Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 11 of 58.
dalow
1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid.
dalqami
1. Ka d.: qof wax uu ogyahay in uu sheego ku khasbid. 2. Ku d.: si qasab ah cid afka wax uga siin.
dalqamid
ld dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
dalqamiso
Sixir lagu sameeyo qof la doonayo wax uu ogyahay in uu sheego.
dalqan
1. Hadal badan oo iyadoo aan laga fiirsan lagu hadlo. 2. ld dalqamid. ld dulqan¹.
dalqo
Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. ld dalqe.
dalqoholac
1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
dalsan
Dhul saac leh oo aan qaniin lahayn; Carrasan.
daltabyeysan
Nafley dalkeedii u hilowday ahaansho.
daltabyeysnaan
ld daltabyeysnaansho.
daltabyeysnaansho
/dh ld daltabyeysnaan.
daltabyo
Qaban waayidda ay nafley qaban weydo dal ku cusub oo aaney horay u joogi jirin.
daltabyoo
Daltabyo dareemid (nafley).
dalwi
Ceel wadaan u ridid (qof).
dalxiis
1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga.
dalxiise
Qof meel tamashle iyo raaxeysi ku jooga.
dalxiisnimo
Dalxiis ahaansho (qof).
dalyaqaan
D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iwm aqoon u leh.
dam
1. D. dheh: hadal tilmaama wax dhaca ama wax basa. 2. D. ka sii: wax burburin; wax seexin.
damaaci
D. ah: qof damac badan.
damaan
Fallaar weyn waranka u eg oo aan dhega lahayn. ld dabaan.
damaashaad
Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.
damac
1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. ld damcid.
damacsan
Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho.
damacsanaan
ld damacsanaansho.
damacsanaansho
/dh ld damacsanaan.
damal
1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.
dambaabas
Sheelidda wax xogtooda la ogyahay la qariyo.
dambaabasasho
ld dambaabasad.
dambaabaso
Wax xogtooda la ogyahay qarsasho.
dambaabburo
Dhimbilo.
dambaaburo
Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula.
dambacaad
Calool u jiifid (qof).
dambar
Caanaha ugu horreeya neef dhalay laga maalo.
dambari
Neef dhalay dambar ka lisid.
dambarin
ld dambaris.
dambarsame
Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). ld dambarsame.
dambarsasho
ld dambarsad, dambarsi.
dambarso
Neef dhalay dambar ka maalid.
dambas
1. Budo midab ciira boos ah leh oo ka harta dhuxul bastay. 2. D. ah: Midab ciira boos ah. ld bambas.
dambasayn
ld bambasayn.
dambasee
Wax dambas marin. ld bambasee.
dambasoobid
ld bambasoobid.
dambasow
Qoryo, dhuxul iwm dambas noqosho. ld bambasow.
dambasqaad
Weel yar, dhalo, macdan, qori iwm ka samayn oo sigaarka lagu demiyo.
dambasyaal
1. D. ah: dhagax weyn oo dhardhaar laga dhigto. 2. Qori weyn, qallalan oo muddo badan la shidan karo.
dambaxir
Xarig gaaban oo sac la lisayo sibraha looga xiro.
dambaxiran
Wax dambaxir lagu sameeyey ahaansho (sac la lisayo).
dambaxirnaan
ld dambaxirnaansho.
dambaxirnaansho
/dh ld dambaxirnaan.
dambaysii
Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
dambe
s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. ld damme.
dambee
1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.
dambeed
(xis.) Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.
dambeeto
fk. Dabadeed, kaddib.
dambiil
Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
dambow
fk. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
damci
Damac gelin.
damcid
ld damac¹ (3).
damcin
ld damcis.
damdaguugan
D. ah: mugdi aan waxba loo jeedin.
dameer
Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer¹, dammeer¹.
dameerabilayn
dameerabilee f.mg2 (-leeyay, -leysay) ld dameeradhaglee.
dameeradhaglayn
ld dameerabilayn.
dameeradhaglee
Qof wax uu niyadda ka jecel yahay is diidsiin. ld dameerabilee.
dameeradhuuji
Qof dameeradhuujo ku qabasho.

