dadcun
1. D. ah: awr dadka qaniina. 2. D. ah: nafleyda inteeda hilibka dadka quudan karta.
daddaab
1. Qalab farraaro leh oo malabka lagu soo bixiyo. 2. Sidde loo sameeyo weelasha gadawga leh.
daddaabbe
1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.
daddaabbee
Xoolo, daddaabe ku xirid.
daddaabeysan
Wax la daddaabeeyay ahaansho (xoolo).
daddaabeysnaan
ld daddabeysnaansho.
daddaabeysnaansho
/dh ld daddaabeysnaan.
daddaansasho
egg daddaanso. ld daddaansad, dandaansad, dandaansasho.
daddan
1. Qof fudud oo aan degganayn ahaansho. 2. Ku d.: Qof, wax ku mamay ahaansho. ld deddan.
daddanaan
ld daddanaansho, deddanaan, deddanaansho.
daddanaansho
/dh ld daddanaan.
daddil
Xawayaanka inta dadka kula dagaalanta herdida, durdurada, xaraatida.
dadduuc
Ku d.: wax culus si khasab ah ku wadid.
dadliq
D. ah: meel biyo badan oo dadka aan dabbaasha aqoon ku haftaan. ld dadlaq.
dadnaansho
/dh ld dednaan.
dadnimo
Dad ahaansho.
dadow
Dad noqosho.
dadqaad
D. ah: libaax ama waraabe halis ah oo hilibka dadka ku nool.
dadqaadnimo
Dadqaad ahaansho.
dadqal
Nin hilibka dadka cuna.
dadqalad
Dadqalnimo.
dadqalatanimo
Dadqalato ahaansho.
dadqalato
1. Naag dadka qalata oo hilibkiisa cunta. 2. (m.u) Koox dad ah oo hilibka dadka cunta.
dadqalnimo
Dadqal ahaansho. ld dadqaladnimo.
dadweyne
Ummad inteeda la xukumo ee aan maamulka siyasiga wax ka hayn.
dadyahan
Nafley dadka qalata oo hilibkiisa cunta.
daf
(muus.)Durbaan yar oo shulushyo bir ah leh.
dafaar
Qof sabool ah.
dafac
Cudur halis ah, sangoror leh oo fardaha ku dhaca. ld darfac, dirfac.
dafcad
Koox dad oo hawl wada billaabay ama wada dhammeeyey.
dafdaf
Fal aan deggenaan lahayn ee qof ku kaco.
dafdafle
Qof dafdaf badan; meelo galgal badan.
dafdaflee
Dafdaf samayn.
dafir
Diididda run la ogyahay. ld dafirid.
dafirid
ld dafir¹, dafiraad.
dafo
Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato.
dafshaan
Qof dhibaato dhaqaale hayso. ld dafraan, tafshaan.
daftar
Buug wax lagu qorto.
dag
Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.
dagaag
1. Qof ama dad ka dalaabay degaankoodii cayrnimo awgeed. 2. ld dagaagid.
dagaagid
ld dagaag¹ (2).
dagaagnimo
Dagaag ahaansho (qof).
dagaal
1. Iska horimaad af ama addin ah, waxyeello lays gaarsiiyo oo dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld dagaalid.
dagaal-aqoon
Xeelad.
dagaalgal
1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da'dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato.
dagaalgeli
Ciidan dagaallamaya hoggaamin (qof).
dagaalgelin
ld dagaalgelis.
dagaalid
ld dagaal¹ (2).
dagaaljecel
Qof shiddoole ah ahaansho.
dagaaljeclaan
ld dagaaljeclaansho.
dagaaljeclaansho
/dh ld dagaaljeclaan.
dagaaljooji
Dirir joojin.
dagaaljoojin
ld dagaaljoojis.
dagaallamid
ld dagaallan¹.
dagaallan
La d.: cid dagaal kula kicid.
dagaaltoleed
Dagaal dhex mara dad qaraabo ah; dagaalsokeeye.
dagaalyahan
Qof geesi ah oo tabaha iyo xeeladaha dagaalka yaqaan.
dagaalyahannimo
Dagaalyahan ahaansho (qof).
dagaggoo
Ka d.: xoolo dago ka bixin.
dagaggooyn
ld dagaggoys (3).
dagaggooys
1. D. ah: ari dago ku waajibtay. 2. D. ah: neef dago ahaan loo bixiyey. 3. ld dagaggoyn.
dagan
1. Wax aan foojignayn noqosho (nafley). 2. Wax dayacan noqosho (alaab, xoolo iwm).
daganduug
1. Wax qarin. 2. Wax baabi'in.
daganduugid
ld daganduug¹.
dagati
Wax dayacan.
dagid
ld dagniin.
dagnaan
ld dagnaansho.
dagnaansho
/dh ld dagnaan. dagniin m.dh ld dagid.
dago
1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
daguug
1. Ceel, god iwm aasid. 2. Wax baabbi'in.

