0

kactimi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: kacdimi

0

kactimin

m dh

Eeg: kacdimin

0

kactin

m l

Eeg: kacdimid

0

kadaalli

m l

Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasillooni la'aan awgeed.

0

kadaalliyid

m f dh

Eeg: kadaalli²

0

kadab

m l

Calaf Eebbe kuu qoray; risiq.

0

kadabshiir

m l

Naasleyda nooc ka mid ah oo dabaggaallaha u eg kase madow, koox-kooxna u socda oo dudumooyinka gala. ld kadafjiir, kadafshiir.

0

kadaf

m l

Bahal dhirxagata ka mid ah oo dabaggaallaha u eg.

0

kadafjiir

m l

Eeg: kadabshiir

0

kadafshiir

m l

Eeg: kadabshiir

0

kadalan

m l

Jirriqaa; warriiq.

0

kadalloob

m l

1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo. 2. ld kadalloobid.

0

kadalloobi

f g2 (-iyay, -isay)

Kadalloob u fariisin.

0

kadalloobid

m f dh

ld kadalloob¹ (2).

0

kadalloobin

m f dh

kaduudnaansho

0

kadalloobsad

m l

Eeg: kadalloobsasho

0

kadalloobsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Cid kadalloobay ahaansho. 2. Cid degdegsan meel u socota ahaansho.

0

kadalloobsanaan

m f dh

ld kadalloobsanaansho.

0

kadalloobsanaansho

m l

/dh ld kadalloob- sanaan.

0

kadalloobsasho

m f dh

ld kadalloobsad, kadalloobsi.

0

kadalloobsi

m l

Eeg: kadalloobsasho

0

kadalloobso

f mg3 (-saday, -satay)

Si kadalloob ah u fadhiisasho.

0

kadankood

m l

Si kadalloob ah oo loo fadhiisto. ld kadankoodid.

0

kadankoodid

m f dh

ld kadankood¹.

0

kadankoodsad

m l

Eeg: kadankoodsasho

0

kadankoodsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax meel kadankooday ahaansho.

0

kadankoodsanaan

m f dh

ld kadankoodsanaansho.

0

kadankoodsanaansho

m l

/dh ld kadan-koodsanaan.

0

kadankoodsasho

m f dh

ld kadankoodsad, kadankoodsi.

0

kadankoodsi

m l

Eeg: kadankoodsasho

0

kadankoodso

f mg3 (-saday, -satay)

Kadan-kood u fariisasho.

0

kadbasho

m f dh

Eeg: kadbo

0

kadbo

f g3 (-baday, -batay)

Calaf Ilaah siiyay cunid (qof).

0

kaddaan

m dh

Takar.

0

kaddib

¹ fk. Dib, dabadeed.

0

kaddibaad

m dh

Qarxi waayidda xabbad qori laga riday ay qarxi weydo

0

kaddibid

m f dh

Eeg: kaddib³

0

kaddibiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Buntuq aan xabbadaha qarxin cillad awgeed.

0

kaddiifad

m dh (-do, m.l)

Gogol dun adag, cudbi iwm ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. ld gaddiifad, kaddiifo, katiifad, qaddiifad.

0

kaddiifo

m dh

Eeg: kaddiifad

0

kadeed

m l

Dhibaato; jirrab.

0

kadeedan

f mg1 (-dmay, -dantay; -dmi)

Wax la kadeeday noqosho.

0

kadeedid

m f dh

Eeg: kadeed²

0

kadeedmid

m f dh

Eeg: kadeedan¹

0

kadeednaan

m f dh

ld kadeednaansho.

0

kadeednaansho

m l

/dh ld kadeednaan.

0

kadhoorad

m dh

Eeg: kalloorad

0

kadi

f mg2 (-iyay, -isay)

Si kedo ah u dhicid. ld kedi².

0

kadiido

m dh

Eeg: kadiidyo

0

kadiidoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

yoo.

0

kadiidood

m l

Eeg: kadiidyood

0

kadiidyo

m dh

Qandho lala jareeyo. ld kadiido.

0

kadiidyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Kadiidyo dareemid. ld kadiidoo.

0

kadiidyood

m f l

ld kadiidoo.

