0

dibusocodnimo

m dh

Dibusocod ahaansho (qof).

0

dibusoonoolaansho

m dh

1. (dii.) Hab nafta dib loogu soo celiyo jirka (fikrad diineed). 2. (dii.) Natiijo nafley. 3. (dii.) Habka ruuxa iyo qofka ay isuraacaan. ld dibusoonoolayn.

0

dibusoonoolayn

m dh

Eeg: dibusoonoolaansho

0

dibutaati

m l (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l/dh)

Xildhibaan.

0

dibuxorayn

m dh

Madaxbannayn.

0

dicaayad

m dh

1. War aan sal iyo baar lahayn oo cid laga fidiyo iyadoo lagu caayayo. 2. War aad u badan oo cid wax gaar ahaaneed looga dhaadhicinayo. ld dacaayad, dacaayo, dicaayo.

0

dicaayadee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Cid dicaayad ka sheegid. ld dacaayadee.

0

dicaayadeyn

m f dh

ld dacaayadeyn.

0

dicaayo

m dh

Eeg: dicayaad

0

dicin

m l

Eeg: cicin

0

did

f mg1 (-day, -dday)

Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dųd².

0

diddimi

f g2 (-iyay, -isay)

Hoore yar, si aayar ah u shubid. ld dindimi.

0

diddimid

m f dh

ld dindimid, dundumid.

0

diddimin

m f dh

ld diddimis, dindimin, dindimis.

0

diddimis

m l

Eeg: diddimin

0

diddin

m l

In yar oo hoore ah. ld dindin¹.

0

diddinsad

m l

Eeg: diddinsasho

0

diddinsasho

m f dh

ld diddinsad, diddinsi, dindinsad, dindinsasho.

0

diddinsi

m l

Eeg: diddinsasho

0

diddinso

f g3 (-saday, -satay)

Hoore yar meel ka shubasho. ld dindinso.

0

didi

f g2 (-iyay, -isay)

Didmo geyeysiin (xoolo, ugaar iwm.). ld dudi.

0

didib

m l

/dh 1. Dhul dibir ah. 2. Ciid budo cad ah ama dhagax xaraarta ka samaysmay.

0

didid

m f dh

ld dųdid.

0

didin

m f dh

ld dudin.

0

didmo

m dh

Yaacidda xoolo, ugaar iwm. baqdin awgeed la yaacaan. ld dųdmo.

0

didsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iwm). ld dųdsan.

0

didsanaan

m f dh

ld didsanaansho, dųdsanaan, dųdsanaansho.

0

didsanaansho

m l

/dh ld didsanaan.

0

didsasho

m f dh

ld dudsasho.

0

didso

f g3 (-saday, -satay)

Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. ld dudso.

0

difaac

m l

Eeg: daaficid

0

difaacid

m dh

Eeg: daaficid

0

difji

f g2 (-iyay, -isay)

Dareere wax yar ka dhibcin.

0

difjin

m f dh

ld difqin.

0

difqi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: difji

0

difqin

m dh

Eeg: difjin

0

dig

m dh

1. Rubad. 2. Naf. 3. Garaaca wadnaha ee halbowlayaasha laga garto. 4. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaq.

0

digaag

m l u

Shimbir aan duulin, la dhaqdo oo hilibkeeda iyo ukunteedaba la cuno; dooro; luki. ld diyaad, diyaaj.

0

digad

m l

digaggub¹ m.l Baabbi'inta wax la baabbi'iyo. ld digaggubid.

0

digaggub

f g1 (-bay, -btay)

Wax ciribtirid.

0

digaggubid

m f dh

ld digaggub¹.

0

digarrogad

m l

Eeg: digarrogasho

0

digarrogasho

m f dh

ld digarrogad.

0

digarrogo

f mg3 (-gtay, -gatay)

Xero dhiriqowday ama si kale u xumaatay, xero kale oo u dhow uga guurid; oodrogasho.

0

digasho

m f dh

ld digad.

0

digaxaar

m l (-rro, m.dh)

Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.

