0

dhaweyso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: dhoweyso

0

dhawid

m dh

Eeg: dhaawid

0

dhawis

m dh

Eeg: dhaawid

0

dhawo

f g3 (-wday, -watay)

Eeg: dhaawo

0

dhawow

f mg3 (-waadday, -waatay)

Eeg: dhowow

0

dhawr

m l t

Tiro laba ka badan kana yar siddeed. ld dhowr.

0

dhawr4

f g1 (-ray, -rtay)

1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho.

0

dhawraari

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhawraarin u samayn.

0

dhawraarimo

m dh

Eeg: dhawraarin¹

0

dhawraarin

m dh (-nno, m.dh)

Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.

0

dhawrad

m l

Nafley feejignaan badan.

0

dhawradnimo

m dh

Dhawrad ahaansho.

0

dhawran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la xafiday ahaansho.

0

dhawrid

m f dh

ld dhawris, dhawritaan, dhawrmo.

0

dhawris

m dh

Eeg: dhawrid

0

dhawritaan

m l

1. Ilaalinta wax dhibaato laga ilaaliyo. 2. Eegidda indhaha wax lagu fiiriyo. 3. Sugidda cid la sugo. ld dhawrid.

0

dhawriwaa

m l

1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. ld dhawriwaayid.

0

dhawriwaayid

m f dh

ld dhawriwaa¹ (2).

0

dhawrmo

m dh

1. Eegmo. 2. ld dhawrid.

0

dhawrnaan

m f dh

ld dhawrnaansho.

0

dhawrnaansho

m l

/dh ld dhawrnaan.

0

dhawrsad

m l

Eeg: dhawrsasho

0

dhawrsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof xumaanta iyo ceebta iska ilaaliya ahaansho.

0

dhawrsanaan

m f dh

ld dhawrsanaansho.

0

dhawrsanaansho

m l

/dh ld dhawrsanaan.

0

dhawrsasho

m f dh

ld dhawrsad, dhawrsi.

0

dhawrsi

m l

Ilaalinta la iska ilaaliyo xumaan, ceeb iwm. ld dhawrsasho.

0

dhawrso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Xumaan, ceeb iwm iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho.

0

dhawrtayn

m f dh

Eeg: dhawrtee

0

dhawrtaysad

m l

Eeg: dhawrtaysasho

0

dhawrtaysasho

m f dh

ld dhawrtaysad, dhawrtaysi.

0

dhawrtaysi

m l

Eeg: dhawrtaysasho

0

dhawrtayso

f g3 (-stay, -satay)

Dhawrto dad ka urursasho.

0

dhawrtee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Dhawrto bixin.

0

dhawrto

m dh

Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.

0

dhax

m l

Dh. ah: nafley hoygeeda habeen ka maqnaan.

0

dhaxal

m l

1. Hantida qof dhintay looga haro. 2. Raad ay ilmuhu ka raacaan waalidintooda.

0

dhaxalgal

m l

1. Dh. ah: wax waxtar weyn oo loo aayo leh. 2. ld dhaxalgelid.

0

dhaxalgelid

m f dh

ld dhaxalgal¹ (2).

0

dhaxalsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid dhibaato aayatiinkeeda wax u dhinta badid.

0

dhaxalsiin

m f dh

Eeg: dhaxalsii

0

dhaxaltooxo

m dh

Wax dhaxal ah qaybinta. ld dhexaltooyo.

0

dhaxalwareeg

m l

1. Cid waxay dhaxal u leedahay sida hanti, dhaqan iwm oo ka dhuma. 2. ld dhaxalwareegid.

0

dhaxalwareegid

m f dh

ld dhaxalwareeg¹ (2).

0

dhaxalwareeji

f g2 (-iyay, -isay)

Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin.

0

dhaxalwareejin

m f dh

Eeg: dhaxalwareeji

0

dhaxamaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley).

0

dhaxamaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Nafley qarqaryood.

0

dhaxamaysiin

m f dh

Eeg: dhaxamaysii

0

dhaxamaysnaan

m f dh

ld dhaxamaysnaansho.

0

dhaxamaysnaansho

m l

/dh ld dhaxamaysnaan.

0

dhaxamoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Dhaxan dareemid (nafley).

