Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 48 of 58.
dįirmid
įiran¹.
dįirnaan
įiran². ld dįirnaansho.
dįirnaansho
/dh ld dįirnaan.
diirnax
U d.: dareen raxmad leh cid u hayn.
dįiro
Wax qobka ka fuqsasho, Tus.” mooskii baan diirtay”.
diirran
Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tus. “Caano diirran baan cabbey”.
diirranaan
ld diirra-aansho.
diirranaansho
/dh ld diirranaan.
diirrimaad
1. ld diirsimaad. Kulayl aan aad u badnayn. 2. ld diirin.
diirsasho
ld diirsad, diirsi.
diirsimaad
(1).
diirso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iwm in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
diis
Wax buusid (weel iwm).
diisan
Wax hoos u godan ahaansho.
diisnaan
ld diisnaansho.
diisnaansho
/dh ld diisnaan.
diiwaan
1. Buug lagu aruuriyo maanso qof leeyahay. 2. Buug lagu qoro waxyaabo la rabo in la xasuusto.
diiwaanee
Diiwaan gelin, ku qorid.
diiwaangeli
Wax diiwaan ku qorid.
diiwaanhaye
Qof wax diiwaaniya.
diiwaanhayn
Meel wax lagu diiwaaniyo; arkiifiyo. ld diiwaaniye.
diiwaani
Wax diiwaan gelin.
dikaamid
ld diikaan¹ (2).
dikaan
dareemid (nafley).
diktatoor
Keligi-taliye.
diktatooriya
xukun qof kali ahi ku ammarkutaagleeyo. ld diktatooriyad.
diktatoornimo
diktatoor ahaansho.
dil
1. Qurgoynta nafley qurta laga gooyo. 2. Garaacid nafley la garaaco.
dilaa
1. Qof ama bahal aad wax u laaya. 2. Cudur nafleyda safmar u dila. ld dile.
dilalyo
Daal.
dilan
1. Iska dhimasho; iyadoo aan la dilin, iska geryoomid. 2. Ilmo dhawr bilood ah uur ku qoonmid.
dildil
Summad geela lagu dhigo oo ah alif jiif ahaan caloosha loogu jiido.
dildillaac
Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm.
dildillaaca-waaberi
Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.
dildillaaci
Wax dildillaac u yeelid.
dildillaacsan
Wax dildillaacay ahaansho.
dildillaacsanaan
ld dildillaacsanaansho.
dildillaacsanaansho
/dh ld dildillaac-sanaan.
dile
Kan wax dilay, ama wax dilid badan. ld dilaa.
dili
Jaad geedaha ka mid ah oo jiinka webiyada ka baxa.
dilid
ld dilniin.
dilindillayn
ld dilindillo.
dilindillee
Wax duuban ama kankoonsan sida birmiil iwm garaangarin.
dilindillo
Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. ld dilindillayn.
dilindilqo
Geed geedquwaaxyada ka mid ah oo dhulka caddun kaah ka baxa oo kor u bixin ee dhulka ku dhabbacan. ld dililiqo.
diliq
Hanjaleelo.
dillaac
1. Wax jeexmid, qarxid. 2. Ciid, dagaal, iwm bilaabasho. 3. Wax beryid.
dillaaci
Wax dillaac u yeelid.
dillaacsan
Wax dillaac leh ahaansho.
dillaacsanaan
ld dillaacsanaansho.
dillaacsanaansho
/dh ld dillaacsanaan.
dillaacsasho
ld diillaacsad, diilaacsi.
dillaacso
Wax qayb ka jeexasho.
dillaal
ąllaal².
dillaalnimo
ąllaalnimo.
dillaamid
ld dillaan¹ (2), dullaamid, dullaan¹.
dillaamo
dullaamo.
dillaan
1. Wax culus dhinac u dhicid. 2. Wax badan hal mar u wada leexasho. ld dullaan².
dilmid
ld dilan¹ (3).
dilnaan
ld dilnaansho.
dilnaansho
/dh ld dilnaan.
dimcad
(bot.) Quraca dhallinta yar oo ulo jilicsan oo xoog badan iyo mayrax aad u cad oo wanaagsan laga helo. ld dincad.
dimmi
Dad masiixi ama yuhuud ah oo dalal muslin ah si nabadeed ugu noolaada.
dimoqaraadi
Qof ama dad dimoqaraaddiyad aaminsan ama ku dhaqma. ld dimuqaraaddi.
dimoqraadinnimo
Dimoqraaddi ahaansho (qof). ld dimuqraadinnimo.
dimoqraadiyad
Nidaam dawli ah oo taliskiisa si madax bannaani ah dadweynuhu u soo doortaan. ld dimuqraadiyad.
dimoqraadiyayn
ld dimoqraadiyayn.
dimoqraadiyee
Nidaam dimoqraaddi ka dhigid. ld dimuqraadiyee.
dinaas
Daran cusbo badan oo geelu aad u jecelyahay.

