0

kashkaashid

m f dh

ld kashkaashis.

0

kashkaashis

m dh

Eeg: kashkaashid

0

kashkaashnaan

m f dh

ld kashkaashnaansho.

0

kashkaashnaansho

m l

/dh ld kashkaash-naan.

0

kashkaasho

f g3 (-shtay, -shatay)

Aqal kashkaash ku goglasho.

0

kasid

m f dh

Eeg: kas²

0

kaskaasbax

m l

Xaalad liidatey oo horey loogu jirey oo laga soo fiicnaado.

0

kaskaasbixid

m f dh

Eeg: kaskaasbax²

0

kaslaan

m l

Qof aan hawsha jecleyn; caajis.

0

kasmo

m dh

Awood maskaxeed wax lagu kala garto.

0

kasoobbax

m l (-xyo, ml.)

Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh.

0

kasoobbax-naas

m l (-xyo ..., m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka naaska oo sida badan uu keeno baktiiriya ka soo gala ibta. 501kasoofeen

0

kasoofeen

m l

Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin.

0

kasta

s. Mid walba oo ka mid ah wax wada jira oo aan la kala reebeyn; mid k.: mid walba.

0

kastan

m l (-ammo, m.dh)

Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.

0

kasxumaan

m f dh

ld kas- xumaansho, xaskumi.

0

kasxumaansho

m l

/dh ld kasxumaan.

0

kasxumi

m dh

Eeg: kasxumaan

0

kasxumo

m dh

1. Garaad yarida qof leeyahay. 2. Fudfudeyd iyo degganaan la'aan qof leeyahay

0

kasxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax garaad yar ahaansho.

0

kataan

m dh

Shax laba jare leh; irmaan.

0

kati

m l (-iyo, m.dh)

Bir af dhuuban oo waranka gadaal laga gesho. ld taki.

0

katib

f mg1 (-bay, -btay)

Eeg: kaddib³

0

katiifad

m dh

Eeg: kaddiifad

0

katiinad

m dh (-do, m.l)

Silsilad.

0

katoolig

m l (dii.)

Madaahibta diinta masiixiga mid ka mid ah.

0

kaw

m dh sh r

Erey ulajeeddadiisa laga garto wax go'ay (xarig go'ay; naf baxday); kaf.

0

kawaamid

m f dh

ld ka-waanid.

0

kawaan

m l (-nno, m.dh)

1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.

0

kawaan2

f g1 (-aamay, -aantay; -aami/-aani)

Neef si hilibkiisa loo cuno qalid.

0

kawaanasho

m f dh

Eeg: kawaano

0

kawaanid

m dh

Eeg: kawaamid

0

kawaanle

m l (-layaal, m.dh)

Qof mehe- raddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.

0

kawaanley

m dh u

Wadar kawaanle.

0

kawaano

f g3 (-aantay, -aanatay)

Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.

0

kawaawe

m l

Qalabka beeraha nooc ka mid ah oo ka kooban bir af ballaaran iyo daab qori ah.

0

kawaawee

f g2 (-weeyay, -weysay)

Beer kawaawe ku simid.

0

kawaaweyn

m f dh

ld kawaaweys.

0

kawaaweys

m l

Eeg: kawaaweyn

0

kawaaweysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax kawaawe lagu simay ahaansho (beer).

0

kawaaweysanaan

m f dh

ld kawaaweysnansho.

0

kawaaweysnaansho

m l

/dh ld kawaaweys- naan.

0

kawaweer

m l

Eeg: kabawaarid

0

kawaweerid

m dh

Eeg: kabawaarid

0

kawaweeris

m dh

Eeg: kabawaarid

0

kawaweero

m dh

Eeg: kabawaarid

0

kawdiid

m l

Eeg: kuududid

0

kawdiidi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: kuududi

0

kawdiidid

m dh

Eeg: kuududid

0

kawdiidin

m dh

Eeg: kuududin

0

kawir

m l

1. Burcad udgoon oo haweenku madaxa ku carafsadaan; hab gaar ah oo dumarku timaha u furtaan oo u gambaystaan. 2. Meel u weecashada dooni ama markab.

