Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 35 of 58.
dhex-xul
Wax dhexmarid.
dhexaad
s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
dhexbeegid
Habka laga qiyaaso qiimaha fansaar iyada oo la adeegsanayo qiimayaal la yaqaan ee ku yaalla labada dhinac ee fansaarka.
dhexboodbood
Dad ama waxyaabo dhexdooda ku boodboodid.
dhexdeg
Bartamaha tuulada ku noolaansho.
dhexdegid
ld dhegdeg¹.
dhexdhac
1. Ka dh.: dugaag, col iwm meel weerarid. 2. Ka dh.: cudur, colaad iwm meel ka dillaacid.
dhexdhalaal
Ku dh.: aad isugu daalin.
dhexdhexaad
1. Bartame. 2. Dh. ah: dherer, da', culays iwm oo aan yaraan iyo weynaan midna raacsanayn.
dhexdhexaadi
Laba dhinac oo wax isku haya u garnaqid.
dhexdhexaadin
ld dhexdhexaadis.
dhexdhexaadiye
Qof, dad wax isku haysta u garnaqay.
dhexdhexaadnimo
Dhexdhexaad ahaansho (cid).
dhexe
s. Bartamaha ku jira; dhexeeya; dhexaad.
dhexee
/mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. (f.g) Weel waxa ku jira badh ka dhigid. 2. (f.mg) U dh.: wax aan cidi gaar u lahayn ahaansho.
dhexeeye
(xis.) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.
dhexfur
(xis.) Xarriq toosan oo geeska saddexagal ku xirta barbartameedka dhinaca horjeedaha ah. Dhexfurrada saddexagal waxa ay iska gooyaan bar keliya, taas oo ah xuddumeedka saddexagalka.
dhexgal
Dhexdhexaadinta laba dhinac oo wax isku haysta. ld dhexgelid.
dhexgal4
1. Laba dhinac oo is haya dhexdhexaadin. 2. Wax gudahiisa gelid.
dhexgelid
ld dhexgal¹.
dhexjiir
Meel ciriiri ah xoog ku marid.
dhexjoog
Xoolo, alaab iwm oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin.
dhexkabe
(nax.) Lifaaq la dhexgeliyo erey gudihiisa. Tus. “Waan qorayaa; waan qoranayaa”.
dhexkatuur
Derin, harrar iwm oo aqal soomaaliga dusha laga saaro.
dhexkubbari
D. ah: qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday, ka badbaaday.
dhexkubbaryid
Badbaadinta qof, meel hareeraheeda dhibaato ka dhacday.
dhexmar
Wax badan oo meel wada jooga ama meel ku wada yaal (dad, xoolo, dhir, bad iwm) ama gudo leh (aqal iwm) ama dalool (dhuun iwm) dhexdood marid.
dhexmari
Degaan, xoolo iwm wax dhexqaadsiin. ld dhexmarsii.
dhexmarid
ld dhexmar¹.
dhexmarin
ld dhexmarsiin.
dhexmeeran
Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).
dhexmuuqo
Ka dh.: qof, wax dheeraad ah oo uu dadka kale kaga yahay muujin.
dhexnool
Ku dh.: cid la dhaqmid.
dhexnoolaan
ld dhexnoolaansho.
dhexnoolaansho
/dh ld dhexnoolaan.
dhexoollaansho
/dh ld dhexoollid.
dhexoollid
ld dhexoollaansho.
dhexqabo
Ka dh.: nafley, nafley kale oo ay ku jirtay ka dhex saarid.
dhexroor
1. Meesha dhexda ah ee laba maro la isaga tolo. 2. Labalaabka gacanka. 3. Dhidib. 4. ld dhexroorid.
dhexroor4
Laba cad oo maro ah dhexroor u yeelid.
dhexrooran
Laba cad oo maro ah wax dhexroor loo yeelay ahaansho.
dhexroorid
ld dhexroor¹ (4).
dhexroornaan
ld dhexroornaansho.
dhexroornaansho
/dh ld dhexrooran.
dhexsaar
Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka bixin.
dhexsoco
Laba wax (ama laba melood ama laba qof) dhexdood marid.
dhexsocod
ld dhexsocosho.
dhexsocoto
1. Hadal yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo maansada qaybo loogu kala qaybiyo. 2. Dad dadka hadalka u kala qaada ama dawlad u adeega oo warka u geeya; jaasuus. 3. Dad si joogto ah, laba meelood isaga safra.
dhexsooc
Ka dh.: wax, wax kale oo uu ku dhex jirey ka mirid.
dhextaal
Tix yar, soo noqnoqota oo maansada qaybo u kala qaybisa. ld dhextaallo.
dheyrdheer
Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.
dhib
/dh (-bab, m.l) 1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
dhibaad
1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. ld dhiibaaji.
dhibaadi
Haweeney dhibaad siin. ld dhibaadsii.
dhibaadin
ld dhibaadsiin.
dhibaataysan
Wax dhibaato hayso ahaansho.
dhibaataysnaan
ld dhibaataysnaansho.
dhibaataysnaansho
/dh ld dhibataysnaan.
dhibaatee
Cid dhibaato gaarsiin.
dhibbaan
Nabar.
dhibban
Wax dhib hayo ahaansho.
dhibbanaan
ld dhibbanaansho.
dhibbanaansho
/dh ld dhibbanaan.
dhibbane
Qof dhibaato la gaarsiiye.
dhibci
Hoore meel ku jira in yar ka shubid.
dhibco
Hilib cadad yar yar laga dhigay oo muqmaddana ka waaweyn; suqaar.
dhibdhibic
Gobo'layn; tifqid. ld dhibdhibac.
dhibee
Xoolo dhib ku daweyn.
dhibeysan
Xoolo la dhibeeyay ahaansho.

