Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 55 of 58.
dulmi
Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. ld dulan¹, dulin (2), dulun¹.
dulmici
Duudseef.
dulmidiid
D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. ld dulmifiir.
dulmiley
Qof dumar ah oo dulmi samaysa.
dulmilow
Nin dulmi sameeya.
dulmisanaansho
/dh ld dulmanaan.
dulmiyid
ld dulmid, dulmin.
dulnool
Ku d.: qof ka faa'iidaysasho; qof dhiigmiirasho.
dulnoolaan
ld dulnoolaansho.
dulnoolaansho
/dh ld dulnoolaan.
dulqaad
Dhabta oo loo adkaysto; sabir.
dulqaadasho
ld dulqaadad.
dulqaado
U d.: sabir yeelasho.
dulqami
Ka d.: cid in ay hadal badan oo aan laga fiirsan tiraahdo ku khasbid.
dulsaar
1. Faa'iido laga helo lacag bangi la dhigtay. 2. Lacag dheeraad ah oo laga qaato lacag cid la amahiyey. 3. D. ah: qof ka shaqeeya hay'adda uu ka tirsanyahay mid aan ahayn. 4. D. ah: cid ciddii mas'uuliyaddu ka saarrayd aan ahayn la nool. 5. ld dulsaarid.
dulsaaran
Ood weyn oo godaha laga keymamiyo ahaansho.
dulsaarid
ld dulsaar¹ (5).
dulsaarnaan
ld dulsarnaansho.
dulsaarnaansho
/dh ld dulsaarnaan.
dulsaaro
Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhisasho.
dulsabbee
Heehaabid.
duluc
1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
dulucsan
Googarad wax duluc la geliyay ahaansho.
dulucsanaan
ld dulucsanaansho.
dulucsanaansho
/dh ld dulucsanaan.
duluf
/dh Derin, jawaan, raar, iwm oo duugoobay. ld duruf (1).
dulufaaq
Si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho (qof).
dulugle
D. ah: qof cayr ah aan hoy lahayn oo nolol-maalmeedkiisa socod ku raadsada.
duluglee
Qof cayr ah, aan hoy lahayn nolol-maalmeedkiisa socod ku raadin.
dulugleyn
ld dulugleys. dulugleys m.l ld dulugleyn.
dululub
Meel hoobad ah oo biyuhu ayan ku hakan karin.
dulundulcee
Biyo, mas iwm si dulundulco ah u socosho.
dulundulceyn
ld dulundulceys.
dulundulceysii
Si dulundulco ah u wadid.
dulundulco
Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iwm leeyihiin.
dulxawaaree
Wax dulmarid; wax korduulid.
dulxun
Wax aan sabir lahayn ahaansho.
dulyar
Wax aan dulqaad lahayn ahaansho.
dulyaraan
ld dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
dulyaraansho
/dh ld dulyaraan.
dulyeelasho
ld dulyeelad.
dulyeelo
Sabir iyo dulqaad ku sifoobid (qof).
dum(ø)id
ųn². ld dumis² (*).
dumaa
Caws gaboobay.
dumaal
Naag nin qaraabo ahi ka dhintay guursasho.
dumaalid
ld dumaalis.
dumaashi
Nin naagta uu qabo walaasheed wax uu u yahay.
duman
Isu d.: wax isu ururay noqosho (dad ama xoolo).
dumar
Dadka intiisa dheddig.
dumarnimo
Dumar ahaansho.
dumayn
ld dumays.
dumbul
Baali; areebo.
dumee
Maro dun ku dul tolid si loogu qurxiyo.
dumi
1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.
dumid
ld dumis².
dųmid
ųn². ld dųmis.
dumin
ld dumis¹.
dųmis
ųmid.
dummad
1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.
dumnaan
ld dumnaansho.
dumnaansho
/dh ld dumnaan.
dun
Liilimo laga soohay cudbi, dhogor, xariir iwm oo laga sameeyo dharka, meeshii ka dillaacdana lagaga tolo.
dųn
D. ah: caws qallalan oo weli daaq ku habboon.
duni
Koon; adduun.
dunida-saddexaad
Waaddamada Aasiya, Afrika, iyo Laatiin Ameerika ayaa laysku yiraahdaa waddamada d. s., waa waddamo aalaaba sabool ah.
dunji
Halka wax ka soo farcamaan.

