Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 39 of 58.
dhimaad
1. Dhimaal. 2. Wax sii dhimmaya.
dhimaal
Waxyeello cid loo geesto.
dhiman
Marka la sharxayo bu', unug, ama noole leh hal urur oo koromosoomyo aan lamaanayn.
dhimbil
1. Dhulux yar oo nool (dab leh). 2. Raydabka mirihiisa curadka ah. ld dhimbiil.
dhimid
ld dhimis, dhimitaan, dhinniin.
dhimir
Maan; garaad; caqli. ld dhimiro.
dhimir-daaweyn
Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
dhimitaan
Yareynta wax intay ahaayeen in yar laga qaado. ld dhimid.
dhimman
Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin ahaansho.
dhimmanaan
ld dhimmanaansho, dhinnaan, dhinnaansho.
dhimmanaansho
/dh eeg dhimmanow. ld dhimmanaan.
dhimmanaasho
Xaalad uu koritaanka maskaxdu horay u joogsatay ama ay maskaxdu si aan dhammayn u kortay.
dhimmanow
/mg3 (-naaday, -naatay) Wax aan dhammayn oo wax ka maqanyihiin noqosho. ld dhinnow.
dhimo
Naf waayid (noole).
dhimri
1. U dh.: cid u turid. 2. U dh.: cid u naxariisasho.
dhimrin
ld dhimris.
dhin
Wax intay ahaayeen in yar ka goyn.
dhinac
1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
dhinacdhaw
Hal ilmo aanay dhalin, kuna sidkanayn lagu maalo.
dhinacee
Dhinac marid ama xigid.
dhinacfariiso
Qofka agtiisa fariisasho.
dhinacjoog
Qofka agtiisa joogid.
dhinacsoco
Qof agtiisa socosho.
dhinacyee
1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).
dhinbiil
Midho jilicsan oo ka tirsan dirka leguminoosa, oo leh kaarbal u kala baxa laba qaybood. Tus. “Salbuko”.
dhinnaansho
/dh ld dhimmanaan.
dhinnow
/mg3 (-naaday, -naatay) ld dhimmanow.
dhiqle
Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iwm gala; kutaan. ld dhilqe.
dhir
1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.
dhir-abaareed
(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
dhiraysan
1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray ahaansho (cunto, cabitaan iwm).
dhiraysnaan
ld dhiraysnaansho.
dhiraysnaansho
/dh ld dhiraysnaan.
dhirbaaxaysnaansho
/dh ld dhar-baaxaysnaan.
dhiree
1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon ama geed kulayl ah, cunno, cabitaan iwm ku darid.
dhirfi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin.
dhirfoon
Wax caraysan ahaansho.
dhirfoonaan
ld dhirfonaansho.
dhirfoonaansho
/dh ld dhirfoonaan.
dhirhoosad
Nagaarka geed-gaabka iyo cawska.
dhirif
Caro; xanaaq.
dhirifow
1. Marax. 2. Suyuc.
dhirifsan
Qof xanaaqsan ahaansho.
dhirifsanaan
ld dhirifsanaansho.
dhirifsanaansho
/dh ld dhirifsanaan.
dhirindhir
Geed-quwaax ay raxanreebta isku bah yihiin oo leh qodax dhumuc weyn oo dheer iyo dheecaan dhammaajo ah.
dhirindhiri
1. Meel qodaxi ku jirto si tartiib ah uga saarid. 2. Arrin si siyaasad iyo degganaan leh ciriir uga saarid.
dhiriq
Digo aad u qoyan.
dhirir
Mugga sacab fidsan.
dhirirtaysasho
ld dhirirtaysi.
dhirirtayso
Badar sacab ku qaybsasho.
dhirirtee
Badar sacab ku qaybin.
dhirqaad
Meel geedaha ku yaal oo dhan ka goyn si loo beero.
dhirxagato
Nafleyda inteeda cunta dubka sare ee geedaha.
dhis
1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid.
dhisaal
Dh. ah: xirmooyin dhis, sisin iwm oo meel ku urursan.
dhisaalan
Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iwm).

