Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 21 of 58.
dhaadnaan
ld dhaadnaansho.
dhaadnaansho
/dh ld dhaadnaan.
dhaado
/mg3 (-aatay, -aadatay) 1. (f.g)Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
dhaaf
/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Meel ama wax weydaarasho ama gudbid. 2. (f.g) Wax faraha ka qaadid; deyn. 3. (f.mg) Ku dh.: wax sida ay yihiin u deyn. 4. (f.mg) Ku dh.: cid wax ammaano ahaan ugu dhiibasho.
dhaafdhaaf
U dh.: hor iyo gadaal u socosho.
dhaafdhaafi
1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid.
dhaafdhaafsan
Is dh.: wax la dhaafdhaafiyay ahaansho.
dhaafdhaafsanaan
ld dhaafdhaafsanaansho.
dhaafdhaafsanaansho
/dh ld dhaafdhaafsanaan.
dhaafi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
dhaafin
ld dhaafis.
dhaafiye
Warqad sharciyaysan oo hal dal mar lagu geli karo lagagana soo noqon karo.
dhaafsan
1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho.
dhaafsanaan
ld dhaafsaanaansho.
dhaafsanaansho
/dh ld dhaafsanaan.
dhaafsasho
ld dhaafsad, dhaafsi.
dhaafsii
Wax meel ka gudbin.
dhaafsiin
ld dhaafsiis.
dhaafsiisan
Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
dhaafsiisnaan
ld dhaafsiisnaansho.
dhaafsiisnaansho
/dh ld dhaafsiisnaan.
dhaafso
Wax, wax kale ku beddelasho.
dhąagid
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld dhąadid.
dhaaji
Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn.
dhaal
1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah.
dhaalali
1. Wax dhalaalaya ka dhigid. 2. Adke ka dhigid.
dhaalcaysnaansho
/dh ld dhaaclaysnaan.
dhaali
Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto.
dhaaman
Dhar iwm wax la dhaamay ahaansho.
dhaameel
Abqo.
dhaameelso
Dhaameel gurasho.
dhaami
/mg2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyo ka doonid. 2. Weel buuxin.
dhaamin
ld dhaamis.
dhaamnaan
ld dhaamnaansho.
dhaamnaansho
/dh ld dhaamnaan.
dhaan
1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaandabaggaale
Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.
dhaandhaami
Qof, dhaandhaan ka dhigid.
dhaandhaamin
ld dhaandhaamis.
dhaandhaan
Qof aad u garaad yar oo maskaxda wax uga dhimmanyihiin.
dhaansan
Weel wax buuxa ahaansho.
dhaansanaan
ld dhaansanaansho.
dhaansanaansho
/dh ld dhaansanaan.
dhaansasho
ld dhaansad, dhaansi.
dhaanso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
dhaantee
Dhaanto cayaarid.
dhaanto
Nooc cayaaraha dhaqanka ka mid ah oo leh jaan, sacab iyo or.
dhaar
Caddayn magaca Eebbe lagu adkeynayo in wax laga run sheegayo.
dhaaraan
Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
dhaari
/dh Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo tilmaama “qof wax khabiir ku ah”, sida: fardadh.: fardafuulyahan.
dhaarin
ld dhaaryid.
dhaaro
Ku dh.: dhaar marid.
dhaarsan
Qof, wax dhaartay ahaansho.
dhaarsanaan
ld dhaarsanaansho.
dhaarsanaansho
/dh ld dhaarsanaan.
dhaarsasho
ld dhaarsad.
dhaarshil
Dheef yar oo aan waxtar weyn lahayn oo lagu eedoobo.
dhaarso
Qof dhaar marsasho.
dhaaryid
ld dhaarin.
dhaashad
ld dhaashi.
dhaashi
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.
dhaasho
Dhaashi marcasho.
dhaaw
1. Habaar; Inkaar. 2. Daaweynta Jin, dabayl iwm cid laga daweeyo. 3. ld dhaawid. ld dhaw¹.
dhaawac
Nabar xanuun leh oo oogada ku dhaca.
dhaawacan
Wax dhaawac gaarey noqosho.
dhaawacnaan
ld dhaawacnaansho.
dhaawacnaansho
/dh ld dhaawacnaan.
dhaawan
Wax la dhaaway ahaansho. ld dhawan.
dhaawanaan
ld dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
dhaawanaansho
/dh ld dhaawanaan.
dhaawasho
ld dhawasho.

