0

dameeradhuujin

m f dh

Eeg: dameeradhuuji

0

dameeradhuujo

m dh

Tab legdenka ka mid ah oo qof qof kale labada lugood dhexda kaga maro si uu xanuujiyo oo neeftu ugu celiyo.

0

dameerajoogeen

m l

1. Urur xiddiga ah. 2. ld dameerjoog.

0

dameerdibadeed

m l (-dyo, m.dh)

1. Farow. 2. Dameer duur joog ah oo aan dadku munaafacaadsan.

0

dameerfarow

m l

Dameer weyn, banjoog ah oo leh midab diillimo caddaan iyo madow ah. ld farow.

0

dameerhogo

m dh

Howtulhamag.

0

dameerjoog

m l

1. Meel biyaha roobku fariistaan. 2. dameerajoogeen.

0

dameero

m dh

Eeg: dameerow

0

dameerow

m l

Cudurrada carrabka ku dhaca mid ka mid ah. ld dameero.

0

dami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Dab, nal iwm bakhtin. 2. Dhibaato xasilin. ld demi.

0

damid

m f dh

ąn. ld demid.

0

damiin

m l

Eeg: dammiin¹

0

dąmiin

m l (-nno, m.dh)

Qof siiba arday oo fahmadiisu yartahay. ld dąmmiin.

0

damiinad

m l

Eeg: dammiinasho

0

damiinid

m dh

Eeg: dammiinid

0

damiinnimo

m dh

Eeg: dammiinnimo

0

dąmiinnimo

m dh

Damiin ahaansho (qof). ld dąmmiinnimo.

0

damiino

f g3 (-ntay, -natay)

Eeg: dammiino

0

damiir

m l

Wax la xiriira garaadka aadanaha oo fara wanaagga xumahana ka reeba.

0

damin

m dh

ld damis, demin, demis.

0

damis

m dh

Eeg: damin

0

dammaad

m l

Wareer culus oo qofku kala garan waayo meesha iyo waqtiga uu joogo.

0

dammaadid

m f dh

Eeg: dammaad²

0

dammaadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dammaaday ahaansho (qof).

0

dammaadsanaan

m f dh

ld dammaadsanaansho.

0

dammaadsanaansho

m l

/dh ld dammaadsanaan.

0

dammaan

m l

1. ld lammaan 1. Heshiis qoraal ama af oo caddeynaya in la fulin doono wax lagu heshiiyey; ballanqaad. 2. Ari d. ah: ariga inta jarka ah oo loogu talagalay iib.

0

dammaanad

m l

Eeg: dammiinasho

0

dammaanasho

m dh

Eeg: dammiinasho

0

dammaano

f g3 (-ntay, -natay)

Eeg: dammiino

0

damman

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan.

0

dammanaan

m f dh

ld dammanaansho.

0

dammanaansho

m l

/dh ld dammanaan.

0

damme

s. ld dambe.

0

dammeer

m l

Eeg: dameer¹

0

dammiin

m l (-nno, m.dh)

Qof la yaqaan oo qof kale mas'uul ka noqda. ld damiin¹.

0

dąmmiin

m l

ąmiin.

0

dammiinad

m dh (-do, m.l)

Naag dammiin ah. ld damiinad², dammaanad², lammaanad².

0

dammiinasho

m f dh

ld damiinad¹, damiinasho, dammaanad¹, dammaanasho,

0

dammiinid

m f dh

ld damiinid, lammaanid.

0

dammiinnimo

m dh

Dammiin ahaansho. ld damiinnimo.

0

dąmmiinnimo

m dh

ąmiinnimo.

0

dammiino

f g3 (-ntay, -natay)

Cid damiin ka noqosho. ld damiino, dammaano, lam-maano.

0

dammooti

m dh

Eeg: tammooti

0

damqad

m l

Eeg: danqasho

0

damqasho

m dh

Eeg: danqasho

0

damqi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: danaq

0

damqid

m dh

Eeg: danqid

0

damqin

m dh

Eeg: danqin

0

damqo

f g

/mg3 (-qaday, -qatay) ld danqo.

