karingaabad
Buuraha is-haysta duud-kooda kore oo siman, meel inta kale ka gaaban.
kariwaa
Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
karjinooma
Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
karkaar
Qoryaha ceelka afkiisa la saaro ee marka ceelka wadaanta laga soo saarayo dawliska lagu dul jiido; makaab.
karkabayn
ld karka- badayn.
karkabee
Cid hawl qabashadeed inay dedejiso ku dirqin. ld karkabadee.
karkabeyn
ld karka- badeyn.
karkabeysan
Cid wax degdeg ku jiro ahaansho
karkabo
Ku dirqinta hawl qabasha-deeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. ld karkabad.
karkar
1. Tolmo lagu sameeyo dhar iwm. oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
karkarid
Karkar badan u yeelid.
karkarin
1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iwm).
karkoor
Dhul dhagax badan leh.
karmaandho
Kalluunka badda nooc ka mid ah.
karmee
1. Meel laba xiddigood u dhaxeysa oo aan midna u bursanayn fariisasho (dayax). 2. Maro iwm. karmo u yeelid.
karnaan
ld karnaansho.
karnaansho
/dh ld karnaan.
karniin
1. ld karniimo. Awood; karti. 2. (- iimmo, m.dh) Kar; kab; nud.
karo
Maro, darbaal iwm oo meeli ka daloosho karin saarasho.
karood
1. Cudur si degdeg ah wax u dila; habaar. 2. Dhul taag ah, dhagax leh oo dhirtu ku yartahay. 3. ld baroodid.
karoor
1. Meel dhisan oo lagu kaydiyo dalagga ka soo go'a beeraha, kana samaysan tiirar kor loo dhisay dushana laga saaray caws iyo hargo. 2. Wax badan oo lays dulsaaray.
karooran
Wax badan oo lays dul saaray ahaansho.
karoornaan
ld karoor-naansho.
karoornaansho
/dh ld karoornaan.
karooto
Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
karraani
Qof xafiis, dukaan iwm ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
karrays
Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
karrayso
1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho.
karreeb
1. (u) Geel dhalay oo ubadka xerada looga reebay. 2. (-bo, m.l) Warqad meel loo qoray koobiga ka hara.
karriinlarroor
1. Degdeg badan. 2. Qof degdegsiinyo badan.
karro
Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
karsad
Badar iwm qashin ka saarasho. ld karsasho.
karsan
Wax la kariyey ahaansho.
karsanaan
ld karsa-naansho.
karsanaansho
/dh ld karsanaan.
karsasho
ld karsad, karsi.
karshimi
Hilib aad u bislayn.
karshin
Hilib aad loo bisleeyey.
karsii
Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin
karso
Wax dab iyo biyo ku bislaysasho.
karti
Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.
kartidarro
Karti yaridda uu qof leeyahay oo u diidda in uu hawl si fiican u fuliyo. ld kartixumo, kartili'i.
karuur
Tuuridda alaab iwm meel la tuuro.
karuur4
Caano geel dhanaan noqosho.
karuuran
Wax meel tuurmay noqosho.
karuuran4
Caano karuur ahaansho.
karuuran4.
ld karuurnaansho.
karuurasho
ld karoorad, karoorasho, karuurad.
karuurid
1. eeg karuur ³. 2. eeg karuur4.
karuurmid
1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
karuurnaan
1. eeg karuuran². 2. eeg
karuurnaansho
/dh ld karuurnaan.
karuuro
Wax badan is dul saarasho. ld karooro.
karwaliin
Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
kas
1. Awood maskaxeedka wax lagu kala garto. 2. Ulakac; bareer.
kasab
Hanti dhibaata badan loo maray helitaankeeda.
kasaliim
Kabax.
kasbee
Badar jawaan ku jira kasbo ku hubin.
kasbo
Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; bunbay.
kasdaran
Wax aan garasho badan lahayn ahaansho.
kasdarnaan
ld kasdar- naansho.
kasdarnaansho
/dh ld kasdarnaan.
kasdarro
1. Garasho yari. 2. Degga-naan la'aan iyo fudfudeyd cidi leedahay.
kashif
1. K. ah: meel aan asturneyn. 2. Fadeexad. 3. ld kashifid.
kashifan
1. Wax qarsoonaa oo la sheegay noqosho. 2. Wax la ceebeeyey noqosho.
kashifid
ld kashif¹ (3), kashifaad.
kashifnaan
ld kashif- naansho.
kashifnaansho
/dh ld kashifnaan.
kashiisho
Badar la shiiday oo la karshey oo lagu cuno sanuunad ama caano; soor. ld gashiisho.
kashiito
Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
kashkaash
Caws nagaar iwm oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
kashkaashan
Wax la kashkaashay ahaansho.

