0

kayn-mansuun

m l (-nno, m.dh)

(juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.

0

kayn-tirid

m dh (juqr.)

Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.

0

kaynaan

m l

Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.

0

kaynaani

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Geeddi dheer oo aan nasasho lahayn wadid. 2. (f.mg) Ku k.: cid wax ku tuurid.

0

kaynaanid

m f dh

Eeg: kaynaan²

0

kaynaanin

m f dh

Eeg: kaynaani

0

kaynroobaad

m dh

Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.

0

kayo

mu dhm ly

Eeg: kaayo¹

0

kays

m l (nax.)

Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.

0

kaytiin

m l (-no, m.dh)

Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.

0

kebbi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: kabbi

0

kebbin

m dh

Eeg: kabbin

0

kebbis

m l

1. ld kabbis (-syo, m.dh) Lakab adag oo ka samaysan dhagax, dhoobo, qoryo ama wax kale oo lagu sameeyo dhismaha iwm laguna qurxiyo. 2. ld kebbin.

0

kebbisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la kabbisay ahaansho (dhisme iwm). ld kabbisan.

0

kebbisid

m f dh

ld kabbisid.

0

kebbisii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: kabbisii

0

kebbisiin

m dh

Eeg: kabbisiin

0

kebbisnaan

m f dh

ld kabbis- naan, kabbisnaansho, kebbisnaansho.

0

kebbisnaansho

m l

/dh ld kebbisnaan.

0

kebed

m dh (-bdo, m.l)

Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.

0

kebedgalool

m l (-llo, m.dh)

Nooc kebdaha ka mid ah oo laga sameeyo mayrax galool. ld gebedgalool.

0

kebriid

m l

Eeg: kabriid

0

kedi

m l

Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud.

0

kedin

m dh

504

0

kedis

m l

1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. ld kadin².

0

kediso

m dh

Eeg: kadiso

0

kedo

m dh

1. Wax si degdeg iyo lamafilaan ah ku dhaca; aan la iska jirin; lamafilaan. 2. (fk) Si kedis ah; islamarkiiba.

0

kee

mu we l

kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.”

0

keeb

m l (-bab, m.l)

Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad.

0

keed

dk lh l

Eeg: keeda²

0

keeda

mu lh l (kuweeda, w)

Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”.

0

keen

mu dhm ly

Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”.

0

keenayn

m f dh

Eeg: keenee

0

keenee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Awr keeno gelin.

0

keenid

m f dh

ld keenis.

0

keenis

m dh

Eeg: keenid

0

keenna

mu lh l (kuweenna, w)

Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”.

0

keeno

m dh (-ooyin, m.l)

Siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado.

0

keensad

m l

Eeg: keensasho

0

keensasho

m f dh

ld keensad.keretinniism

0

keenso

f g3 (-saday, -satay)

Wax meel durugsan ka qaadasho.

0

keer

mu ti l (kuweer, w)

Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “Keer baa fariistay meeshaadii ee ka kici”.

0

keeratoosis

m l (daaw.)

Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.

0

kefed

m dh

Eeg: kafad

0

kelbed

m dh (-do, m.l)

Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. ld kalbad.

0

kelbi

m l

Libaax-badeedka waaweyn nooc ka mid ah.

0

keli

m l (-iyo, m.dh)

1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹.

0

keligillabe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Nin hawlkar ah oo shaqo kasta ku wanaagsan.

0

keligitaliye

m l (keligood taliyayaal, m.l/dh)

(siyaa.) Hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunkana ku haysta si kelinnimo ah, tashi la'aan. ld kaligitaliye.

0

keligitashade

m l

Eeg: kaligitashade

0

keligitashe

m l (keligood tashayaal, m.l/dh)

(siyaa.) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. ld kaligitashade.

0

keligoodtashadayaal

m dh

tashadayaal.

0

kelinnimo

m dh

Keli ahaansho.

