dabammaryayn
ld dabammaryo (3).
dabammaryee
Cid dabammaryo ku samayn.
dabammaryo
1. Nooc legdenka ka mid ah oo qofka gadaal la isu dhaafiyo. 2. Khiyaano; dhagar. 3. ld dabammaryayn.
daban
1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo).
dabandeeb
Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid.
dabandeebid
ld dabandeeb¹.
dabannashlee
/mg2 (-leeyay, -laysay) D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.
dabaq
1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.
dabaqaad
1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid.
dabaqaadid
ld dabaqaad¹ (2).
dabaqabasho
ld dabaqabad.
dabaqabo
1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
dabaqad
Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.
dabar
1. Xarig gaaban, xaskul ka samaysan oo awrka labada lugood ee hore looga xiro si uusan u foogaan. 2. Xarig ama suun jilcan oo saca labada lugood ee dambe looga xiro marka la maalayo. 3. Midab casaan ah oo ilkaha dadka qaarkii yeeshaan.
dabar-ayoon
(kiim.) Xoogga isku dabridda ee u dhexeeya ayoonada ku jira iskudhis, kaas oo ayoonnadu ku samaysmaan elektaroonada hal curiye oo si dhammaystiran ugu wareegey mid kale ama xididshe.
dabar-haydarojiin
(kiim.) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay.
dabar-lammaan
(kiim.) Dabar elektaroon, wadaag ah oo isku haya laba atam kaas oo ka kooban laba lammaane elektaroon oo hal lammaane u dhigmo dabar keliya (lammaanaha sigma) kan kalena samaynaayo dabar dheeraad ah (dabarka bay).
dabar-wadaag
(kiim.) Dabar ka dhex samaysma laba atam oo wadaaga lammaane elektaroon.
dabargo'
Ciribtirmidda ku dhacda wax asalkiisa ama firkiisa.
dabargo'an
Wax dabargo'ay ahaansho.
dabargo'id
'².
dabargo'naan
'an. ld dabargo'naansho.
dabargo'naansho
/dh ld dabargo'naan.
dabargoo
Wax jiritaankooda baabbi'in.
dabargoyn
ld dabargoys (3).
dabargoys
1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh)D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. ld dabargoyn.
dabarriyeedle
Bawne. ld dabarriyaadle.
dabasacle
Nooc cawska ka mid ah oo geelu uu daaqo oo leh fiid cad oo wax mudi karta.
dabashabeelis
1. Ciyaar carruurtu ay ciyaaran, iyagoo gadaal ku xiranaya maro la duuduubay oo sayn loo ekeysiiyay. 2. Qof cid kale wax kasta ku raaca.
dabashiid
Heensasaar.
dabasoco
Dabagelid; raacid.
dabasocosho
ld dabasocod.
dabataag
Nooc ka mid ah, leh midabka cawsha, lana eg, bogga ka cad oo markay ordayso dabadi taagta. ld dibtaag.
dabato
Dad ugaarsi ku nool.
dabaxad
Naag hurudda farxumayn.
dabaxaw
Cudur calooleed leh shuban xad dhaaf ah.
dabaxir
Maro yar oo carruurta markaa dhalata dabada looga xiro, si aayan isugu hallayn saxarada.
dabaxiran
Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho.
dabaxirnaan
ld dabaxirnaansho.
dabaxirnaansho
/dh ld dabaxirnaan.
dabaxiro
Ku d.: cid, cid kale wax ay caadeystay kula saaxiibid.
dabayaaqo
Wax badankii tegay inta yar oo dambaysa; badbaadi.
dabayl
1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.
dabayl-bataax
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).
dabayl-cirifeed
(c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
dabayl-joogta
(c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.
dabaylbadan
1. Wax dabayl leh ahaansho. 2. Qof dawdawle ah ahaansho.
dabaylbadnaan
ld dabaylbadnaansho, dabaylbadni.
dabaylbadnaansho
/dh ld dabaylbadnaan.
dabaylee
Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
dabayleed
Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.
dabaylnuug
D. ah: neef lo' ah oo aan sanka ka neefsan karin.
dabaylraac
Ari dhanka dabayshu u socoto u goosmid.
dabaylwac
Dhanka dabayshu ka timaaddo.
dabayood
Geed nagaar faala, leh caleemo yaryar iyo buruq dharka lagu dhaqdo.
dabayshad
ld dabayshi.
dabaysho
1. Dhanka dabayshu ka imanayso, aadid. 2. Xoolo lumid.
dabbaabad
Baabuur qafilan xabbadda candiga ahi aanay karin oo lagu dagaallamo.
dabbaal
1. Nacas; axmaq. 2. ld dabbaalid.
dabbaaldeg
1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.
dabbaalid
ld dabbaal¹ (2).
dabbaaljoog
le m.l ld dabaaljoog.
dabbaalnimo
Dabbaal ahaansho.
dabbaan
1. Webi, durdur iwm meesha ugu biyo yar ee lugta looga gudbi karo. 2. ld dabbaanid.
dabbaanid
ld dabbaan¹ (2).
dabbar
1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.
dabbaraale
1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
dabbi
Arrin murugsan daawo u helid.
dabbin
ld dabbis.

