0

dheelliyid

m f dh

ld dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.

0

dheelmad

m l

Eeg: dheelmasho

0

dheelmasho

m f dh

ld dheelmad, dheelmataan, dhelmatiin.

0

dheelmataan

m l

Socod habeenkii la socdo. ld dheelmasho.

0

dheelmatiin

m l

Eeg: dheelmasho

0

dheelmi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax habeen guuragelin.

0

dheelmid

m f dh

ld dheelan¹.

0

dheelmin

m f dh

ld dheelmis.

0

dheelmis

m l

Eeg: dheelmin

0

dheelmo

f mg3 (-maday, -matay)

Habeen socosho; guurayn.

0

dheelsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. ld dheeli.

0

dheelsiin

m dh

ld dheelin.

0

dheeman

m l

/dh 1. Macdan aan midab lahayn, aad u adag, kana qaalisan macdanta kale. 2. Afarta haad ee turubka mid ka mid ah, calaamad afar gees ah oo guduudan leh.

0

dheen

m l

/dh Geed weyn, aan qodax lahayn, caleemo yaryar, miro macaan oo la cuno leh oo ka baxa biyo mareennada.

0

dheer

m dh

Siil.

0

dheeraad

m l

Wax tiro ama qiyaas la isla ogyahay siyaado ku ah. ld dheeri¹.

0

dheeraan

m f dh

ld dheeraansho, dheeri².

0

dheeraansho

m l

/dh eeg dheerow. ld dheeraan.

0

dheeraar

m l

Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.

0

dheeraari

f g2 (-iyay, -isay)

Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.

0

dheeraarin

m f dh

ld dheeraaris.

0

dheeraaris

m l

Eeg: dheeraarin

0

dheeraarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dheeraar lagu xiray ahaansho.

0

dheeraarsanaan

m f dh

ld dheeraarsanaansho.

0

dheeraarsanaansho

m l

/dh ld dheeraarsanaan.

0

dheeraarsasho

m f dh

Eeg: dheeraarso

0

dheeraarso

f g3 (-saday, -satay)

Neef xoolo ah si uu u daaqo meel ku xirasho.

0

dheerallaabid

m dh

Eeg: dheelallaabid

0

dheerallabo

m dh

Eeg: dheelallaabo

0

dheerallaw

f mg1 (-looday, -lootay)

Eeg: dheelallaw²

0

dheerallow

m l

Eeg: dheelallaabo

0

dheerashiito

m dh

Gaaraabidhood.

0

dheeraweyn

m dh

Cayayaan yaryar dalagga daldalooliya oo dhuuxa ka cuna.

0

dheerayn

m f dh

ld dheerays.

0

dheerays

m l

Eeg: dheerayn

0

dheeraysii

f g

/mg2 (-iiyay, -iisay) 1. (f.g) Wax xawliga ay ku socdaan kordhin. 2. (f.mg) U dh.: cid waxay qeyb u lahayd wax ka badan siin.

0

dheeraysiin

m f dh

Eeg: dheeraysii

0

dheerdheere

m l

Eeg: dheerdheero

0

dheerdheero

m dh

1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.

0

dheerdheeroo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Wax dheerdheero hayso noqosho. ld dheedheeroo.

0

dheerdheerood

m f l

ld dheedheerood.

0

dheeree

f g

/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g)Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid.

0

dheeri

m l

Eeg: dheeraad

0

dheerow

f mg3 (-raaday, -raatay)

1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tus. “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.

0

dheertaxaniinyo

m dh u

Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.

0

dheg

m dh (-go, m.l)

1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.

0

dheg-kafaar

m l

Eeg: dhakafaarid

0

dheg-kafaari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dhakafaari

0

dheg-kafaarid

m dh

Eeg: dhakafaarid

0

dheg-kafaarin

m dh

Eeg: dhakafaarin

0

dheg-kafaarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: dhakafaarsan

0

dheg-kafaarsanaan

m dh

Eeg: dhakafaarsanaan

0

dheg-kafaarsanaansho

m l

/dh ld dhakafaarsanaan.

0

dhega-adag

f mg4 (-dkaa, -dkayd)

Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.

0

dhega-adayg

m l

Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan.

0

dhega-adaygid

m f dh

Eeg: dhega-adayg²

0

dhega-adkaan

m f dh

ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.

0

dhega-adkaansho

m l

/dh eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan.

0

dhega-adkow

f mg3 (-kaaday, -kaatay)

Wax dhega-adag noqosho.

0

dhegaati

m l

/dh (-iyo, m.dh) 1. Xarig yar oo dhigaha lagu xiro. 2. Siddo xarig ah oo waxyaabaha qaar loo yeelo. ld dhagaati.

