kalaxigsasho
ld kalaxigsad, kalaxigsi.
kalaxigso
Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
kalbaa
Caano lo'aad oo fadhi ah oo inta la adkeeyey biyihii laga miiray.
kalbax
1. K. ah: qof daacad ah. 2. ld kalbixid.
kalbixid
ld kalbax¹ (2).
kaldambeed
Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.
kaldhaash
Barbaro waaweyn, cad cad oo lo'du garbaha iyo wejiga ku yeelato.
kaldhal
K. ah: neef kol keliya dhalay; marcurad.
kaldheer
Lafaha dhuuxa leh ee dhaadheer middood.
kaldho
1. Caws caleemo dhaadheer, dun adag oo laga sameeyo rarada. 2. Maqaar lo'aad qallalan oo la goglado.
kale
s. 1. Dheeraad ah, aan la mid ahayn. 2. Oo k.: sidiis, camal. Tus. “Waa aabbihiis oo kale”. ld aleto.
kaleto
s. ld kale.
kalfadhi
Fadhi waqti cayiman la qabto oo looga hadlo arrimo muhiim ah.
kalgacal
Rabitaan iyo qaddarin qoto dheer oo cid loo hayo. ld kalgacayl.
kalgal
Habka ay curiyayaasha kiimikadeed ay u nidamsan-yihiin.
kalhoraad
Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
kalhuuris
Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.
kali-talis
Dawlad keli talis ah, waa nidaam dawladeed ee xisbi keliya waddanka xukumo, oo aan u oggoleyn kooxo ka soo horjeesta.
kaligitaliye
1. Qof madax ah oo aan talada cid kale wax ka siin. 2. Qof madax adag. ld keligitaliye.
kaligitashade
Qof arrimihiisa aan cid kale la tashan. ld keligi- tashade.
kaligoodtashadayaal
/dh.w eeg kaligi- tashade. ld keligoodtashadayaal.
kaliil
Xilliga roobka gu' bilawdo ama roobka dayreed oo hawadu aad u kululaato.
kalitashad
Dabeecad qof leeyahay oo aan cid la tashan. ld kalitashi, kelitashad, kelitashi.
kalkaal
Gargaar; kaalmo; taageero; waxtar.
kalkaaliso
Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
kalkaaliye
Nin loo tababbaray inuu kaalmeeyo dhakhtarrada.
kalkaggeeddi
K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.
kalkoon
Miro yicibeed oo dhilan.
kalkoosh
Suun ballaaran oo xersi ka lusha oo dhallinta shirta ciyaartaa qoorta ku xirtaan.
kalkulas
Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto xigidda iyo abyinaynta fansaarada iyo mawaadiicda la xiriira. Waxaana loo qaybiyaa kalkulas abyineed iyo kalkulas xigsinayd.
kalkulas-abyineed
Qayb ka mid ah kalkulaska ee lagu barto abyinaynta iyo adeegsigiisa. Waxa lagu dabaqaa raadinta bededka, mugagga, dhererrada xoodka ama furfurista xigsineed.
kalkulas-xigsineed
Waxa ay la xiriirta dhakhsaha isbeddelka ee fansaaro marka loo eego isbeddellada ku dhaca doorsoomaha madax bannaan. Waxa ay ka soo ifbaxday dhibatooyinka la xiriira soo saaridda taabteyaasha xoodka.
kallah
Ka tegidda aroor hore, meel laga tago; jarmaad. ld kallahaad, kallaho.
kallahid
ld kallihid.
kallahsan
Wax aroor hore soconaya ahaansho.
kallahsanaan
ld kallahsanaansho.
kallahsanaansho
/dh ld kallahsanaan.
kalleeti
1.Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. ld talleeji, tallooji.
kalli
Dhisme ka kooban dhuumo kuwaas oo gudbiya dareerayaasha. Dhinaca dhirta dareerayaashu waa biyo, milanno ka samaysan cusbooyin aan orgaanik ahayn ama milanno cunto ah. Dhinaca xayawaanka dareerayaashu inta badan waa dhiig, ama dhiig iyo limf dhinaca lafdhabarleyda.
kallif
Wax fulintoodu ay dhib tahay.
kalloorad
Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iwm lagu shubto; jeeg. ld gadhoorad, kadhoorad.
kalluumaysasho
ld kalluumaysad, kalluumaysi.
kalluumaysato
Dad noloshoodu ku xiran tahay kalluumeysiga; kalluunsato.
kalluumayso
Kalluun dabasho.
kalluun
Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
kalmoon
Miro yicibeed oo dhilan.
kalnugeyl
1. Niyad dabacsanaan raxmadi ku jirto. 2. Fuleynimo. 3. Adkaysi yari.
kalnuglaan
/dh eeg kalnugul. ld kalnuglaansho.
kalnuglaansho
/dh ld kalnuglaan.
kalnugul
1. Wax niyad debecsan oo raxmad badan ahaansho. 2. Wax cabsi badan ahaansho (qof). 3. Wax adkaysi yar ahaansho (qof).
kaloox
Bocool.
kalsaar
Haan weyn oo marka la rarayo horay la marinayo; horaad.
kalsamaan
ld kalsamaansho, kalsami.
kalsamaansho
/dh ld kalsamaan.
kalsami
Daacadnimo iyo uurfayoobi wax loo hayo. ld kalsamaan.
kalsan
Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho.
kalshiyam-side
(jool.) K. ah: wax uu ku jiro saami weyn oo kaalshiyam kaarboonayt ah; badanaa, waxaa lagu istcmalaa dhadhaabaha iyo ciidda.
kalsoon
Ku k.: aan dareen ka qabin ama aaminsan ahaansho.
kalsoonaan
ld kalsoonaansho, kalsooni.
kalsoonaansho
/dh ld kalsoonaan.
kalsoonidarro
Aan aamin lagu qabin.
kaltan
Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
kaltiri
1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
kaltirin
ld kaltiris.
kalwi
Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.
kalwin
ld kalwis (2).
kalwis
1. K. ah: Beer la gooyay xabbad- xabbad badar ah oo haray. 2. ld kalwin.kankoonsan
kalxan
(c.nafl.) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
kama'
'¹.
kama'id
'id
kamandhuur
Si foolxun u fadhiyid.
kamandhuurid
ld kamandhuur¹.
kamas
Inta u dhexeysa koodka iyo sanqaroorka oo ku beegan indhaha oo aad u godan.
kamasha
Gomosho.
kambal
Agagaarka aqalka.
kambani
Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iwm.
kambiyaale
Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.
kambrian-ka-horreeye
Waqtiga dhan ee qiyaas jiyooloji oo ka horeysay xilligii kambriyanka ee waagii 600 oo milyan oo sano ka hor.
kamiin
1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
kamiinjebi
Neef ooman biyo ku qaboobid

