daangeysasho
ld daangeysad.
daangeyso
Badar daango ka dhigasho.
daango
Galley ama messeggo la saloolay.
daanguur
Shimbir yar, bay ah, kooxkoox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
daani
1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daanka-hoose
(c.nafl.) Daanka hoose ee lafdhabarleyda.
daanshoo
Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.
daaq
1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid.
daaqad
1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go' loo qaybin karo.
daaqbarad
D. ah: dhal xoolaad oo markaa billaabay cunidda caws, caleen iwm.
daaqbaro
Cunidda caws, caleen iwm billaabmid (dhal xoolaad).
daaqcune
Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe.
daaqgee
Xoolo daajin.
daaqi
Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.
daaqid
ld daaq¹ (2).
daaqo
(2).
daaqsasho
ld daaqsad.
daaqsin
1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
daaqso
Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho.
daaqtag
1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda.
daar
1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
dąar
Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.
daarad
1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
daaran
1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm).
daardaar
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
daardaarid
ld daardaar¹.
daardaaro
Cid gardarro kula kicid.
daardhuuq
Dheef ama waxtar kale oo yar oon la ogeyn oo qof haysta.
daari
Xiddig xiddigaha ka mid ah.
daarid
ld daaris.
daarnaan
ld daarnaansho.
daarnaansho
/dh eeg daarnow. ld daarnaansho.
daarnow
Wax daaran noqosho.
daaro
1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.
daaruqayn
ld daaruqays.
daaruqaysan
Wax caallirsan ahaansho (boog).
daaruqaysnaan
ld daaruqaysnaansho.
daaruqaysnaansho
/dh ld daaruqaysnaan.
daaruqe
Dixri yaryar oo boogaha ku dhasha.
daaruqee
Boog dixri ku dhalin (diqsi).
daaruqow
Wax caalliray noqosho (boog).
daas
1. Guri. 2. Dukaan.
daasad
Weel bir ka samaysan oo cunnada, cabitaanka iwm ee la keydinayo lagu alxamo; qasac.
daash
Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.
daata
Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.
daawade
(riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.
daawadhigasho
1. Daawayeelad. 2. eegdaawadhigo. ld daawadhigad.
daawadhigo
Daawayeelasho.
daawaley
D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
daawasho
ld daawad.
daawee
1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.
daaweyn
ld daaweysiin, daweyn, daweysiin.
daaweynta-fiisikaad
Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riixriixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.
daaweysasho
ld daaweysad, daaweysi, daweysad, daweysasho, daweysi.
daaweyso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso.
daawo
Wax in muddo ah indhaha ku hayn.
dąawo
1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.
daawoobid
ld dawoobid.
daawow
1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. ld dawow.
daaxuur
Daayeer lab oo aad u weyn.
daay
Biyo uus laga miiray.
daayac
D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin.
daayeer
Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.
daayeerad
Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad.
daayimi
'imi.
daayimid
'imid.
daayimin
'imin.
daayimis
'imin.
daayin
'in¹.
dab
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.
daba-aal
Wax wax kale gadaashiisa aallid.

