Words starting with 'K'
1,917 Somali words beginning with 'K' — page 15 of 20.
kobatole
1. Qalabka kabaha lagu tolo oo mudac weyn u eg. 2. Ninka kabaha tola. ld kabatol.
kobci
1. Dhasha dadka iyo xoolaha cayilin. 2. Dhaqaale iwm kordhin.
kobcin
ld kobcis.
koboc
K. ah: nafley yar oo cayilan.
kobocsan
Ahaansho wax la kobciyey.
kobocsanaan
ld kobocsanaansho.
kobocsanaansho
/dh ld kobocsanaan.
kobocso
Ilmo xoolaad oo la doonaayo in la qasho cayilsasho
kobon
3Geed dheer oo laan-laan u baxa oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan, lana cuno, oo cadcaddaada markay bislaadaan.
kodho
Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
kodhon
(baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jirakontorool¹ molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
kog
Wax fidsanaa isku soo roorid.
kogsan
Wax kogay ahaansho.
kogsanaan
ld kogsa- naansho.
kogsanaansho
/dh ld kogsanaan.
koji
Wax fidsan isku soo roorin.
kojiye
Toddoba- maggaarto; teetano.
kol
1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. k.laba: 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kolay
Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
kolayfiiq
Weel qashinka lagu ururiyo.
kolaytis
Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
kolka
xilliga roobku bilaabanayo; kacsan.
kolkii
xi. eeg kol².
kolkol
Kolay lagu sameeyo in dharka duubayo.
kolla
fk. Marnaba; marna.
kollajiin
(c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
kollaydh
(baay.) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
kolley
fk. K.ba: si kastaba; dhab ahaan.
kollooydh-soocid
Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.
kolmaysan
Wax kolmo loo yeelay ahaansho.
kolmaysnaan
ld kolmaysnaansho.
kolmaysnaansho
/dh ld kolmaysnaan.
kolmee
Ka k.: wax, wax kale ka soo laalaadin ama lalmin.
kolmo
Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (tus. Cali wuxuu yiri: “berri baan imanayaa”).
kolombaawi
Macawiso raggu qaato midabyo kala gaar ah leh.
kolon
1. Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood. 2. Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda. 3. (w) eeg kolmo.
koloraydh
(kiim.) Iskudhis uu ku jiro koloriin.
koloriin
(kiim.) Curiye neef cagaar-hurdi ah oo firfircoon kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyeyaasha). Waxa laga helaa biyaha badda, cusbada harooyinka iyo helaytka (NaCl) oo tuulma fadhiisimo dhul-hoosad ah. K.ta oo ah ogsidheeye xooggan, waxa lagu xisaabay in dhulka oogadiisa ay ka tahay 0.055%.
kombaleeso
1. Wadajir. 2. (muus.) Koox muusig.
kombiyuutar
(tegno.) Aalad ku shaqeysa elektroonik si gaar ahna u qabata xogta lagu kaydiyo, marka loo baahdana si qeexan uga jawaabta.
kongerees
Shirweyne dad badan isugu yimaadaan oo arrimo muhiim ah lagaga hadlo.
kontarabaan
Badeeco aan canshuureyn oo si sharci-darro ah dal ku soo gasha ama uga baxda. ld kontrobaan.
kontomaad
Midka ku abbaaran tirada konton. ld kontonaad.
kontomeeye
Tiro qiyaas ahaan konton u dhow. ld kontomeeyo.
konton
Tiro ka kooban shan meelood oo min toban ah; shan tobnaad; “50”.
kontonaad
Tirada jagaale, kan kontonka u dhigma. ld DSI, kontomaad.
kontorool
Wax baarid.
kontoroolan
Wax la kontoroolay ahaansho
kontoroolnaan
ld kontoroolnaansho.
kontoroolnaansho
/dh ld kontorool-naan.
kontoroolo
Wax kontorool ku sameysasho.
kontrobaan
Koo¹ mu.ti.l (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo
1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.
koo-insaym
(baay.) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.
koob
1. Weel yar oo badanaa dheg leh oo wax lagu cabbo; fijaan. 2. Qalab ka samaysan dahab, qalin iwm oo lagu kala qaato tartamada cayaaraha.
koobaabnaansho
/dh ld goobaabnaan.
kooban
Ku k.: wax koobmay noqosho.
koobi
Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
koobir
Minxiis.
koobmid
ld koobniin.
koobnaan
ld koob-naansho.
koobnaansho
/dh ld koobnaan.
kood
1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (- do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
kooda
Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”.
koodhi
Canshuur dadka laga qaado.
koodhiin
(daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
koodi
1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
koodin
ld koodis.
koofaar
Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
koofiyad
Shey ka samaysan dun, dhar iwm. oo raggu madaxa gashadaan. ld koofi, koofiyo.
koofiyad-xidid
Dhisme daboola fiiqa ugu horreeya ee xididka (dhinaca carrada). Waxay ilaalisaa xididka inta uu korayo si uu u dhex maro carrada.
koofur
Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.
kookas
(baay.) Nooc bakteeriyada ka mid ah oo qaab dhulu- lubaysan leh.
kooke
Qof cunto kariska si fiican u yaqaan.
kookeyn
Alkolooyd laga sameeyey caleenta geedka loo yaqaan kooka (erythroxylon coca) amaba shaybaarrada lagu diyaariyo, waxa loo isticmaalaa dawo suuxiso meel kooban ee jirka, sida: qalliinka isha, dhegta, sanka iyo cunaha.

