0

daguugan

f mg1 (-gmay, -gantay; -gmi)

Wax la daguugay noqosho.

0

daguugid

m f dh

Eeg: daguug

0

daguugmid

m f dh

Eeg: daguugan

0

dah

f g

/mg1 (-hay, -hday) 1. (f.g) Wax awdid. 2. (f.mg) Dhalasho.

0

dahaar

m l (-rro, m.dh)

Dhawraarin maqaar; maro, warqad adag iwm ka samaysan, wax dusha uga dhegsan.

0

dahaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la dahaaray ahaansho.

0

dahaarid

m f dh

Eeg: dahaar²

0

dahaarnaan

m f dh

ld dahaarnaansho

0

dahaarnansho

m l

/dh ld dahaarnaan.

0

dahab

m l

Macdan qaali ah, midab cawlan leh, dhalaasha, aan daxalaysan oo waxyaabaha la isku qurxiyo laga samaysto.

0

dahabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax dahab ku dheehid.

0

dahabeyn

m f dh

Eeg: dahabee

0

dahabi

m l kh

D. ah: wax midab dahab leh.

0

dahabo

m dh

Shimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni.

0

dahan

f mg4 (-hnaa, -hnayd)

Eeg: dihin

0

dahar

m l (dahar, m.dh)

1. Geed weyn oo harac ah. 2. Dhismo hoos leh, qabriyada laga ag dhiso oo Quraanka lagu akhriyo.

0

dahasho

m dh

Eeg: dihasho

0

dahid

m f dh

Eeg: dah

0

dahnaan

m dh

Eeg: dihnaan

0

dahnaansho

m l

/dh ld dihnaan.

0

daho

f mg3 (-hday, -hatay)

Eeg: diho

0

dahsoomid

m f dh

Eeg: dahsoon¹

0

dahsoon

f mg1 (-oomay, -oontay; -oomi)

Wax qarsoon noqosho.

0

dahsoonaan

m f dh

ld dahsoonaansho.

0

dahsoonaansho

m l

/dh ld dahsoonaan.

0

dakaamid

m f dh

ld dakaamo (2), dakaan¹ (2).

0

dakaamo

m dh

1. Daal badan oo ku yimaadda gammaanka iyo awrta marka ay socod dheer galaan. 2. ld dakaamid.

0

dakaan

m l

1. D. ah: gammaan ama awr aad u daalay. 2. ld dakaamid.

0

dakanaduug

m l

Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid.

0

dakanaduugid

m f dh

ld dakanaaduug¹.

0

dakane

m l

Eeg: dakano

0

dakano

m dh (-ooyin, m.l)

Godob, utun, dhagar. ld dakane.

0

dakar

m l (-rro, m.dh)

Xubinta taranka ee ragga; gus.

0

dakayn

m f dh

Eeg: dakee

0

dakee

f mg2 (-keeyay, -kaysay)

1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).

0

dakhaakhul

m l

Qof gabow dartiis, isku daran noqday. ld laclac¹.

0

dakhaakhulid

m f dh

ld laclacid.

0

dakhal

m l (-llo, m.dh)

1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer.

0

dakhar

m l

Eeg: daqar¹

0

dakhli

m l

Hanti cid ka soo gasha shaqo ama ganacsi.

0

dakhramid

m dh

Eeg: daqramid

0

dakhran

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Eeg: daqran¹

0

dakhranaan

m dh

Eeg: daqranaan

0

dakhranaansho

m l

/dh ld daqranaan.

0

dakhrid

m dh

Eeg: daqrid

0

dal

m l (-lal, m.l)

Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.

0

dal-lahelay

m dh

Eeg: dan-lahelay

0

dal'id

m dh

'id.

0

dala'

m l

'¹.

0

dala'sad

m l

'sasho.

0

dala'sasho

m f dh

'so. ld dala'sad, dala'si.

0

dala'si

m l

'sasho.

0

dala'so

f mg3 (-'saday, -'satay)

Cid khayaano yar oo aan wax lagu yeelayn ku samayn.

0

dalaabid

m dh

1. ld dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².

0

dalaad

m dh (-dyo, m.dh)

Dhul bannaan oo aan dhir waaweyn lahayn.