0

kadin

m l (-immo, m.dh)

1. Xero ama guri meesha furan ee laga galo; irrid, illin, albaab. kara 2. Boqol neef oo geel ah. 3. Geel gaar u foofi oo cid anfici kara.

0

kadiso

m dh (-ooyin, m.l)

Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. ld kediso.

0

kadlayn

m f dh

ld kadlays.

0

kadlays

m l

Eeg: kadlayn

0

kadlaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Si kadle ah u orodsiin (faras, dameer iwm).

0

kadlaysiin

m f dh

Eeg: kadlaysii

0

kadle

m l

Orod aayar ah oo afar addin lagu ordo.

0

kadlee

f mg2 (-leeyay, -laysay)

Si kadle ah u ordid.

0

kaduud

m l

1. Laalaabka saanta wejiga. 2. ld kaduudid.

0

kaduudan

f mg1 (-dmay, -dantay)

Wax la kaduuday noqosho.

0

kaduudi

f g2 (-iyay, -isay)

Saanta wejiga laalaab u yeelid. ld kuduudi.

0

kaduudid

m f dh

ld kaduud¹ (2), kuduud¹, kuduudid.

0

kaduudin

m f dh

ld kuduudin.

0

kaduudmid

m f dh

Eeg: kaduudan¹

0

kaduudnaan

m f dh

ld kaduudnaansho, kuduudnaan, kuduud- naansho.

0

kaduudnaansho

m l

/dh ld kaduudnaan. 491ka-faa'iideyste

0

kafaalad

m dh

Dammaanad.

0

kafaalaqaad

m l

Ballan.

0

kafaalaqaadid

m f dh

Eeg: kafaalaqaad²

0

kafaalasho

m f dh

Eeg: kafaalo²

0

kafaalo

m l

1. Daryeel. 2. Cid masuuliyad- deeda oo la qaado.

0

kafaaraggud

m l

1. (dii.) Bixinta la bixiyo kafaaro la galay. 2. (dii.) Wax kafaaro laga dhigi karo ama geli kara ama guda.

0

kafaaraggudasho

m f dh

Eeg: kafaaraggudo

0

kafaaraggudo

f mg3 (-utay, -udatay)

Kafaaro iska bixin.

0

kafaaro

m dh (dii.)

Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iwm oo gef ama dembi la falay daboola.

0

kafad

m dh (-do, m.l)

1. Saxanka miisaanka. 2. Qoriga doonta lagu wado afka hore ee ballaaran. 3. Dembiisha weyn ee fooxa. ld kefed.

0

kafaf

f mg1 (-faf, -ftay)

Wax qoyan in yar engegid.

0

kafafi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax in yar qallajin.

0

kafafid

m f dh

Eeg: kafaf

0

kafafin

m f dh

ld kafafis.

0

kafafis

m l

Eeg: kafafin

0

kafan

m dh (-fno, m.l)

Marada cad oo meydka la aasayo lagu duubo. ld karfan¹.

0

kafee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Wax deeqid, ama ka fillaansho.

0

kafeyn

m f dh

Eeg: kafee

0

kafnid

m f dh

ld karfanid.

0

kaftamid

m f dh

ld kaftan¹ (2).

0

kaftan

m l

1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. ld kaftamid.

0

kaftandhable

m l

Hadal dhab ah oo si kaftan ah loo gudbiyo.

0

kaftanlow

m l kh

Qof kaftan badan.

0

kafuufo

m dh

1. Dhibaato ka dhalata cunto la iska badiyey. 2. Gaajo; faqri.

0

kahad

m l

Eeg: kahasho

0

kahasho

m f dh

ld kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.

0

kaho

f g3 (-haday, -hatay)

Wax karaah-sasho. ld kahso.

0

kahortag

m l (daaw.)

Hab walba oo looga hortago cudurrada, sida: tallaalka gawraca- tada iyo kixda, ama falooreynta oo looga hortago suuska ilkaha caruurta.

0

kahortagga-cudurrada

m l (daaw.)

Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iwm. kaneecada Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida gudbisa deriskunoolka duumaada.

0

kahsad

m l

Eeg: kahasho