Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 17 of 58.
dawliil
Muuqaal koraad.
dawlisgoys
/dh (-syo, m.dh) Calaamadaha sarriinka ah oo jiidista dawlisku ku sameeyo xakabbada. ld dowlisgoys.
dawo
ąawo1. ld dawaco.
dawo-suuxin
(daaw.) Dawo yareysa ama baabi'isa dareenka oogada oo dhan ama qayb ka mid ah jirka. D.da s.ta oogada oo dhan oo qalliinka loo isticmaalo waxay damisaa shaqada maskaxda taasoo keenta miyir beelid.
dawre
Qof socoto ah.
daxal
Dheeh cillaan guduud ah oo birta iyo xadiid-sulubka ku dul samaysma marka ay biyuhu la falgalaan maaddadooda; mirir.
daxalaysasho
ld daxalaysad, daxalaysi.
daxalayso
Bir ama xadiid-sulub, daxal yeelasho.
day
/mg1 (dayay/deyay, dayday) 1. Indho, wax dhankooda u jeedin. 2. Isku d.: wax isku tijaabin.
dayaamid
ld daryaamid, diryaamid, diyaamid.
dayaan
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.
dayac
Daryeel iyo xannaana la'aan. ld daayacaad.
dayacan
Wax la dayacay ahaansho. ld dayacsan.
dayacid
ld daayacid.
dayacnaan
ld dayacnaansho, dayacsanaan, dayacsa-naansho.
dayacnaansho
/dh ld dayacnaan.
dayacsanaansho
/dh ld dayacnaan.
dayactir
1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.
dayactiran
Wax la dayactiray ahaansho.
dayactirnaan
ld dayactirnaansho.
dayactirnaansho
/dh ld dayactirnaan.
dayax
1. Ife samada sare ku sugan, qooraxda iftiin ka qaata, habeenno dhulka ifiya oo bishii hal mar dhulka ku wareega. 2. Caddo.
dayaxgacmeed
Saaruukh.
dayaxmadoobaad
Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
daydo
Roob da'a xilliga guga ah.
dayeysan
Wax dayoobay ahaansho.
dayeysii
Nafley jahawareerin.
dayeysnaan
ld dayeysnaansho.
dayeysnaansho
/dh ld dayeysnaan.
dayib
Waa tahay!
dayicid
ld daayicid, dayacid.
daymo
Jeedinta indhaha wax xaggooda loo jeediyo.
daymoo
Wax daymo u yeelasho.
daynaamiko
Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. ld dinaamiko.
daynabo
(fiis.) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
dayo
1. Caleenta quraca, siiba intay weli qoyantahay. 2. ld dawaco.
dayoobid
ld dayow¹ (2).
dayow
1. Wareer lala kala garan waayo waqtiga iyo meesha la joogo. 2. ld dayoobid.
dayr
Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
dayradhaaf
/dh (-fyo, m.dh) Waqtiga roobka dayrta ahi dhammaado oo dhaxantu bilaabato.
dayrcad
Midab cad oo geelu leeyahay.
dayrdhal
D. ah: neef geel ah oo xilli dayr ah dhalay.
dayri
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.
dayrin
ld dayris, dayro (2).
dayro
1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin.
dayrqin
Neef xilli dayreed rimay.
dayrsan
Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
dayrsanaan
ld dayrsanaansho.
dayrsanaansho
/dh ld dayrsanaan.
dayrsasho
ld dayrsad, dayrsi.
dayrsimo
1. Qof dayrsan ahaansho. 2. Roob xilliga dayrta horteeda da'a.
dayrso
Wax la haysto si aan wax looga bixin ka beensheegid.
dayuurad
Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.
dayuus
Qof aan damiir iyo akhlaaq lahayn oo aan ka xishoon in uu walaashiis ama xaaskiisa uu rag kale u geeyo.
debacsanaansho
/dh ld debecsanaan.
debbir
1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn.
debbiraad
Hab khayaano ku jirto oo arrin iwm loo xalliyo.
debci
Wax giigsan sida xarig iwm. giigsanaanta ka bi'in. ld dabci².
debcid
ld dabac¹, dabcid, debac¹, debec¹.
debcin
ld dabcin.
debec
1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac².
debecla'aan
1. Debciddarro. 2. (fk) Si isdabaraac u ah.
debecsamid
ld dabacsamid, debacsamid.
debecsan
Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.
debecsanaan
ld dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsanaan, debacsan
debecsanaansho
/dh eeg debecsanow. ld debecsanaan.