0

dalaadala

fk. Si aayar ah.

0

dalaaf

m l

1. D. ah: xoolo ama dad darxumo iyo rafaad ka muuqdo. 2. D. ah: ceel biyihii ka gureen. 3. ld dalaafid.

0

dalaafid

m f dh

ld dalaaf¹ (3).

0

dalaafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dalaafay ahaansho.

0

dalaafsanaan

m f dh

ld dalaafsanaansho.

0

dalaafsanaansho

m l

/dh ld dalaafsanaan.

0

dalaandal

m l (daaw.)

Sarsaridda meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay la sarsaro iyadoo dhiigga toobin looga soo nuugayo.

0

dalaandalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Qof la dalaandalay ahaansho.

0

dalaandalid

m f dh

Eeg: dalaandal²

0

dalaandalnaan

m f dh

ld dalaandalnaansho.

0

dalaandalnaansho

m l

/dh ld dalaandalnaan.

0

dalaaq

m dh

Erey lagu dhawaaqo marka qof dumar ah la furaayo. ld dalaaqo, dalqad.

0

dalaaqid

m f dh

ld dalaaq¹.

0

dalaaqo

m dh

Eeg: dalaaq²

0

dalaaw

m l

Darxumo awgeed oo qof dalkiisa uga haajiro. ld dalaw¹ (2).

0

dalab

m l (-byo, m.dh)

Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.

0

dalable

m l u (-layaal, m.l/dh)

Qof hal lug dalab ku leh.

0

dalag

m l

Miraha la beerto ee la cuno.

0

dalag-geddis

m l (-yo ..., m.dh)

Habka beerashada oo ku salaysan in dalagyo kala duwan lagu beero dhul isku mid ah, si gaar ah oo isku xigta.

0

dalaggeddi

f g2 (-iyay, -isay)

Beer, dalaggii hore ee ku beernaa mid ka duwan ku beerid.

0

dalaggeddin

m f dh

ld dalaggeddis.

0

dalaggeddis

m l

Eeg: dalaggeddin

0

dalagle

m l (-layaal, m.l/dh)

Nin beerrey ah.

0

dalalaco

m dh kh

D. ah: rati aan lugaha xarig uga xirnayn.

0

dalalka-horumaray

m l

Waddamadda horumarka ka sameeya dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada iyo teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo heerka nolosha qofka, iyo bulshada.

0

dalalka-soo-koraya

m l

Waddamadda aan weli horumar ka samayn dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada, teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha heerka nolosha qofka iyo bulshada.

0

dalambaabbi

m l

1. D. ah: socod qofku hadba dhan u ciirayo tabar darro awgeed. 2. ld dalambaabbiyid.

0

dalambaabbin

m dh

Eeg: dalambaabbiyid

0

dalambaabbiyid

m f dh

ld dalambaabbi¹ (2), dalambaabbin.

0

dalan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax asqo hayso noqosho.

0

dalandal

m l

1. D. ah: ilmo socod barad. 2. ld dalandalid.

0

dalandalid

m f dh

ld dalandal¹ (2).

0

dalandool

m l

1. Socod noqnoqosho leh oo laba meel oo kala fog la isaga goosho. 2. ld dalandoolid.

0

dalandoolid

m f dh

ld dalandool¹ (2).

0

dalandoolli

m dh

Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. ld dalandoolyo.

0

dalandoolyo

m dh

Eeg: dalandoolli

0

dalankac

m l

1. Masiibo. 2. ld dalankicid.

0

dalankacayn

m f dh

Eeg: dalankacee

0

dalankacee

f mg2 (-ceeyay, -caysay)

Si celcelis ah u turanturrood.

0

dalankacid

m f dh

ld dalankac¹ (2).

0

dalankicid

m f dh

ld dalankac¹ (2).

0

dalaq

m dh sh r

Cod tilmaama socod kedis ah.

0

dalaqoon

m l

Dalyaqaan.

0

dalaw

m l

1. ld dalow 1 (3). Baaldi. 2. ld dalaaw¹.

0

dalawi

m dh kh

D. ah: neef geel ah oo caana badan; madi.