Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 10 of 58.
dalbajuuco
Dalab weyn.
dalbo
1. Dalab sameyn (qof). 2. Ciidan amar siin. 3. Isu baaqid (turub).
dalboole
Qof dalbo leh.
dalcad
Taag; tiiro.
daldaalyee
Cid, daldaalyo badid (qof).
daldaalyo
Isbeddel xun oo cid ku dhaca.
daldal
1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid.
dąldal
ąldalid.
daldalaad
ąldalid.
daldalan
Hadal badan oo aan nuxur lahayn.
dąldalan
Wax la deldelay ahaansho. ld deldelan.
daldalid
ld daldal¹.
dąldalid
ąldal². ld dąldal¹, daldalaad, deldel¹, deldelaad, deldelid
daldalnaan
ąldalan. ld daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaansho.
daldalnaansho
/dh ld daldalnaan.
daldalo
Wax meel wada yaal hadba in ka qaadasho.
daldalool
1. Daloollo badan oo uu weel iwm yeesho. 2. Iimo; ceebaal. ld dulduleel¹.
daldalooli
Wax daloollo badan yeelid. ld dulduleeli.
daldaloolid
ld dulduleelid.
daldaloolin
ld daldaloolis, dulduleelin, dulduleelis.
dalee
1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
daleel
1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla' ah.
daliig
1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.
daliigid
ld daliig¹.
daliigtin
Summad jiitin ah oo ariga daanka looga dhigo.
daliil
D. ah: qof dullinimo ka muuqato.
daliili
Wax xaqiiqadooda sheegid.
daliilnimo
Daliil ahaansho (qof).
daliiq
1. Caw, maqaar iwm kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iwm si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iwm galka ka saarid.
daliiqan
Wax la daliiqay ahaansho.
daliiqnaan
ld daliiqnaansho.
daliiqnaansho
/dh ld daliiqnaan.
daliishasho
ld daliishad.
daliisho
Wax daliil ka dhigasho.
daljecli
Waddaninnimo.
daljir
Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
dalkucelin
Si khasab ah oo qof dal kale jooga dalkiisa lagu geeyo.
dalkuggal
Ruqso qof hal mar ku geli karo dal shisheeya; fiiso.
dalkujoog
Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
dalkummar
Baasaboor.
dallaal
1. D. ah: meel barwaaqo ama biyo leh oo aan lagu badnayn. 2. D. ah: aan ciriiri ahayn; waxa ku jira si wanaagsan ugu filan; ballaaran.
dąllaal
1. Qof shaqadiisu tahay in uu dadka wax u kala iibiyo. 2. Hantida qof dadka wax u kala iibiya qarash ahaan u qaato. ld dillaal¹, dullaal¹.
dąllaalid
ąllaal². ld dillaalid, dullaalid.
dallaallimee
Meel dallaallimo ka dhigid.
dallaallimo
Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado. ld dallaalin.
dallaalnimo
Dallaal ahaansho.
dąllaalnimo
Dąllaal ahaansho. ld dillaalnimo, dullaalnimo.
dallaalo
In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo.
dallaasho
Ku d.: meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho.
dallaayad
1. ld dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.
dallac
1. Khudrad, hilib, dufan iwm oo la isku shiiqay. 2. ld dallicid.
dallacaad
Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.
dallacbilaash
Suugo aan hilib lahayn.
dallacsii
Qof, derajo u kordhin.
dallacsiin
ld dallacsiis.
dallad
(1).
dallal
Jeesjees.
dallayso
Qof, wax uusan lahayn xalaalaysasho.
dallee
1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin.
dalleen
Dandarranaan; dhibaataysnaan.
dalleensan
Qof, wax dalleen hayo ahaansho.
dalleensanaan
ld dalleensanaansho.
dalleensanaansho
/dh ld dalleensanaan.
dallici
Kor u qaadid; darajo u kordhin.
dallicid
ld dallac¹ (2).
dalluug
Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
dalluun
God hoos u dheer oo dhuuban.
dalmar
Nin dalal badan tegay. ld dalmareen.
dalmarid
Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
dalool
1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹.
dalooli
Wax dalool u yeelid. ld duleeli.
daloolid
ld duleelid.
daloolin
ld duleelin.
daloolin-cad-hunguri
Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.
dalooliye
Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iwm lagu dalooliyo. ld duleeliye.
dalooshamid
ld duleeshamid.
dalooshan
Meel, wax dalool leh noqosho. ld duleeshan¹.
dalooshnaan
ld dalooshnaansho, duleeshnaan, duleeshnaansho.
dalooshnaansho
/dh ld dalooshnaan.

