld dhanaanin.
dhanaanow
Wax dhanaan noqosho.
dhanbalan
U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
dhanballan-bu'eed
Falgal bu'eed oo bu'culus (sida yuraaniyam) ay u kala jabto labo qaybood (maxsuul dhanballan), taas oo sababta bixiinta labo ama saddex niyuutaroon, iyo xaddi tamar oo u dhiganta faraqa u dhexeeya cufka neg ee niyuutaroonnada iyo maxsuulka dhanballanka iyo cuf neg ee bu'da asalka ah.
dhaneeq
Dh. ah: dhul ciiddiisu dhano leedahay.
dhangalaasee
Cid dharbaaxid.
dhangalaaso
Ku dhufashada gacanta oo furan si xoog leh wax loogu dhufto.
dhaniimid
ld dhashiimid.
dhaniin
Qoyaan yar oo meel ka dindimaaya. ld dhashiin.
dhaniinto
Meel qoyaan yari ka dindimaayo. ld dhashiinto.
dhanjab
Neef xoola ah wax jirro ka muuqata. ld ganjab.
dhanjaf
Xanuun madaxa barkiis qabta; goonjab; goonjebshe.
dhankuulin
Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo.
dhannax
D. ah: wax aan tiradoodu badnayn; wax yar. ld dhellah, dhillah, dhinnax, dhinnix.
dhano
1. Biyo aad u dhanaan. 2. Dhul cusboole ah. ld dhane.

