Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 52 of 58.
doorsamid
ld doorsoomid, doorsoon¹.
doorsan
1. Wax siduu ahaa si ka duwan laga dhigay ahaansho. 2. Qof maankiisu beddelen yahay ahaansho.
doorsanaan
ld doorsanaansho.
doorsanaansho
/dh ld doorsanaan.
doorsasho
ld doorsad, doorsi.
doorshaan
Cayayaan wasakh ku nool ah oo leh qolof adag, baalal iyo lix lugood; xaarwalwaal.
doorso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax, wax kale ku beddelasho. 2. (f.g) Wax sarrifasho (lacag). 3. (f.mg) Cudur ka bogsasho.
doorsoome
(xis.) Xaddi isbeddela sida x oo u taagan xaddi dahsoon ama aan la aqoon, badanaaba ah tiro. Tusaale ahaan: 3y - 1= 8, y waa doorsoome.
doorsoome-ku-xiran
Haddii y ay tahay fansaarka x, taas oo, haddii fansaarka hal qiime oo y ah uu ku aadayo qiime kasta oo x ah, markaa ay waa doorsoome ku xiran.
doorsoome-madaxbannaan
(xis.) Isleeqta y = f(x), doorsoomaha la geshaha ah ee x.
doorsoomid
ld doorsoon¹; doorsamid.
doorsoon
; doorsoomid.
doorsoonaan
ld doorsoonaansho.
doorsoonaansho
/dh ld doorsoonaan.
doorte
Qof cid doorasha u taagan codkiisa siiya.
doosh
1. Markab ama doon u socota dhanka ay dabayshu ka hayso. 2. D.kii hore: waqti hore oo la soo dhaafay; kal.
dooshi
Xarig isu haya farmaanka doocdiisa bixid iyo doonta.
doox
1. Saxaro jilicsan oo ay nafleydu dhigaan marka ay cunaan ama cabaan waxyaabo caloosha kiciya; shuban. 2. (-xyo, m.dh) Dhul godan oo biyo mareen ah; tog. 3. ld dooxid.
dooxada-rift
Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
dooxan
Wax caloosha laga soo riday ahaansho.
dooxane
Nooc warmaha ka mid ah oo dhexda aroor ku leh.
dooxato
Koox burcad ah oo waxa ay arkaan dhaca ama dila.
dooxid
ld doox¹ (3).
dooxnaan
ld dooxnaansho.
dooxnaansho
/dh ld dooxnaan.
dooxo
(juqr.) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.
dooxo-daldalan
(juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
dooy
Dhul ciiddiisu midab gaduudan leedahay.
dooyee
Fardo ku ilaala tegid.
dooyeyn
ld dooyeys.
dooyo
1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
doqon
Haweeney aan caqli iyo garaad badan lahayn.
doqondiidsii
Is d.: isxariifin.
doqonnimo
Doqon ahaansho. ld doqonniimo.
doqonow
Doqon noqosho.
doqosh
Waddo yar oo aan toos ahayn, ciriirina ah oo guryo dhexdooda marta.
doro
Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
dorraad
Maalinta la joogo maalinteeda saddexaad ee la soo dhaafay, maalintii shalay ka horreysay. ld darraad, dorraato.
dowddar
Qof mashaqeeste ah oo aan wax laheyn. ld dawdar¹.
dowddarid
ld dawdarid.
dowddarnimo
Dowddar ahaansho. ld dawdarnimo.
dowli
Ceel dowli ku shubid. ld dawli².
dowlin
ld dawlin, dawlis, dowlis.
dowlodamiin
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Banaadir.
dowr
1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) ld dǫor.Kaalin.
dowrid
ld dawrid.
dowsar
Cayayaan yaryar oo geedaha iyo looxaanta daloosha oo cuna; xar.
doxore
Qof hadal badan, oo aan xikmad lahayn.
dub
Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waa d.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
dub-sare
(c.nafl.) Sooloji ahaan lakabka ugu sareeya ee unugyada jidhka xayawaanka.
dub-soohdin
Lakab khafiif ah ee dareere oo ku samaysan oogada walax adke ah, taas oo dareeraha uu lakabku ka samaysanyahay uu socdo. Xoogga qalaad isjiidadka ayaa sababa in molikiyuulada dareeraha ee ugu dhow adkuhu ayna dhaqaaqin oo ay taagnaadaan, marka loo eego dareeraha ay ka midka ahaayeen.
dubaalad
Tidic dun ah oo la geliyo feynuusta, matramakiska, fadiisha iwm oo marka la shido iftiin iyo olol bixiso; liifad.
dubaaq
Garaad, maskax, xis. ld dibaaq.
dubaaqee
Cid dubaaqo gaarsiin.
dubaaqo
Nabar weyn oo jirka gaaray.
dubaarad
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac ka wada cad, ama dhibco is la eg ku leh; habar.
duban
Ciyaarta dubnadda hal gacan ku guulaysasho.
dųban
Wax la dubay noqosho.
dųbasho
ųbo.
dubayo
Qaruhu marka uusan weli bislaan. ld bicir.
dubayow
Candho xoolaad oo caano ka dhammaadeen isku dhadid.
dubbadhac
Isku d.: is abaabulid; is habayn.
dubbadhicid
ld dubbadhac¹.
dubbarrid
Isku d.: wax abaabulid; wax habayn.
dubbe
Qalab ka kooban bir kuusan oo qalab kala duwan leh iyo daab madaxa kula jira oo farsamayaqaanku ku garaaco biraha uu farsamaynayo; burris.
dubbee
Wax dubbe ku garaacid.
dubbeyn
ld dubbeys.
dubbeysan
Wax dubbe lagu garaaco ahaansho.
dubbeysnaan
ld dubbeysnaansho.
dubbeysnaansho
/dh ld dubbeysnaan.

