Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 13 of 58.
dandaanso
Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo qaadasho. ld daddaanso.
dandarraysan
Wax dandarro hayso ahaansho.
dandarraysnaan
ld dandarraysnaansho.
dandarraysnaansho
/dh ld dandarraysnaan.
dandarree
Nafley dandarro badid.
dandarro
Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
danduul
Weel bir ka samaysan oo marka ceelasha la qodayo dhoobada lagu qaado.
danee
1. Caano la lulayo biyo yar ku darid. 2. Wax tixgelin dheeraad ah siin.
danfadhi
B. ah: xoolo aan xero lahayn. ld banfadhi.
danfariisasho
ld banfariisad, banfariisasho, danfariisad.
danfariisi
Xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. ld banfariisi¹.
danfariiso
Xoolo, xero la'aan baryid. ld banfariiso.
dangalo
Wax ay isu yihiin naago la wada qabo.
dangaraaro
Madax wareer.
dangaraaroo
Dangararo dareemid (qof).
dangee
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeyn
ld dangeys.
dangeysan
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeysnaan
ld dangeysnaansho.
dangeysnaansho
/dh ld dangeysnaan.
dangiig
1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. ld dangiigid. ld dingiig¹.
dangiigid
ld dangiig¹ (2), dingiig¹, dingiigid.
dangiigsasho
ld dangiigsad, dangiigsi, dingiigsad, dingiigsasho.
dangiigso
Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiigso. dango m.dh Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
dangow
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey noqosho.
dani
Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iwm. ld deni.
danjire
Nin wakiil ka ah dawlad kale; safiir.
danla'aan
Seegseeg iyo shaqo la'aan.
danla'aansho
/dh ld danla'aan.
dannaago
dannaanni¹ m.l ld dąnaani¹.
dannabe
Neef baadi ah ama la soo xaday oo la qashay. ld dannabo.
dannabee
Neef la soo xaday ama baadi ah qalasho.
danni
Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
dano
1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
danqaab
Waxyeello. ld danqaabid.
danqaabid
ld danqaab¹, danqaabo.
danqaaro
Nooc cawska dhaadheer ka mid ah oo meelaha biyo fariisinka ah ka baxa. ld danqaare.
danqasho
ld damqad, damqasho, danqad, daqmad, daqmasho, daqnad
danqid
ld damqid, damqin, danqin, daqmid, daqmin, daqnid.
danqo
/mg3 (-qaday, -qatay) Boog, nabar iwm. wax dhiig ama dhacaan laga keenay noqosho. ld damqo, daqmo, daqno.
dansan
Dab, nal iwm wax bakhtiyey ahaansho. ld densan.
dansanaan
ld dansanaan-sho, densanaan, densanaan-sho.
dansanaansho
/dh ld dansanaan.
danseeg
Wax aan faa'ido lahayn ee qof waqti ku dhaafo. ld danseegid.
danseegid
ld danseeg¹.
danseeji
Qof, waqtiga uga lumin waxaan faa'iido u lahayn.
danseejin
ld danseejis.
dansheegasho
ld dansheegad.
dansheego
U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
danwadaag
1. Dad isku degaan ah oo wadaaga heshiis nabadgelyo. 2. Dad isku degaan ah oo dan gaar ahaaneed ka dhexeyso.
danyar
Qof dhaqaalihiisu liito oo aan heli karin wax nolol maalmeedkiisa dhaafsiisan. ld dabyar.
danyaraan
ld danyari, danyaro.
daqaqamid
ld daqaqan¹.
daqaqan
Socod meel aan guriga ka fogeyn lagu gaaro; faalal. ld daqaqamid.
daqar
Dhaawac madaxa gaara oo aan lafta jebin. ld dakhar¹.
daqarasoon
Hanti sako ahaan loo bixiyo marka Soonku dhammaado. ld dagarasoon, daqarsoon.
daqay
/dh (-yo, m.dh) Muruq ku yaal laf dhabarta labadeeda dhinac.
daqiiji
Wax buda ka dhigid.
daqiiq
/dh 1. Wax kasta oo aad loo shiido; budo. 2. Sarreen aad loo shiiday; bur.
daqiiqad
Waqti hal saac ah oo lixdan meelood loo qaybshay middood. ld daqiiqo.
daqno
/mg3 (-naday, -natay) ld danqo.
daqramid
ld dakhramid.
daqran
Wax madaxa dhaawac ka gaarey noqosho (qof).

