0

dibaakh

f mg1 (-khay, -khday)

Eeg: dabaakh²

0

dibaakhid

m dh

Eeg: dabaakhid

0

dibaaq

m l

Eeg: dubaaq

0

dibaax

m l

Eeg: daabax

0

dibaaxasho

m f dh

ld dubaaxasho.

0

dibaaxi

f g2 (-iyay, -isay)

Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. ld dubaaxi.

0

dibaaxin

m f dh

Eeg: dubaaxin

0

dibaaxis

m dh (c.nafl.)

Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. ld dubaaxis².

0

dibaaxo

f mg3 (-xay, -xday)

Meel jirka ka mid ah gariirid. ld dubaaxo.

0

dibad

m dh

1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. ld dibed.

0

dibadbax

m l (-byo, m.dh)

Bambax.

0

dibadbixid

m f dh

Eeg: dibadbax²

0

dibadjiif

m l

Eeg: boorjiif

0

dibadjoog

m dh u

1. Ugaar. 2. Goonidaaq. Tus. “Ratigii dibadjoog buu noqday”.

0

dibadyaal

m l

1. D. ah: xidid buruq iwm oo aan ciidi ku qarsoonayn. 2. D. ah: wax la xooray oo aan qiimo lahayn.

0

dibadyaaloobid

m f dh

Eeg: dibadyaalow

0

dibadyaalow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax la xooray oo aan qiimo lahayn noqosho.

0

dibbaaqo

f g3 (-qday, -qatay)

Dhar iwm midab u yeelasho.

0

dibbad

m l

1. Maqanaanta labada habeen ee dayaxeed ugu dambeysa ee aanu dayaxu soo bixin. 2. Rugta dayuxu fariisto labada habeen ee ugu dambeeya bil-dayaxeed. 3. ld dibbasho. ld dubbad¹.

0

dibbasho

m f dh

ld dibbad, dubbad¹, dubbasho.

0

dibbir

m l

1. Dibbiro calool. 2. Qof maal qabeen ah.

0

dibbiraysan

f mg1 (-snaa, -snayd)

Eeg: dibbirsan

0

dibbiraysnaan

m dh

Eeg: dibbirsanaan

0

dibbiraysnaansho

m l

/dh ld dibbiraysnaan.

0

dibbiri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax dibbirsan ka dhigid. 2. Is d.: si islaweyni leh u muuqasho.

0

dibbirid

m f dh

Eeg: dibbir²

0

dibbirin

m f dh

Eeg: dibbiri

0

dibbirnimo

m dh

Dibbir ahaansho.

0

dibbiro

m dh

Caloosha oo fuurta dabayl gudaheeda ka samaysanta awgeed. ld dibbiryo, dubburyo.

0

dibbirsamid

m f dh

Eeg: dibbirsan¹

0

dibbirsan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax dibbiray noqosho.

0

dibbirsanaan

m f dh

ld dibbiraysnaan, dibbiraysnaansho, dib-birsanaansho,

0

dibbirsanaansho

m l

/dh ld dibbirsanaan.

0

dibbiryaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: dibbirsan

0

dibbiryaysnaan

m dh

Eeg: dibbirsanaan

0

dibbiryaysnaansho

m l

/dh ld dibbirsanaan.

0

dibbiryo

m dh

Eeg: dibbiro

0

dibbiryoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Wax dibbiro hayso noqosho (qof). ld dubburyoo.

0

dibbiryood

m f l

egg dibbiryoo. ld dubburyood.

0

dibbo

f mg3 (-baday, -batay)

1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. ld dubbo.

0

dibbood

m l

Baadi cidla bariday.

0

dibboodi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dibbood ka dhigid.

0

dibboodid

m f dh

Eeg: dibbood²

0

dibboodin

m f dh

Eeg: dibboodi

0

dibdhac

m l

Daahidda laga daaho ballan iwm. ld dibdhicid.

0

dibdhicid

m dh

1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). ld dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.

0

dibed

m dh

Eeg: dibad

0

dibi

m l (dibi/-iyo, m.dh)

Labka lo'da.

0

dibijaano

m dh (-ooyin, m.l)

Dhalo weyn oo sal ballaaran iyo af dhuuban leh oo biyaha, qamriga iwm lagu shubto.

0

dibin

m dh (-bno, m.l)

Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.

0

dibin-siilka

m dh (-bno ..., m.l)

(c.nafl.) Xubinta galmada ee dumarka qaybteeda dibadeysa. Laba joog oo faruuryo ah oo kala ah dibnaha waaweyn iyo dibnaha yaryar waxay daboolaan daloolka siilka, daloolka kaadimareenka kintirkana horay bay u leexiyan.

