Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 34 of 58.
dhegeyste
Qof wax dhegeysta ama dhegeysanaaya.
dheggan
1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).
dhegganaan
ld dhegganaansho.
dhegganaansho
/dh ld dhegganaan.
dhegjeex
Summad idaha dhegaha looga dhigo iyadoo dhegta dhinac la jeexayo.
dhegnuugsasho
ld dhegnuugsad, dhegnuugsi (2).
dhegnuugsi
1. War aan laysu sheegin ee dhegta laga maqlay. 2. ld dhegnuugsasho.
dhegnuugso
War si dadban u dhegeysasho.
dhegoole
Nin aan wax maqlin.
dhegoolee
Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
dhegooley
Naag aan wax maqal.
dhegraac
Ballaarinta beer la ballaarinayo oo bowdka la fakinayo.
dhegraarici
U dh.: qof si fiican u dhegaysasho.
dhegsami
Sumcad wanaagsan oo la yeesho.
dhegsan
Wax meel ku naban ahaansho.
dhegsanaan
ld dhegsanaansho.
dhegsanaansho
/dh ld dhegsanaan.
dhegsasho
/dh eeg dhegso.
dhegsin
Muruqyada ku dhegsan garabka iyo daqayaha dhabarka midkood.
dhegso
Ku dh.: wax meel ku nabasho.
dhegtaag
U dh.: wax maqalkooda u dhegraaricin.
dhegweyn
1. Geed weyn oo wacanriga u eg oo leh caleemo balballaaran iyo miro la cuno. 2. Dh. ah: qof aan si dhakhsa ah wax u fahmin. 3. Dh. ah: nooc ariga ka mid ah oo dhego balballaaran.
dhegxumaan
ld dhegxumaansho, dhegxumi, dhegxumo.
dhegxumaansho
/dh ld dhegxumaan.
dhegxumi
1. Sumcad aan wanaagsaneyn oo cidi yeelato. 2. Ceeb. ld dhegxumaan.
dhegxun
Cid aan sumcad lahayn ahaansho.
dhegyar
Nooc fallaarta dhegta leh ka mid ah oo yar.
dheh
/lg1 (yiri, tiri/dhahay, dhahday; dhihi) Wax ku tiraabid; sheegid.
dheji
1. Wax meel ku nabid. 2. Ku dh.: wax dab ku taabasho. 3. Ku dh.: cid wax cunaysa ku ileyn (qof). 4. Isku dh.: cid kale isku dawdarid (qof). 5. ld dhaji.
dhejin
ld dhajin, dhajis, dhejis.
dhekafaarsanaansho
/dh ld dhakafaar-sanaan.
dhenged
Ul yar oo dhuuban oo badanaa carruurta iyo xoolaha lagu tumo. ld dhengad.
dhengedee
Cid dhengad ku tumid.
dhengedeysan
Wax la dhengedeeyey ahaansho.
dhengedeysnaan
ld dhengedeysnaansho.
dhengedeysnaansho
/dh ld dhengedeysnaan.
dhereb
Idiin xarar iyo faraq lagu qurxiyo oo lagu qaado carruurta; furaad. ld dharab³ (2).
dhereg
1. Sida la noqdo markii cunto ama cabbitaan caloosha laga buuxsho. 2. Barwaaqo; ladnaan.
dheregdhacsasho
/dh eeg dheregdhacso. ld dheregdhacsad, dheregdhacsi.
dheregdhacso
Wax dheregta yareeya ama babbi'iya sameyn.
dheregsan
Wax dhergey ahaansho.
dheregsanaan
ld dheregsanaansho.
dheregsanaansho
/dh ld dheregsanaan.
dherer
1. Salka iyo baarku inta ay isu jiraan, joog. 2. Wax dacalka uu ka bilowdo iyo ku dhammaado inta ay isu jiraan. 3. Fogaan.
dhereran
Wax fidsan ama kor u taagan ahaansho.
dhereri
1. Wax dhirirkiisa cabirid. 2. Bawd, derbi iwm dherer u raacid.
dherernaan
ld dherernaansho.
dherernaansho
/dh ld dherernaan.
dherersan
Wax la dherershay ahaansho.
dherersanaan
ld dherersanaansho.
dherersanaansho
/dh ld dherersanaan.
dherersimo
Qoolka waxaraha.
dhererto
Sacab muggii; xantoobo.
dherertoo
U dh.: aad u sugid; raagsasho; daahsasho.
dhergan
Wax dhergey ahaansho.
dherganaan
ld dherganaansho.
dherganaansho
/dh ld dherganaan.
dhergane
Bayd faal oo madaxa iyo majaha ku ah min hal, labada lugood oo dhexda ahna min labo.
dhergi
Nafley, wax badan oo laga dhergo siin. ld dherji.
dhergin
ld dherjin.
dheri
Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
dheriggirgire
Dheri weyn oo dhoobo ka samaysan oo reer miyigu marka ay alla bariga qabaan cuntada ku karsadaan. ld dherigirgire.
dheriqore
Ninka dheryaha ama dheriyada sameeya. ld dheryadhoob.
dheryadhoob
Dheriqore.
dheryadhulayn
ld dheryadhulays.
dheryadhulee
Si gaar ah hilib u hogeyn.
dheryasameeye
Dheriqore.
dhesteri
Degmo. ld dhisteri.
dhex
1. Laba wax ama laba meelood kala barkood; bartan. 2. Inta u dhexeysa qaarka hore iyo qaarka dambe (nafley); sabar.
dhex-aal
Dhexjoogid.
dhex-xir
Xarig yar, dhuuban, ka samaysan dun, mayrax iwm oo haweenka dhexda ku xirtaan.