0

dhaxamood

m f l

Eeg: dhaxamoo

0

dhaxan

m dh

1. Qabow hawadu keento oo jirku dhibsado. 2. Duumo.

0

dhaxantir

m l

1. ld dhaxantire. Dhar aan tayo fiicnayn oo loo gashado dhaxan awgeed. 2. ld dhaxantirid.

0

dhaxantire

m l

(1).

0

dhaxantirid

m f dh

ld dhaxantir¹ (2).

0

dhaxlan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la dhaxlay ahaansho.

0

dhaxlanaan

m f dh

ld dhaxlanaansho.

0

dhaxlanaansho

m l

/dh ld dhaxlanaan.

0

dhaxlasho

m f dh

Eeg: dhaxlo

0

dhaxle

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Qof dhaxal helay. 2. Qof dhaxalka qaybiya.

0

dhaxlid

m f dh

Eeg: dhaxal²

0

dhaxlidda-astaamaha

m dh

Xirafadda gaarka ah ee noole kororsaday inta uu noolyahay wuxuu u gudbin karaa caruurta uu dhali doono; fikraddaan cilmi ahaan ma aha mid sax ah ama rumowda.

0

dhaxlo

f g3 (-laday, -latay)

Xoolo dhaxal ah, qaybsasho.

0

dhaxsad

m l

Eeg: dhaxsasho

0

dhaxsasho

m f dh

ld dhaxsad.

0

dhaxso

f g3 (-saday, -satay)

Gabadh la bixid.

0

dhay

m l

1. Lega xoolaha oo la kala baray barkii. 2. Dh. ah: meel bannaan oo aan geedo lahayn. 3. Dh. ah: meel biyo qabatin leh oo beerashada ku wanaagsan. 4. ld dhayid.

0

dhay4

f g1 (-yay, -yday; -yi)

1. Nafley cadho qabto daweyn. 2. Boog iwm daawo marin.

0

dhayal

m l

1. Cayaar; kaftan. 2. ld dhayalid.ld dheyal¹.

0

dhayali

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dheeli

0

dhayalid

m f dh

ld dhayalis².

0

dhayalin

m dh

Eeg: dheelin

0

dhayalis

m l

Eeg: dheelin

0

dhayalsad

m l

Eeg: dhayalsasho

0

dhayalsasho

m f dh

ld dhayalsad, dhayalsi, dheyelsasho.

0

dhayalsi

m l

Eeg: dhayalsasho

0

dhayalso

f g3 (-saday, -satay)

Arrin fududaysasho.

0

dhayan

f mg4 (-ynaa, -ynayd)

Wax la dhayay ahaansho.

0

dhayasho

m f dh

Eeg: dhayo

0

dhaydaq

m l

Dh. ah: caano fadhi ah.

0

dhaydhay

m l

Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.

0

dhaydhayasho

m f dh

Eeg: dhaydhayo

0

dhaydhayo

f g3 (-yaday, -yatay)

Qof koolkoolin.

0

dhaygag

m l

1. Yaab awgiis meel ama wax iyadoo aan la libiqsanayn. 2. ld dhaygagid.

0

dhaygagid

m f dh

egg dhaygag². ld dhaygag¹ (2).

0

dhayid

m f dh

ld dhaymo (3).

0

dhayl

m l

1. ld dhaylo. 2. dheel².

0

dhayladhufaan

f g1 (-nay, -ntay)

Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.

0

dhayladhufaanad

m l

Eeg: dhayladhufaanasho

0

dhayladhufaanasho

m f dh

ld dhayladhufaanad.

0

dhayladhufaanid

m f dh

ld dhayladufaan¹.

0

dhayladhufaano

f g3 (-naday, -natay)

Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga baxsasho.

0

dhaylaqaad

m l

Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.

0

dhayli

f g2 (-iyay, -isay)

Ilmo markaas dhashay dilid.

0

dhaylid

m f dh

Eeg: dhayl²

0

dhaylin

m f dh

Eeg: dhayli

0

dhaylo

m dh

1. Xoolaha ama ugaarta yaryar hilibkooda jilicsan oo aan weli adkaan. 2. ld dhayl 1 (1).

0

dhayloobid

m f dh

Eeg: dhaylow