0

damrad

m dh (-do, m.l)

Waran dhego leh oo libaax badeedka lagu ugaarsado.

0

damradayn

m f dh

Eeg: damradee

0

damradee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Libaax badeed iwm damrad ku dhufasho.

0

damuuji

f g2 (-iyay, -isay)

Indho, in yar isku qabasho.

0

damuujin

m f dh

Eeg: damuuji

0

damuuqsad

m l

Eeg: damuuqsasho

0

damuuqsasho

m f dh

ld damuuqsad, damuuqsi.

0

damuuqsi

m l

Eeg: damuuqsasho

0

damuuqso

f g3 (-saday, -satay)

Indho, in yar isku qabasho.

0

dan

m dh (-no, m.l)

1. Ujeddo qof doorbido in ay faa'ido ugu jirto fal sameyntiisa. 2. D. u geli: wax ama qof tixgelin gaar ah siin. 3. Bannaan.

0

dąn

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Dab, nal iwm bakhtiyid. ld den.

0

dan-lahelay

m dh kh

D. ah: guntiino ama saddex-dhudood haweenku qaadan jireen. ld dal-lahelay.

0

danaag

m l

Waxtar; dheef.

0

danaagax

m l (-xyo, m.dh)

Gogol yar. ld danagax.

0

danaani

f mg2 (-iyay, -isay)

U d.: dad si danaana ah gacan ku siin.

0

dąnaani

m l

1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iwm. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iwm. 3. Cida dameeraha;

0

danaanin

m f dh

ld danaano.

0

danaano

m dh

La safashada qof la safto laba cidood ama ka badan oo is haya middood; hiilo. ld danaanin.

0

danaanyid

m f dh

ąnaani². ld dannaanniyid.

0

danab

m l (-byo, m.dh)

1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.

0

danab-soocid

m dh

Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.

0

danabayn

m f dh

Eeg: danabee

0

danabaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la danabeeyey ahaansho (bir).

0

danabaysnaan

m f dh

ld danabaysnaansho.

0

danabaysnaansho

m l

/dh ld danabaysnaan.

0

danabee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Wax danab u yeelid.

0

danabneg

m l (fiis.)

Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.

0

danabnimo

m dh

Danab ahaansho (qof).

0

danaboobid

m f dh

Eeg: danabow

0

danabow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax danab leh noqosho.

0

danaf

m l

1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar.

0

danagax

m l

danan¹ m.l 1. Cida fardaha. 2. ld dananid.

0

danan

f mg1 (-nay, -ntay)

1. Faras ciyid. 2. Dawan, lacag qaddaaddiic ah iwm sanqarid.

0

dananid

m f dh

ld danan¹ (2).

0

danaq

f g1 (-nqay, -naqday)

Nabar, boog iwm dhiig ama dheecan ka keenid. ld damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi.

0

danayn

m f dh

Eeg: danee

0

danaysad

m l

Eeg: danaysasho

0

danaysan

f mg4

Wax wax kale lagu daray ahaansho.

0

danaysasho

m f dh

ld danaysad, danaysi.

0

danaysi

m l

Qabsashada qof uu qabsado dan uu leeyahay. ld danaysasho.

0

danaysnaan

m f dh

ld danaysnaansho.

0

danaysnaansho

m l

/dh ld danaysnaan.

0

danayso

f mg3 (-stay, -satay)

Qof, dan u gaar ah fushasho.

0

danayste

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof dantiisa keliya ka fekera.

0

danbiil

m dh

Eeg: dambiil

0

dandaami

f g2 (-iyay, -isay)

Wax culus, iyadoo dhulka in yar laga hinjinayo la socosho. ld daddaami.

0

dandaamin

m f dh

ld daddaamin.

0

dąndaan

m l (-nno, m.dh)

Dhagax weyn.

0

dandaansad

m l

Eeg: dandaansasho

0

dandaansasho

m f dh

ld daddaansad, daddaansasho, dandaansad.