0

dibindaabyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Wax dibindaabyo u geysasho.

0

dibindaabyeyn

m f dh

Eeg: dibindaabyee

0

dibindaabyo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Waxyeello. 2. Khayaano.

0

dibir

m l

Dhul ciid adag, dhano ah oo aan 11 geedo badan lahayn; dhooddi.

0

dįbir

m dh (-bro, m.l)

Legdin dhulka si xoog leh laysugu dhufto. ld dibirrooti¹.

0

dibirrooti

m l

įbir.

0

dibirrootiyid

m f dh

Eeg: dibirrooti²

0

dibiyee

f g2 (-yeeyay, -yeysay)

Awr si dibiyo ah u rarid.

0

dibiyeyn

m f dh

Eeg: dibiyee

0

dibiyeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax si dibaya ah u raran ahaansho (rati).

0

dibiyeysnaan

m f dh

ld dibiyeysnaansho.

0

dibiyeysnaansho

m l

/dh ld dibiyeysnaan.

0

dibiyo

m dh kh

D. ah: rar aan kabaallo lahayn oo awr saaran.

0

dibjir

m l (-rro, m.dh)

1. Qof sabool ah oo aan hoy uu u hoydo lahayn. 2. Kuray geela ilaaliya.

0

dibjirid

m f dh

Eeg: dibjir²

0

dibjirnimo

m dh

Dibjir ahaansho.

0

dibjiryo

m dh

Qatooyada habeen dhan la qado.

0

dibkabe

m l (-bayaal, m.dh)

(nax.) Lifaaq kagu dhejiyo sal magac ama fal dhammaadkiisa, yacnii dhiniciisa midig. Tus. “Dukaanle baa illinka furay”.

0

dibkannaax

m l

Eeg: dabakannaax

0

dibkannaaxid

m dh

Eeg: dabakannaaxid

0

dibla'aan

m dh

1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.

0

diblad

m dh

Eeg: dublo

0

diblo

m dh

Eeg: dublo

0

diblomaasi

m l (-iyiin, m.dh)

Hawlwadeen siyaasi ah oo ugu qaybsan dalkiisa xiriir dalal shisheeye.

0

diblomaasiyad

m dh (siyaa.)

Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.

0

dibqallooc

m l (-cyo, m.dh)

Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.

0

dibri

f g2 (-iyay, -isay)

Cid dibir ku dhufasho.

0

dibrin

m f dh

Eeg: dibri

0

dibtaag

m dh

Eeg: dabataag

0

dibudday

m l

/dh 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.

0

dibudhac

m l

Eeg: dibdhicid

0

dibudhicid

m dh

Eeg: dibdhicid

0

dibudhicis

m dh

Eeg: dibudhicid

0

dibudhig

m l

Hakinta lagu sameeyo wax waqti go'an oo la qabto lahaa. ld dibudhigid.

0

dibudhigid

m dh

Eeg: dibudhig

0

dibudhisid

m dh

Wax (guri iwm) la dhisay oo la burburiyay dhisidda.

0

dibuggurad

m l

Eeg: dibuggurasho

0

dibuggurasho

m dh

1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. ld dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.

0

dibuggurayn

m dh

Eeg: dibugguryeyn

0

dibugguree

f mg2 (-reeyay, -reysay)

Eeg: dibugguryee

0

dibugguro

m dh

Eeg: dibuggurasho

0

dibugguryee

f mg2 (-yeeyay, -yeysay)

Dibuggurasho sameyn. ld dibugguree.

0

dibugguryeyn

m f dh

ld dibuggurayn.

0

dibugguryo

m dh

Eeg: dibuggurasho

0

dibuhabayn

m dh

1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iwm. 2. Dayactir.

0

dibuhabayn-hiddoside

m l (-dyaal, m.l/dh)

D.ta h.yaal isku xidhan si uu u dhaco isutallow.

0

dibunoqosho

m dh

Dibuggurasho.

0

dibuquudsi

m l

Isticmalka iyo ka faa'iideysiga qayb ka mid ah maxsuulka qalab amar-dooriye ah si caynaanka loogu hayo kartida waxqabadkiisa. Waxa ay saamaysaa jabaq-kordhiyeyaalka.

0

dibusocod

m l (-dyo, m.dh)

Qof ka soo horjeeda isbeddelka iyo ilbaxnimada.