0

d

m dh

Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

0

da'

m dh

1. ld da'aad. Inta sano, bilo, maalmo iwm ee nafley jirto laga bilaabo maalintii uu dhashay; cumri. 2. D. ah: qof sanado badan jira; duq. 3. Dad hal casri wada nool.

0

da'aa

m l (c.cimi.)

Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.

0

da'aad

m dh

'¹ (1).

0

da'fur

m l

1. Ratigu marka u qooqbaxo. 2. ld da'furid. Ka baabi'idda qooqu ka baaba'o awr.

0

da'furid

m f dh

'fur². ld da'fur¹ (2).

0

da'oobid

m f dh

'ow.

0

da'ow

f mg1 (-oobay, -oowday; -oobi)

Duq noqosho (qof).

0

da'weyn

f mg4 (-naa, -nayd)

Duq ahaansho (qof).

0

da'weynaan

m f dh

'weyn. ld da'weynaansho, da'weyni.

0

da'weynaansho

m l

/dh ld da'weynaan.

0

da'weyni

m dh

'weynaan.

0

da'yar

m dh u

Dhallinyaro. ld da'yaro.

0

da'yaraan

m f dh

'yar². ld da'yaraansho, da'yari, da'yaro.

0

da'yaraansho

m l

/dh ld da'yaraan.

0

da'yari

m dh

'yaraan.

0

da'yaro

m dh

'yar¹; da'yaraan.

0

daa

f g2 (dayay, deysay; deyn)

1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

0

daa'imi

f g2 (-iyay, -isay)

Fal samayntiisa joogtayn. ld daayimi.

0

daa'imid

m f dh

'in. ld daayimid.

0

daa'imin

m f dh

'imi. ld daa'imis, daayimin, daayimis.

0

daa'imis

m l

'imin.

0

daa'imo

m dh

Ilmo yar oo aabbihiis dhintay; agoon.

0

daa'in

m l

Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa. ld daayin¹.

0

daa'iro

m dh

Ayaan cidiba mar hesho.

0

daab

m l (-bab, m.l)

Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

0

daabac

m l

1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo, m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid.

0

daabacaad

m dh

1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid.

0

daabacan

f mg4 (-cnaa, -cnayd)

1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.

0

daabacnaan

m f dh

ld daabacnaansho.

0

daabacnaansho

m l

/dh ld daabacnaan.

0

daabad

m l

Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.

0

daabakhaad

m dh

1. ld daabaqaad. Calaamad, summad, lagu dhigo neef iib u jooga. 2. Tartamidda cayaar turub laba dhinac oo iska soo horjeedaa ay u tartamaan foorooyin ay kala qabaan, in ay qolo keliya wareegto.

0

daaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax la daabay ahaansho; wax daab loo yeelay ahaansho.

0

daabaqaad

m dh

(1).

0

daabasho

m f dh

Eeg: daabo

0

daabax

m l

1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax.

0

daabaxid

m f dh

(3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid.

0

daabbad

m dh (-do, m.l)

1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

0

daabbadqaad

m dh

Nafley weyn oo badda ku nool.

0

daabbul

f g1 (-ulay, -ushay)

Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.

0

daabbulad

m dh (-do, m.l)

Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule.

0

daabbule

m l

Eeg: daabbulad

0

daabbulid

m f dh

Eeg: daabbul

0

daabdulle

m l

Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.

0

daabece

m l (-cayaal, m.l/dh)

1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.

0

daabicid

m f dh

ld daabac¹ (4), daabacaad.

0

daabid

m f dh

Eeg: daab³

0

daabixid

m dh

Eeg: daabaxid

0

daabnaan

m f dh

ld daabnaansho.

0

daabnaansho

m l

/dh ld daabnaan.

0

daabo

f g

/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.

0

daabul

f g1 (-ulay, -ushay)

Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.

0

daabulid

m f dh

Eeg: daabul

0

daac

m dh

Qabatoon; macaluul; diihaal.

0

daacad

m dh

Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.

0

daacadnimo

m dh

Daacad ahaansho.

0

daacadxumo

m dh

Daacadnimo la'aan.

0

daacaqurmid

m f dh

ld dacwashiirid.

0

daacaqurun

m l

Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹.

0

daacasho

m dh

Eeg: daacid

0

daaci

m l kh

D. ah: neef aad caato u ah.

0

daacid

m f dh

ld daacasho.

0

daacin

m f dh

Eeg: daaci²

0

daaco

m dh (-ooyin, m.l)

1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.

0

daacuf

m dh

Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.

0

daacufle

m l

Qof ama neef daacuf ah.

0

daacuun

m l

Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo.

0

daacuun-calooleed

m l

Eeg: daacuun¹

0

daacuuncaloolo

m l

Eeg: daacuun¹

0

daacwashiir

m l

Daacaqurun.

0

daacwashiirid

m f dh

Eeg: daacwashiir²

0

daad

m l (-dad, m.l)

1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.

0

daadad

m l

Eeg: daadasho

0

daadasho

m f dh

ld daadad.

0

daaddah

m dh

Eray carruurta yaryar lagu yiraahdo kolka gacnaha la hayo oo socodka la barayo.

0

daaddeg

m l (-gyo, m.dh)

Meel taag ah gollaheeda.

0

daaddegid

m f dh

Eeg: daaddeg³

0

daaddihi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ilmo yar socod barid. 2. Wax si tartiib ah u wadid.

0

daaddihin

m f dh

Eeg: daaddihi

0

daadduf

m l

Eeg: daaduf¹

0

daaddufid

m dh

Eeg: daadufid

0

daadduumi

f g2 (-iyay, -isay)

Feer, laad iwm cid dhulka la dhigid. ld daadduunsii, daanduumi, daanduunsii.

0

daadduumid

m f dh

ld daanduumid.

0

daadduumin

m f dh

ld daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin.

0

daadduun

m l

Qof cayrnimo awgeed la bayhoofay. ld daanduun¹.

0

daadduunshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

Budh weyn oo lagu dagaalamo. ld daanduunshe.

0

daadduunsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: daadduumi

0

daadduunsiin

m dh

Eeg: daadduumin

0

daadgurayn

m f dh

Eeg: daadguree

0

daadguree

f g2 (-reeyay, -raysay)

1. Waxbadan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis kabadbaadin.

0

daadi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax meel ay ku jireenka geddin.

0

daadid

m f dh

Eeg: daad²

0

daadin

m f dh

ld daadis.

0

daadis

m l

Eeg: daadin

0

daado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

1. Wax meel ku jiray qubasho. 2. Qosol la d.: ilaa laga ilmeeyay qoslid (dad badan).

0

daadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la daadiyay ahaansho.

0

daadsanaan

m f dh

ld daadsanaansho.

0

daadsanaansho

m l

/dh ld daadsanaan.

0

daaduf

m l (-fyo, m.dh)

Qof shaqsiyaddiisu liidato oo cayr ah. ld daadduf¹.