Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 15 of 58.
dareensanaansho
/dh ld dareensanaan.
dareensasho
ld dareensad, dareensi.
dareensii
Cid, xog ka maqnayd garansiin.
dareenso
Cid, wax sharaysasho.
dareenwade
(c.nafl.) Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
dareer
Dhaqaaqidda xoolo meel ay tuurnaayeen ka dhaqaaqaan. ld dareerid.
dareeri
1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
dareerid
ld dareer¹, dureer¹, dureerid.
dareerin
ld dareeris¹, dureerin.
dareerin-aritmatig
D. tibxaheedu ay sammeeyaan susun aritmatig.
dareerin-aroorta
D. tirada tibxaha ay yihiin makoobane.
dareerin-joometeri
D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.
dareerin-kalahaad
D. oo wadarta dhammaan tibxaha ka dambeeya tibixda n-aad aan dhinmin marka ay n-korodho.
dareerin-koobane
(xis.) D. tirada tibxaheedu ay koobanyihiin ama ay jirto tibix susuntu ay ku dhammaato.
dareerin-makoobane
(xis.) D. tirada tibxaheedu ay yihiin makoobane ama aan jirin jibix ay susuntu ku dhammaato.
dareeris
Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
dareerka-dhiigga
Milanka ka soo hara markuu dhiig xargago. Seeramku waxay u dhigantaa balasmada, laakiin waxa ka maqan borotein la yiraahdo fibrinogen iyo walax kale oo hab hawleedka xargagidda loo isticmaalay.
dareersasho
ld dareersad, dureersad, dureersasho.
dareerso
Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso.
dareerto
1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
dareewal
1. Qof shaqadiisu tahay baabuur wadidda; shufeer, wade. 2. Qof yaqaan sida baabuurka lo wado. ld direewal.
darfi
1. Derin, maro iwm daraf u yeelid. 2. Hoore qubid.
darfooley
Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
dargad
1. Dhisme dhulka ka kacsan oo kaneecada laga fuulo ama miraha lagu qallajiyo. 2. Sariir yar oo ilmaha dhashay la seexiyo. ld daragad.
darib
Hilibka geela intiisa baruurta leh. ld darab² (2).
darid
ld daris.
dariiq
1. Waddo yar oo dadka iyo xooluhu qaadaan. 2. Bayd faal oo afartiisa hagood tahay min hal.
dariiqo
Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.
dariir
Laf hilib ka dhammayn.
dariiran
Laf, wax la dariiray ahaansho.
dariirnaan
ld dariirnaansho.
dariirnaansho
/dh ld dariirnaan.
dariishad
Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad.
daris
1. Caws adag oo gaaban oo ka baxa meelaha qoyaanka joogtada ah leh, ris; guxud. 2. Ceel biyo badan oo mar kasta buuxa. 3. ld darid.
darmaan
1. Ubad fardood oo lab. 2. Nin mingis qaba.
darmad
1. Midab guduud oo madow xigeen ah oo xooluhu yeeshaan. 2. ld darmasho.
darmasho
ld darmad¹ (2).
darmi
Xoolo meel daran leh daajin.
darmid
ld darsamid.
darmo
Ku d.: wax, wax kale ku biirid.
darnaan
ld darnaansho, darni, darno, darsanaan, darsanaansho.
darnaansho
/dh ld darnaan.
daro
1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
daroof
Darmooyin casaan ah oo guryaha derbiyadooda lagu qurxiyo.
daroori
Hadal tira badan oo aan micna lahayn. ld darooryaan¹.
darooryid
ld darooryaamid.
darraabid
ld darraw¹, darrow¹.
darraysasho
ld darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho.
darrayso
Timaha darro marsasho. ld tarrayso.
darrib
Cid tababbarid.
darro
Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro.
darroor
Biyo aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da'aayo.
darroori
Biyo meel sare fadhiya ka daadin.
darrow
Liididda wax la liido ama la xaqiro; quursi. ld darraabid.
darsanaansho
/dh ld darnaan.
darsasho
ld darsad, darsi.
darsin
Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. ld darsan¹, dersin.
darso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.
daruur
1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur-buureed
(c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
daruur-hoose
(c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
daruur4
Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
daruuran
Wax daruur leh ahaansho.
daruurasho
ld daruurad.
daruurayso
1. Cir, daruur yeelasho. 2. Meel naq leh u guurid. 3. Kabo, laammo iwm daruur u yeelasho.
daruuree
Neef daruuro gelin.
daruuri
D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin.
daruurnaan
ld daruur---naansho.
daruurnaansho
/dh ld daruurnaan.