0

kawirasho

m f dh

Eeg: kawiro

0

kawirid

m f dh

Eeg: kawir²

0

kawiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Haweeney kawir marsasho ama habka kawirka u firasho.

0

kawkab

m l

Dhibaatada ka raacda xoolo aad u oomman biyo badan cabidda. ld kawkabid.

0

kawkabid

m f dh

ld kawkab¹.

0

kawl

m l

; shawlid.

0

kawlid

m f dh

ld shawlid.

0

kawrax

m l

Wax qoyan oo aan si aad ah u engegin.

0

kawrixi

f g2 (-iyay, -isay)

Si tartiib ah u engejin.

0

kawrixid

m f dh

Eeg: kawrax²

0

kawrixin

m f dh

ld kawrixis.

0

kawrixis

m l

Eeg: kawrixin

0

kawtamid

m f dh

Eeg: kawtan²

0

kawtan

m l

Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.

0

kax

m dh

Meel bannaan oo aan lahayn geedo dhaadheer, caws iyo nagaarse leh.

0

kaxaan

m l

Roobka ugu horreeya ee dayrta da'a.

0

kaxarbe

m l

Eeg: gaxarbe

0

kaxayn

m f dh

Eeg: kaxee

0

kaxaysad

m l

Eeg: kaxaysasho

0

kaxaysasho

m f dh

ld ka-xaysad, kaxaysi.

0

kaxaysi

m l

Eeg: kaxaysasho

0

kaxayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax soconaya oo meel joogey wadasho.kayn-mansuun

0

kaxee

f g2 (-xeeyay, -xaysay)

Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.

0

kay

mu dhm ly

Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koobaad ee kelida ah. Tus. “Waa isku kay mid”.

0

kayaga

dk lh l

Eeg: kaayaga²

0

kayd

m l (-dad, m.l)

Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado.

0

kayd-ayoonayn

m l (-ded ..., m.l)

(kiim.) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta.

0

kayd-faraq

m l (-dad ..., m.l)

(fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.

0

kayd-haye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof wax kayd ah haya.

0

kaydi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax kayd ahaan meel u dhigid.

0

kaydin

m f dh

Eeg: kaydi

0

kaydsad

m l

Eeg: kaydsasho

0

kaydsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la kaydiyey ahaansho.

0

kaydsanaan

m f dh

ld kaydsa- naansho.

0

kaydsanaansho

m l

/dh ld kaydsanaan.

0

kaydsasho

m f dh

ld kaydsad, kaydsi.

0

kaydsi

m l

Eeg: kaydsasho

0

kaydso

f g3 (-saday, -satay)

Cunno, lacag iwm meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid.

0

kayga

mu lh l (kuweyga, w)

Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Midkan kayga ma ah”.

0

kaykayle

m l

1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.

0

kaylakeen

f mg1 (-nay, -ntay)

Qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.

0

kayle

m l

God dheer oo wixii ku dhacaaysan ka bixi karin.

0

kaylli

m l

1. Xannuun badan oo meel dhaawac ah haya. 2. (-iyo, mdh.) God dheer oo ugaarta lagu dabo. ld keylli.

0

kaymadow

m dh

Haweenay nasiib xun.

0

kaymayn

m dh (juqr.)

Dariiqadda dhul looga dhigo mid kayn leh iyada oo aan meeshaasi hore u lahayn dhir.

0

kaymo-caleen-irbadlay

m dh (bot.)

Dhirlayda calemahoodu u egyihiin irbadaha ama qodxaha.

0

kayn

m dh (-ymo, m.l)

1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.

0

kayn-badhaale

m l (-layaal, m.l/dh)

(juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.

0

kayn-maanguruuf

m l (-fyo, m.dh)

(juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen kayn maanguruuf ah, kan maanguruuftu badanaa waxay ku dhacdaa dhul xeebeedka hoose ee gobollada kulaalayda, waxayna ugu sii badantahay agagaaraha webiga afkiisa.