0

dhegabbeel

m l

Waayidda nafley weydo awoodda maqalka. ld dhegabbeelid.

0

dhegaculays

m l

Eeg: dhegacuslaan

0

dhegaculus

f mg4 (-uslaa, -uslayd)

Qof aan si fiican dhegaha wax uga maqlin ahaansho.

0

dhegacuslaan

m f dh

ld dhegaculays, dhegacuslaansho.

0

dhegacuslaansho

m l

/dh eeg dhegacuslow. ld dhegacuslaan.

0

dhegacuslow

f mg3 (-laaday, -laatay)

Qof aan dhegaha si fiican wax uga maqlin noqosho.

0

dhegadhabad

m l

Eeg: dhegadhabasho

0

dhegadhabasho

m f dh

ld dhegadhabad.

0

dhegadhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Dhegaha daaman ku garaacid iyaga oo madaxa ruxaya (xoolo, ugaar, dugaag iwm).

0

dhegadhego

m l

Qalab ka samaysan dahab, qalin, macdan iwm oo ay dumarku dhegaha gashadaan; hilqado.

0

dhegafarasoobid

m f dh

ld dhegafarasow¹ (3).

0

dhegafarasow

m l

1. Maqalka dhegaha oo siyaado. 2. Sharqamo aan jirin oo la moodo in la maqday. 3. ld dhegafarasow¹.

0

dhegala'

f mg4 (-'aa, -'ayd)

Nafley aan wax maqlin ahaansho.

0

dhegala'aan

m f dh

'.

0

dhegaley

m dh

Nooc fallaarta ka mid ah leh laba ganood oo u jeeda gadaal.

0

dhegammari

f lg2 (-iyay, -isay)

Is dh.: wax aan maqlin.

0

dhegammarin

m f dh

Eeg: dhegammari

0

dhegannugeyl

m l

Dabci qof leeyahay oo u oggolaado in uu si sahlan u fuliyo wax la faray. ld dhegannuglaan.

0

dhegannuglaan

m f dh

ld dhegannugeyl, dhegannuglaansho.

0

dhegannuglaansho

m l

/dh eeg dhegannuglow. ld dhegannuglaan.

0

dhegannuglow

f mg3 (-laaday, -laatay)

U dh.: qof waxa la faro si sahlan u qaata noqosho.

0

dhegannugul

f mg4 (-glaa, -glayd)

U dh.: qof, waxa la faro si sahlan u fuliyo ahaansho.

0

dhegaqor

m l

Summad idaha dhegta looga sameeyo iyadoo labada dhan ee dhegta in yar la gooynayo si ay caarad u yeelato.

0

dhegaqorid

m f dh

Eeg: dhegaqor²

0

dhegatir

f g1 (-ray, -rtay)

Cid dhega beel ku ridid.

0

dhegatirid

m f dh

ld dhegatir¹.

0

dhegawaddan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof dhegihiisu aad wax u maqlaan ahaansho. 2. Qof wax dhega nugul ahaansho.

0

dhegawaddanaan

m f dh

ld dhegawaddanaansho.

0

dhegawaddanaansho

m l

/dh ld dhegawaddanaan.

0

dhegayare

m l

Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. qoronfol, qoronful.

0

dhegbas

m l

Isku illaawidda sheeko dhegeysigeeda la isku illaawo. ld dhegbasid.

0

dhegbasid

m f dh

ld dhegbas¹.

0

dhegcas

m dh u

Dhasha yaryar oo nafleyda qaarkeed (lo', deero iwm).

0

dhegdheg

m l

1. Qoyaan layiig ah oo wuxuu taabto qabsada sida xabagta iyo caanaha cinjirka iwm. 2. Baqbaqqa indhaha ama wasakh kale.

0

dhegdhegto

m dh

Geed yar oo leh sabuul qodxo leh oo ku dhega wixii taabta.

0

dheged

m l

1. Midab xoolaha dhanada iyo jaanka cuna ama dhirta qaarkeed daaqa ay gaafurka ku yeeshaan. 2. Carro cusboole ah. 3. Wasakh, uskag.

0

dhegeysad

m l

Eeg: dhegeysasho

0

dhegeysasho

m f dh

ld dhegeysad, dhegeysi.

0

dhegeysi

m l

Eeg: dhegeysasho

0

dhegeyso

f g3 (-stay, -satay)

1. Dhawaaq, shanqar iwm dheg u dhigid. 2. Cid hadal loo soo jeedinaayo ismoogeysiin.