Words starting with 'K'
1,917 Somali words beginning with 'K' — page 18 of 20.
kufkuf
Tabar darro awgeed dhicdhicid (nafley)
kufrinnimo
Kufri ahaansho.
kufrisii
Cid kufri ka dhigid.
kufriyid
ld kufrin.
kufsasho
ld kufsad, kufsi.
kufso
Qof dumar ah oo aan meher kuu ahayn iyadoo aan raalli ka ahayn xoogid.
kuftin
Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. ld kufid.
kug
Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
kuhaan
1. Waxyaabo aan weli dhicin waxka-sheegid, ka warramid. 2. Cid gabay iwm ku habaarid.
kuhaanlow
1. Nin ku dheer kuhaanka. 2. Gabyaa habaarkiisu kaco.
kujiye
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareen-wadayaasha, waxaana keena baktiiri-yuumka la yiraahdo “cloridium tetani”. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Toddobamagaarto, teetano.
kul
Diirimaadka fallaaraha qorraxda iyo shidaal gubanaya bixiyaan oo jirka nafleydu kahdo.
kul-dahsoon
Summad L. Xaddiga kulka ee ay qaadato ama ay bixiso walax marka u weji-geddoon ku dhacayo, heerkulkuna yahay joogto. Sida weji- geddoonka adkaha uu noqdo hoor, marka heerkulku yahay barta dhalaashanka, ama weji-geddoonka hoorku uu noqdo neef, marka heerkulku yahay barta karka.
kul-daynaamika
Barashada xeerarka xukuma isu-rogidda qaababka tamarta, jihada uu kulku u gudbo iyo helitaanka tamar lagu qabto hawl.
kul-dhexdhexaadin
(fiis.) Tamarta la sii daayo hal mool oo beys ama asiidh ah la dhexdhexaadiyo.
kul-dhibib
Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
kul-falgal
(fiis.) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka falgal kiimikaadkumuloonimbas oo dhammeystirani ka dhex dhaco xaddiyo moolan oo falgalayaal ah.
kul-gubash
(kiim.) Tamarta la sii daayo marka hal mool oo walax ahi ay si dhammeystiran u ogsidhowdo.
kulaal
Dab ag fariisasho si dhaxanta la isaga bi'iyo.
kulaalaha-koonfureed
Barbar la- ahe lool, qiyaas ahaan 23° k, oo muujinaya dacalka ugu koonfureeya ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurka.
kulaalaha-waqooyi
Barbar la-ahe lool, qiyaas ahaan 23° w, oo tilmaamaya dacalka woqooyi ugu xiga ee qorraxdu toos isu dul taagto duhurkii.
kulaalayaal
/dh (juqr.) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo 521kulaale yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.
kulaale
Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulu- shahay.
kulaanbeey
Ceesaamo yaryar; ugeyb.
kulan
Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. ld kulanti.
kulannada-Kaartis
Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
kulanno-cidhifeed
Bar ku taalla sallax loona muujin karo kulanno ahaan (r, theta)), taas oo theta ay tahay xagasha u dhexeysa dhidibka togan ee x iyo fallaadha ka bilaabanta unugga kuna dhammaata barta, r - na waa dhererka fallaadha.
kulansan
Wax kulmay ahaansho.
kulansanaan
ld kulansanaansho.
kulansanaansho
/dh ld kulansanaan.
kulayl
Holan, humri iwm ee ka yimaada qorraxda, dabka iwm.
kulayle
1. Xilli kulul. 2. Meel kulul. 3. Dhul aad u dhir badan oo aan marino lahayn oo manena ah.
kulayli
Wax kulayl ka dhigid. ld kululee.
kulaylin
ld kululayn.
kulbeeg
522
kulbeege
(fiis.) Qalab loo isticmaalo cabbiraadda heerkulka walax. ld kulbeeg.
kulbixiye
(fiis.) Falgalka kiimikaad ee sii daaya kulka (taas macnaheedu waa kulku wuxuu ka baxaa habka ama heerkulka ayaa kordha). Gubashadu waa falgal kul bixiye ah.
