0

kool

m dh

Ammaan; faan.kooxaha dhiigga

0

koolestarool

m l (daaw.)

Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.

0

kooli

f g2 (-iyay, -isay)

Cid ammaan u jeedin.

0

koolin

m f dh

ld koolis.

0

koolis

m l

Eeg: koolin

0

koolkooli

f g2 (-iyay, -isay)

Ilmo yar si gacalo leh u barbaarin.

0

koolkoolin

m f dh

ld koolkoolis.

0

koolkoolis

m l

Eeg: koolkoolin

0

kooma

m dh

Miyirbeel.

0

koombo

m dh

Weel yar oo bir ka samaysan oo wax lagu cabbiro ama biyaha la darsado.

0

koon

m l

Duni.

0

koonbiro

m dh (-ooyin, m.l)

Milxiisad.

0

koone

m l

Laba xarriiqood meesha ay isugu yimaadaan dhinaca dibadda ah.

0

koonfur

m dh

Eeg: koofur

0

koor

f mg1 (-ray, -rtay)

1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho.

0

koorabixis

m l

Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.

0

kooraggooye

m l (-yayaal, m.dh)

Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.

0

kooraggooyennimo

m dh

Kooraggooye ahaansho (nin).

0

kooraqore

m l (-rayaal, m.dh)

Nin farsamaynta kooraha ku wanaagsan.

0

koorasaar

m l

1. Midab madow oo neef ido ah dusha uga yaal. 2. Duudka fardaha meesha kooraha la saaro.

0

koorayn

m f dh

Eeg: kooree

0

koore

m l (-rayaal, m.l/dh)

Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

0

kooree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Koore saarid (Faras, baqal).

0

koori

f mg2 (-iyay, -isay)

Koor yeerid.

0

koorib

m dh

Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.

0

koorid

m f dh

Eeg: koor²

0

koorin

m f dh

Eeg: koori

0

koorkoox

m dh

Eeg: kooxkoox

0

koorniya

m dh (-yayaal, m.l/dh)

(c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.

0

koorrib

m dh

Kuul madow oo quraarad ah.

0

koos

m l

1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.

0

koosaar

m dh

Hilib, caano, subag iwm oo cuntada la cunayo lagu iidaanto. ld goosaar¹.

0

koosaarad

m l

Eeg: goosaarad

0

koosaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la koosaaray ahaansho. ld goosaaran.

0

koosaarasho

m f dh

ld goosaarasho.

0

koosaarid

m f dh

ld goosaarid.

0

koosaarnaan

m f dh

ld goosaarnaan, goosaarnaansho, koosaar-naansho.

0

koosaarnaansho

m l

/dh ld koosaarnaan.

0

koosaaro

f g3 (-rtay, -ratay)

Cunto koosaar ku darsasho. ld goosaaro.

0

koosayn

m f dh

Eeg: koosee

0

koose

m l

Orodka ugu gaaban ee farduhu ku ordaan.

0

koosee

f mg2 (-seeyay, -saysay)

Si aayar ah u ordid (faras).

0

koostik-bootash

m l (kiim.)

Kaaliyam haydarogsaydh, KOH.

0

koostik-soodha

m dh (kiim.)

(Naatriyan haydarogsaydh). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.

0

kootali

m l (-iyo, m.dh)

Nin aan ilaah iyo Nabigiisa rumaysnayn.

0

kootalinimo

m dh

Kootali ahaansho (nin).

0

kootaliyad

m dh (-do, m.l)

Haweeney aan Ilaah iyo Nabigiisa rumasnayn.

0

koow

m l t

Eeg: kow

0

koowaad

m l

1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. ld koobaad, kowaad.

0

koox

m dh (-xo, m.l)

1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.

0

koox-amayno

m l (-xo ..., m.l)

(kiim.) Iskudhis leh kooxda - NH -halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.

0

koox-kaarbogsayl

m l (-xo ..., m.l)

(kiim.) Kooxda orgaanikada ee - COOH, taas oo laga helo kaarbogsilik asiidhada.

0

kooxaha-dhiigga

m l (baay.)

Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. ka Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.

0

kooxayn

m f dh

ld kooxays.

