k
Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.
ka
Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan².
ka-faa'iideyste
(daaw.) Jeermiyo ka-faa'iideysta xaalad bukaan oo difaaca jirku dhimmanyahay. Difaac la'aanta oo ay keeni karto: infekshin cudurro kale ama dawo jeermiyada ka-faa'iideystayaasha sida badan jirro uma keeni karaan qof caafimaad qaba.
ka-goys
Ka-g. ah: weyl, nirig iwm oo naaska hooyadood ka go'ay.
kaa
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
kaab
Wax xoojin.
kaabad
1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo.
kaabi
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
kaabsul
Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. ld kaabsol.
kaabul
Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.
kaad
1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha. 2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku mudan midkood.
kaadar
Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. ld kaadir.
kaaddhal
Marcurad.
kaaddhalnimo
Kaaddhal ahaansho.
kaadi
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.
kąadi
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.
kaadi-dhiigow
Kaadida oo dhiig soo raaco.
kaadi-ku-ceshoomid
Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.
kaadi-taran
Organ wada qaba habdhisyada taranka iyo kaadi mareenka.
kaadi-yaro
Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.
kaadibadshe
(daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.
kaadicaso
1. Cudur lo'da ku dhaca oo shilintu keento midabka kaadiduna guduud ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca oo kaadida caseeya.
kaadidhiig
Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaadigubasho
Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
kaadihays
Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.
kaadimacaan
Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
kaadimareen
Dhuunta kaadidu marto.
kąadin
ąadi.
kaadiqabad
Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo kaadida ku xira. ld kaadi-qabsasho.
kaadiraac
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.
kaadiraaci
Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.
kaadiraacin
ld kaadiraacis.
kaadish
Kaadiyid.
kaadishiil
Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
kaadishir
1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. ld kaadishirid.
kaadishirid
ld kaadishir¹ (2).
kaadiyid
ld kaadin.
kaadsanla'
Sugid la'aan, ku degdegid (wax).
kaadsanla'aan
'. ld kaadsanla'aansho.
kaadsanla'aansho
/dh ld kaadsanla'aan.
kaadsasho
ld kaadsad, kaadsi.
kaadshii
Qof kaadi geyn.
kaadsiinyo
Ku degdegid la'aan.
kaadso
U k.: wax dib u dhigasho.
kaaf
Xarafka ka'. ld k (ka').
kaafi
K. ah: wax deeq kugu kaafiya.
kaafir
) (dii.) Qof aan muslin ahayn. ld kufri¹.
kaafirad
(dii.) Haweenay aan diinta Islaamka rumeysnayn.
kaaftoon
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4. kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaafuur
1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran- yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
kaaga
Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³.
Kaaga
Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”.
kaah
Iftiin yar oo wixii sababay sida dab, qorrax iwm ayan muuqan.
kaah-qorraxeed
Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
kaaha-altaratyolet
(fiis.) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
kaahfalid
Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
kaahi
Kaah wax ka keenid.
kaahin
Qof waxa soo socda ka warrama.
kaahin-birlabdanabeed
Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
kaahin-dulmadow
Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
kaakac
Tiro aan xad lahayn.
kaaki
1. Midab u dhow casuuraa. 2. Dhar adag oo badanaa askartu xirato.
kaal
Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.
kaalandar
(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
kaalay
Agtayda imow.
kaalbaa
Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.
kaalid
ld kaalin² (2).
kaalin
1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaaliyam
Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar- karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed: 39.09.
kaaliye
Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
kaalmaysasho
ld kaalmaysi.
kaalmayso
Wax kaalmo ka dhigasho.
kaalmee
Cid caawinid.
kaalmo
/dh Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.
kaalo
Nin guursaday xoolaha la siiyo.
kaalori
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori = 4.1868 juul.
kaalsiyam
Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4,faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
kaambe
Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.