kuldhac
Hoos u dhac kulka jirka oo ka hoos mara cabbirka caadiga ah ayna jirinna falalka difaaca jirka sida - qarqaryada. Badanaa waxay ku dhacdaa caruurta iyo waayeelka haddii ay ku noolyihiin guryo aan la kululeyn ayna haysan dhar huwasho oo ku filan.
kuldhuleed
Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
kuldiir
Wax qabow kul yar helid.
kuldiiri
Wax in yar kululayn.
kuldiirin
ld kuldiiris.
kulekeeye
(juqr.) Xarriiq khariidad ku yaal, oo isku xira meelaha celceliska heerkulkoodu isku mid yahay in muddo go'an ah.
kulgudbin
Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
kuljiir
K. ah: kul yar oo aan badnayn oo hoore iwm. ay yeeshaan;qandac. ld kuldiir¹.
kulkulul
Qof mannexe ah ama shadiid ah, ahaansho.
kulkululaan
ld kulkululaansho.
kulkululaansho
/dh ld kulkululaan.
kullaab
1. Gan qaroofsan oo wixii culus la suro oo kor loogu qaado. 2. Nooc ka mid ah tarashka maryaha dacalladooda lagu sameeyo oo sawirro leh.
kullaabi
1. Xiddo weyn oo ballaaran. 2. Marada xiddadaas leh lafteeda.
kullad
Koofiyad askareed.
kullan
Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah. ld shillan.
kulleejo
Hooy jiif iyo cunto leh oo arday wax ku barato.
kulliyad
Qeyb ka mid ah Jaamacad oo lagu barto cilmi gaar ah sida sharciga, daawada iwm.
kulmi
Meel isugu keenid (nafley).
kulmin
ld kulmis¹.
kulmis
Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
kulqaad
Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
kulqaad-gaar
Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
kulqaate
(fiis.) Dariiqo tilmaamaysa nuugidda kulka ee hab ama walax ku jirta falgalid (waxa kale oo lagu sharxi karaa kulka bannaanka uga baxa walax, ama hoos-u-dhaca heerkulka).
kulsamays
(fiis.) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka hal mooloo iskudhis ahi ka samaysmo curiyayaasha uu ka koobanyahay.
kulul
1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.
kululaan
ld kululaansho.
kulxidhan
Isbeddellada ku dhaca neef xagga cadaadiska iyo heerkulka, marka aan la kordhin amase aan la dhimin kulka neefta.
kuma
Magacuyaale weyddiimeed oo lab oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.
kumaad
Derajada sagaal boqol sagaashan iyo sagaal ka hooseyso.
kumaankun
Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.
kumbi
1. Hilib jiir ah dufan ku shiilid. 2. ld yumbi.
kumbin
ld yumbin. ld kumbis (3).
kumbis
1. Hilib jiir ah oo laga dhigo cadad bagbagafsanoo subag lagu shiilo, kaydna gala. 2. Hog daawo ku jirta oo xoolaha cadhada qaba la geliyo si loogu daaweeyo; jarcays. 3. ld kumbin.
kummeelgaar
1. K. ah: qof jago uu hayo aan rasmi ku ahayn. 2. K. ah: wax isticmaalkood aan joogto ahayn ee inta wax rasmi ah laga helayo lagu sii sugo.
kumulas
(c.cimi.) Daruur u kobacsan si joog maangal, inkasta oo ay ka yartahay kumuloonombaas.
kumuloonimbas
(c.cimi.) Daruur culus oo madaw oo qaradeedu tahay 4.500 mitir ama in ka badan. Badanaa waxay u fidsantahay si heebhaab ah oo u eg ubbad.
kumus
Hilib gumaarka fuula oo ay haweenka qaarkood leeyihiin.
kun
(-umanaal/-umanyaal, m.l) Tiro ka kooban toban meelood oo min boqol ah; toban boqolaad; “1000”.
kur
Madax; unuun.
kuraankur
1. Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal. 2. ld karaankur.
kuray
Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
kuraysasho
ld kuraysad, kuraysi.

