daba-imow
Ka d.: qof, xoolo iwm gadaal ka soo gaarid.
daba-ka-eri
Nooc ciyaarta turubka ka mid ah oo lagu ciyaaro afar turub oo isku jira, oo ay ciyaarto afar qof oo ay lababa isku jaal tahay.
daba-orod
Qof raacdayn.
dabaadi
1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tus. “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.
dabaakh
Tartamidda cayaar turub oo labada dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, inay qolo kaliya ku wareegto. ld dabaaq¹, dibaakh¹.
dabaakhad
1. ld dabaakh¹. 2. Calaamad lagu dhigo neef iib u jooga. ld dabaaqad.
dabaakhid
ld dabaaqid, dibaakhid.
dabaal
Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².
dabaalasho
ld dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
dabaali
Wax biyo dabaal kaga gudbin. ld dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii.
dabaalin
ld dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.
dabaaljoog
Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. ld dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog
dabaaljooglee
Dabaaljoogle samayn. ld dabaaljoogtee, dabbaaljooglee, dabbaaljoogtee.
dabaaljoogleyn
ld dabaajoogteyn, dabbaaljoogleyn, dabbaaljoogteyn.
dabaalo
Dabaal samayn. ld dabbaalo.
dabaaxsii
Dabaaxid samayn.
dababbax
Shuban badan, jilicsan, oo caloosha dadka iyo xoolaha ka yimaada.
dabacadde
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.
dabacaddeeye
(1).
dabacase
Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.
dabacla'aan
'aan.
dabacsanaansho
/dh ld debecsanaan.
dabaculus
Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
dabaddookhaan
Jaad bariiska ka mid ah oo yaryar oo dhuudhuuban oo aad u wanaagsan.
dabadeed
fk. ld dabo¹.
dabadhac
Ka d.: wax si aad u jeclaysasho.
dabadhah
In yar oo wax la beegay lagu khordiyo; suubis.
dabadheer
Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm).
dabadheeraan
ld dabadheeraansho.
dabadheeraansho
/dh eeg dabadheerow. ld dabadheeraan.
dabadheerow
Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm).
dabadheh
Ka d.: wax qof yiri ku celin.
dabadhiig
Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
dabadhilif
Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa.
dabadhilifnimo
Dabadhilif ahaansho.
dabaduugato
Cayayaan yaryar oo midab cad leh oo dhulka cammuudda ah inta dabada ku qota dhex gala.
dabafadal
Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl.
dabafur
1. (-rro, m.dh) ld dabakafur.2. Khiyaamo; dhagar. 3. ld dabafurid.
dabafurid
(3).
dabagaab
1. Buntukh gaaban oo meel dhow wax ka dila. 2. Ciidan wata buntukha noocaas ahi.
dabaggaalle
Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
dabaggal
1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.
dabaggee
Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin.
dabaggeli
Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
dabaggelid
ld dabaggal¹ (2).
dabaggelis
Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.
dabaggelisee
Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid.
dabaggibin
Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
dabaggorayee
Heeryo dabaggoryo u samayn.
dabaggorayo
Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
dabaggur
Faraxumayn naag hurudda lagu sameeyo. ld dabaggurid.
dabaggurid
ld dabaggur¹.
dabajoog
1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid.
dabajoogid
ld dabajoog¹ (2).
dabakafur
Nooc banaatiikhdii hore ka mid ah. ld dabafur¹ (1).
dabakafuul
Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka.
dabakakiil
Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub).
dabakakiilasho
ld dabakakiilad.
dabakakiilo
Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
dabakannaax
Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax.
dabakannaaxid
Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid.
dabakar
1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah.
dabakarruub
Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
dabakeen
Wiil dadku sharaysto oo marka uu dhalanayo qaarka dambe soo hormariya.
dabakeennimo
Dabakeen ahaansho (qof).
daballaab
/dh (-byo, m.dh) Buntuq boobe ah, fudud oo daabkiisu bir xalleefsan ka samaysanyahay.
dabammar
1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. ld dhabammarid.
dabammari
1. Wax, wax kale weydaarin. 2. U d.: wax, wax kale dambeysiin.
dabammarid
ld dabammar¹ (3).

