Qaamuuska Asalka
dhir-abaareed
(-ryo ..., m.dh)MagacDhexdhexaad
Macnaha
(bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
Erayo la-mid ah
dhir1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geeda…dhiraysan1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray…dhiraysnaanld dhiraysnaansho.dhiraysnaansho/dh ld dhiraysnaan.dhirbaaxaysnaansho/dh ld dhar-baaxaysnaan.dhiree1. Dhul aan dhir lahayn geedo ku tallaalid. 2. Geedo udgoon …dhirfi/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. …dhirfoonWax caraysan ahaansho.

