0

kamiinjebin

m f dh

ld kamiinjebis.

0

kamiinjebis

m l

Eeg: kamiinjebin

0

kamiino

f g3 (-ntay, -natay)

Neef aad u ooman biya cabid.

0

kamma'

m l fk

Wax aan kas ama ula kac loo falin. ld kama'¹.

0

kamma'id

m f dh

'². ld kama'id.

0

kammil

f g1 (-ilay, -ishay)

Eeg: kaamil²

0

kammilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

milan².

0

kammilid

m dh

Eeg: kaamild

0

kammilmid

m dh

Eeg: kaamilmid

0

kammilnaan

m dh

Eeg: kaamilnaan

0

kammilnaansho

m l

/dh ld kaamilnaan.

0

kammudbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Ka k.: waran iwm wax ka dusin.

0

kammudbixin

m f dh

ld kammudbixis.

0

kammudbixis

m l

Eeg: kammudbixin

0

kamuun

m dh

Nagaar laamo badan, ubaxiisuna guduud iyo caddaan yahay. Wuxuu leeyahay miro dhuudhuuban oo leh iniinyo udgoon oo cunnadana lagu darsado dawana laga dhigto.

0

kan

m l (kaman, m.l)

Baruur fuusha kelyaha korkooda.

0

kanaaf

m l kh (-fyo, m.dh)

K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.

0

kanaal

m l (-llo, m.dh)

Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.

0

kandeela

m dh (-ooyin, m.l)

(fiis.) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).

0

kaneeco

m dh u (c.nafl.)

Cayayaanka duula nooc ka mid ah oo qaarkeed ay keento cudurro xunxun oo ay duummada ka mid tahay; dhilmaanyo.

0

kanguuro

m dh u (c. nafl.)

Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.

0

kaniisad

m dh (-do, m.l)

Meel dhisan oo ay masiixiyiintu wax ku caabudaan.

0

kanjab

m l

Cudur ku dhaca xoolaha aad u cayila oo burburiya baruurta loo yaqaan kanka.

0

kanjabid

m f dh

Eeg: kanjab²

0

kankamid

m f dh

Eeg: kankan²

0

kankan

m l

Ur xooggan oo meel ka soo baxa.

0

kankoon

m l

Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.

0

kankoonsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax wareegsan ahaansho.

0

kankoonsanaan

m f dh

ld kankoonsanaansho.

0

kankoonsanaansho

m l

/dh ld kankoon-sanaan.

0

kanooni

m l (-iyo, m.dh)

Qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya; mafdac.

0

kansar

m l (-rro, m.dh)

(daaw.) Buro xume oo dhan ha ahaado “karjinome” ama “sarkoome” wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).

0

kansarbeereed

m l (daaw.)

Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.

0

kansarka

m l (daaw.)

Cudur ay sababaan unugyada dhiigga ee cad cad markay aad u bataan. Cudurkani dhiig yari ayuu keena beeryaraduna way ballaadhataan. Noocyada kala duwan ee unugyada dhiigga cadcadi markay bataan, waxay jidhka ku ridaan noocyo kala duwan oo kansarka dhuuxa ah. Cudurkani wuxuu keeni kaara dhimasho.

0

kansarkeene

m l

Onkojiin.

0

kansho

m l

Waqti u cuntama arrin ama hawl la qaban lahaa; fursad.

0

kansi

m l (-iyo, m.dh)

Lacag, dhagax, bir iwm oo qaali ah si gaar ahna loo ilaaliyo. ld kensi.

0

kantiin

m l (-nno, m.dh)

Dukaan yar oo laga qaato raashinka iwm.

0

kar

m l

1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.

0

karaab

m dh u

Qoryo yaryar oo xalxallefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.

0

karaahiyo

m dh kh

K. ah: wax naftu kahato.

0

karaamayn

m f dh

Eeg: karaamee

0

karaamaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax karaamo leh ahaansho.

0

karaamaysnaan

m f dh

ld karaamaysnaansho.

0

karaamaysnaansho

m l

/dh ld karaamays-naan.

0

karaamee

f g2 (-meeyay, -meysay)

1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn.

0

karaamo

m dh

1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.

0

karaan

m l

Awood wax qabad.

0

karaaniyam

m l (c.nafl.)

Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balbal- laadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexee-yaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.

0

karaankur

m dh

1. Badar, budo iyo jariir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid. 3. ld kuraankur.

0

karaar

m l

1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.

0

karaar-cufisjiidad

m l (fiis.)