0

kelitalis

m l (-syo, m.dh)

(siyaa.) Waddan dawladdiisu uu haysto qof keliya lehna awood kama dambaysi ah.

0

kelitashad

m l

Eeg: kalitashad

0

kelitashi

m l

Eeg: kalitashad

0

keliya

s. Aan wax wehlin; uun.

0

keliyeysad

m l

Eeg: keliyeysasho

0

keliyeysasho

m f dh

ld keliyeysad.

0

keliyeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Ku k.: keli ku ahaansho (wax).

0

kelli

m l (-iyo, m.dh)

Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3).

0

kelli-badeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.

0

kellibalow

m l kh

K. ah: xoolo aan dhergin. ld gellibalow.

0

kelliggub

m l

Summad geel oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo.

0

kellijuluqle

m l

Neef xoolo ah oo soo xerooday isaga oon dheregsanayn.

0

kelmed

m dh (-do, m.l)

Eray, hadal.

0

kelmi

m l

Eeg: gelmi

0

kelmidhabad

m l

Eeg: gelmidhabasho

0

kelmidhabasho

m dh

Eeg: gelmidhabasho

0

kelmidhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Eeg: gelmidhabo

0

kelya-adag

f mg4 (-dkaa, -dkayd)

Wax dhiirran ahaansho.

0

kelya-adayg

m l

Dhiirranaan cidi leedahay. ld kelya-adkaan.

0

kelya-adkaan

m f dh

ld kelya- adeyg, kelya-adkaansho.

0

kelya-adkaansho

m l

/dh ld kelya-adkaan.

0

kelyaciirsad

m l

Eeg: kelyaciirsasho

0

kelyaciirsasho

m f dh

ld kelyaciirsad, kelyaciirsi.

0

kelyaciirsi

m l

Eeg: kelyaciirsasho

0

kelyaciirso

f mg3 (-saday, -satay)

Kelyo adayg lahaansho.

0

keni

m l

1. In door ah (waqti). 2. Niyad.

0

keni-adag

f mg4 (-dkaa, -dkayd)

Wax qalbi adag ahaansho.

0

keni-adayg

m l

Qof go'aan adag leh. ld keni- adkaan.

0

keni-adkaan

m f dh

ld keni- adayg, keni-adkaansho.

0

keni-adkaansho

m l

/dh ld keni-adkaan.

0

kensi

m l

Eeg: kansi

0

keratiin

m l (baay.)

Koox ka mid ah borotiinnada miiqan ee laga helo timaha, baalasha, qoobobka iyo geesaha.

0

keretinniism

m l

Maraarnimo. 505keylli

0

keylli

m l

Eeg: kaylli

0

keynaan

m l

Summad : V. Dhakhsaha bara- baxa walax. Keynaan waa xawaare ji-heysan. Keynaan waa xaddi leeb, xawaa-ruhuna waa xaddi foolwaa.

0

keyrkeyr

m l

Cabsi darteed oo lala gar-gariiro.

0

keyrkeyri

f g2 (-iyay, -isay)

Cabsi gelin (cid).

0

keyrkeyrid

m f dh

Eeg: keyrkeyr²

0

keyrkeyrin

m f dh

Eeg: keyrkeyri

0

khaa'in

m l (-niin/-nno, m.dh)

Qof dhagar badan. ld khaayin.

0

khaa'iniin

m dh w

'in.

0

khaa'innimo

m dh

Khaa'in ahaansho.

0

khaaddin

m l (-immo, m.dh)

1. Nin meel barakaysan sida masaajid iwm. ka adeega oo barako doon ah. 2. Nin wadaad u adeega oo barako doon ah. ld khaaddun.

0

khaaddun

m l

Eeg: khaaddin

0

khaafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax dareenkiisa garasho feker awgiis la maqan yahay ahaansho.

0

khaafsanaan

m f dh

ld khaaf-sanaansho.

0

khaafsanaansho

m l

/dh ld khaafsanaan.