0

digdhaw

m l

1. ld dhigdhebid. Gawricidda nafley la gawraco. 2. D. ah: nafley sakaraad ah.

0

digdhebid

m f dh

ld digdhaw¹.

0

digdig

m dh

Dafdaf iyo faan been ah.

0

digdigle

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof faan iyo dafdaf badan.

0

digdigo

m dh

Meel yar, bannaan, simman, oo ciiddeeda aad loo nabay.

0

digid

m f dh

ld digniin. digniinsho.

0

digiigaxasho

m f dh

ld dagiigaxasho.

0

digiigix

m l

1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. ld dagiigix.

0

digiigixo

f mg3 (-gixday, -gaxatay; -gaxan)

1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. ld dagiigoxo.

0

digiiran

m l u

Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. ld digirin.

0

digir

m dh

1. Dabar. 2. Midab madow oo ilkuhu yeeshaan.

0

digirin

m dh

Eeg: digiiran

0

digirro

m dh (-ooyin, m.l)

Qayb ka mid ah qalabka beeraha lagu falo oo dibidu jiidaan.

0

diglayn

m f dh

Eeg: diglee

0

digle

m l

Salamaki.

0

diglee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

1. Dig sameyn (wadne). 2. Nabar iwm dikaamid.

0

diglow

m l

Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.

0

digniin

m dh

1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.

0

digniin-kamadambeys-ah

m dh (siyaa.)

Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.

0

digniinsho

m l

Eeg: digid

0

digo

m dh

1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.

0

digoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Digo dhigid (xoolo, ugaar iwm).

0

digood

m f l

Eeg: digoo

0

digri

m l (dii.)

Qasaa'id diini ah oo ay qaadaan wadaaddada dariiqooyinka; xadro. ld digriyid.

0

digrii

m l

Darajo.

0

digriyid

m f dh

ld digri¹, dikri¹, dikriyid.

0

digsi

m l (-iyo, m.l)

Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.

0

digtoon

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).

0

digtoonaan

m f dh

ld dig-toonaansho.

0

digtoonaansho

m l

/dh eeg digtoonow. ld digtoonaan.

0

digtoonow

f mg3 (-naaday, -naatay)

1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.

0

dihasho

m f dh

ld dahasho, dohasho.

0

dihin

f mg4 (-hnaa, -hnayd)

1. Wax aan weli la lisin ahaansho (xoolo). 2. Wax aan weli sidii la rabay looga faa'iidaysan ahaansho (dhul). ld dahan.

0

dihnaan

m f dh

ld dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.

0

dihnaansho

m l

/dh ld dihnaan.

0

diho

f mg3 (-hday, -hatay)

Ilmo dhashay kalgacal u muujin. ld daho, doho.

0

diib

m l

Ur udgoon.

0

diibaaji

m l

Lacag yar oo horumarin ahaan qof wax uu iibsaday ka dhiibo. ld deebaaji, dibaaji.

0

diibsad

m l

Eeg: diibsasho

0

diibsasho

m f dh

ld diibsad, diibsi.

0

diibsi

m l

Eeg: diibsasho

0

diibso

f mg3 (-saday, -satay)

Diib marsasho (qof).

0

diid

m l

Wareer lala dhaco tamardarro awgeed.

0

dįid

f g1 (-day, -dday)

Codsi, amar, siismo, iwm ku gacan sayrid.

0

dįiddan

f mg4 (-naa, -nayd)

Codsi, amar, siismo iwm wax ku gacan sayray ahaansho.

0

dįiddanaan

m f dh

įiddan. ld dįiddanaansho.

0

dįiddanaansho

m l

/dh ld dįiddanaan.

0

dįiddo

m dh

Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iwm.

0

dįiddooy

m dh kh

Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).

0

dįiddow

m l kh

D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').

0

diidid

m dh (daaw.)

Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.

0

dįidid

m f dh

įid. ld dįidis, dįidmo.

0

dįidis

m dh

įidid.

0

dįidmo

m dh

įidid.