Qaamuuska Asalka

darab

MagacLafdheeri

1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.