Summad: g. Karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cufisjiidadka dhulka. Tijabo ahaan, karaarka cufis-jiidadku, ugu dhawaan, waa madoorsoome marka loo eego oogada dhulka, waana ka xor dabeecada iyo samayska walaxda soo dhacaysa (taas oo aan la tixgelin ca-daadiska hawada).Tani waxa ay xaqiijisaa saamigalnimada culeyska walax-da iyo cufka walaxda.

0

karaari

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.

0

karaarid

m f dh

Eeg: karaar³

0

karaarin

m f dh

ld karaaris.

0

karaaris

m l

Eeg: karaarin

0

karaawil

m l

Afarta nooc ee turubku u kala baxo mid ka mid ah.

0

karab

m l

Sallax sisib ah, badda gunteeda ah, ciid lahayn oo baroosinku qabanin.

0

karah

f g1 (-rhay, -rahday; -rhi)

Wax niyadda ka nicid.

0

karahsad

m l

karkabadee

0

karahsasho

m f dh

ld karah-sad, karahsi.

0

karahsi

m l

Eeg: karahsasho

0

karahso

f g3 (-saday, -satay)

Wax niyadda ka nicid.

0

karan

m l

Martisoor weyn; diyaafad.

0

karan4

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax kar leh ahaansho (maro, harag iwm).

0

karantiil

m l

Eeg: karantiin

0

karantiin

m l

1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.

0

karar

m dh

Xoogga roob u da'o una biya dhigo.

0

karasho

m dh

1. Adkaysi, karti. 2. eeg karo.

0

karatey

m l

Hab loo dagaallamo oo aan wax hub ah la isticmaalin, oo lugaha, gacmaha iwm la adeegsado.

0

karawaliin

m l

Dareere kiimika ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.

0

karaytar

m l (-rro, m.dh)

(jool.) Dalool wareegsan oo ku yaalla toobinka folkaa-naha dushiisa.

0

karbaash

m l (-shyo, m.dh)

1. Suun dhuuban oo dheer oo dabo la qabto leh, waxna lala dhaco, jeedal. 2. Calallo, jawaano iwm oo la isku tolo oo waxyeellada rarka looga celiyo gaadiidka.

0

karbaashid

m f dh

Eeg: karbaash²

0

karbuuno

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: kaarbuuno

0

kardhasho

m f dh

Eeg: kardho²

0

kardho

m dh

Dhaxan ama xanuun lala gariiro

0

kareeb

m l

Dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. ld kirib.

0

karfan

m dh

Eeg: kafan¹

0

karfanid

m dh

Eeg: kafnid

0

karhasho

m f dh

Eeg: karho

0

karhid

m f dh

Eeg: karah

0

karho

f g3 (-haday, -hatay)

Wax niyadda ka necbeysasho

0

kari

f g2 (-iyay, -isay)

1. Dab iyo biyo wax ku bislayn. 2. Biyaha iwm aad u kululeyn.

0

karid

m f dh

Eeg: kar³

0

kariim

m l

1. (dii.) Macagyada Eebbe mid ka mid ah; Kariin. 2. Qof deeqsi ah.

0

kariin

m l

Eeg: kariim

0

kariinad

m dh (-do, m.l)

Silsilad.

0

karin

m l (-rmo/-imo, n. m.)

1. Raadka, raridda badani u yeesho awrta baarkeeda. 2. Xiriirka buuraha duudkooda sare, meel inta kale ka gaaban. 3. (-rmo/-imo, m.l) Cad wax lagu karo; karmo. 4. Xerada xoolaha oodda lagu oodo barkeeda sare meel ka bannaan.

0

karinbillayn

m f dh

Eeg: karinbillee

0

karinbillaysad

m l

Eeg: karinbillaysasho

0

karinbillaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax si karinbillo ah loo tolay ahaansho (maro).

0

karinbillaysasho

m f dh

ld karinbillaysad, karinbillaysi.

0

karinbillaysi

m l

Eeg: karinbillaysasho

0

karinbillaysnaan

m f dh

ld karinbillaysnaansho.

0

karinbillaysnaansho

m l

/dh ld karinbillays- naan.

0

karinbillayso

f g3 (-stay, -satay)

Maro si karinbillo ah u tolasho.

0

karinbille

m l (-layaal, m.l/dh)

Eeg: karinbillo

0

karinbillee

f g2 (-leeyay, -leysay)

Si karinbillo ah u tolid (maro).

0

karinbillo

m dh

Habka dhar tooxiisu gaabtay loo tolo oo dhar kale loogu kabo. ld karinbille.