0

kooxays

m l

Eeg: kooxayn

0

kooxee

f g2 (-xeeyay, -xaysay)

Koox koox ka dhigid.

0

kooxkoox

m dh

Wax qaybo-qaybo u kala qaybsan. ld koorkoox.

0

kor

m l

1. Meel sare; dul. 2. Wada jirka xubnaha nafleyda, madax, gacmo, lugo iwm; oogo; jir.

0

kor-ood

m l

Meel beerta dhinaceeda laga oodo oo xoolaha la daaqsado marka jiilaal la gaaro; oodan.

0

korad

m l

Eeg: korasho

0

koran

m l

Eeg: koron

0

koranwaa

m l

1. K. ah: sugiwaa; dhawriwaa. 2. ld koranwaayid.

0

korasho

m f dh

ld korad.

0

kordhi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax hore loo hayey wax ku sii darid; badin.

0

kordhid

m f dh

Eeg: koror²

0

kordhin

m f dh

ld kordhis.

0

kordhis

m l

Eeg: kordhin

0

kordhisasho

m f dh

Eeg: kordhiso

0

kordhiso

f g3 (-stay, -satay)

Wax horey loo hayey wax ku darsasho.

0

kordhiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(fiis.) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.

0

kore

² s. Meel sare ku sugan; korreeya. 518

0

kori

f g2 (-iyay, -isay)

1. (f.g) Wax dhashay ama yar dheefin si uu u weynaado. 2. (f.mg) Ka k.: nafley dhibaato ka nabad-gelin (Ilaah).

0

korid

m f dh

Eeg: kor²

0

korin

m f dh

ld koris.

0

koris

m l

Eeg: korin

0

koritaan-dhaqaale

m l (dhaq.)

Koritaan warshad ama dhaqdhaqaaq dhaqaale, wax kordha lacagta ku baxda iyo wax-soo-saarka.

0

korjad

m dh t (-do, ml.)

Harag iwm oo labaatan xabbo ah.

0

korjoog

m l

1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.

0

korjooge

m l (-gayaal, m.l/dh)

Cid dusha ka ilaalin; gaarhaye.

0

korjoogeyn

m f dh

ld korjoogteyn.

0

korjoogtee

f mg2 (-teeyay, -teysay)

Eeg: korjoogee

0

korjoogteyn

m dh

Eeg: korjoogeyn

0

korjoogto

m dh (-ooyin, m.l)

Col yar oo col weyn dusha ka ilaaliya

0

korme

m l (-mayaal, m.l/dh)

Faras qoor ah oo loo reebo in uu fardaha boodo.

0

kormeer

f g1 (-ray, -rtay)

Hawl iwm socodkooda u kuurgelid.

0

kormeere

m l (-rayaal, m.l/dh)

1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. kana 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle hooseysa xiddigle.

0

kormeerid

m f dh

Eeg: kormeer²

0

kornayl

m l (-llo, m.dh)

Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.

0

korneylnimo

m dh

Korneyl ahaansho.

0

korniimo

m dh

Kobaca iyo weynaanta ay nafley marto. ld korniin, korriimo, kor- riin.

0

korniin

m l

Eeg: korniimo

0

koro

f g3 (-rtay, -ratay)

Wax sugid.

0

korobaxo

m dh (-wyo, m.dh)

Xoolaha intooda aan irmaaneyn.

0

korodhka

xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).

0

korolla-ilaacayaal

m l (-lo, m.dh)

(bot.) Laacayaasha ubaxa. Wuxuu ku wareegsan- yahay faxal sidaha iyo aarballada.

0

koromatidhyo

m dh (baay.)

Xidhmo dun oo kala ah oo ka somaysantay koromosoom xilliga wejiyada hore ee qaybsanka unug-ga.

0

koromatiin

m l (baay.)

Walaxda ay koromosoomyadu ka samaysan yihiin. Waxay ka kooban tahay borotiinno (gaar ahaan histoono), DNA iyo waxoogaa yar oo RNA ah.kortegid

0

koromosoom

m l (-myo, m.dh)

(baay.) Dhisme dun oo kale ah oo laga helo bu'da unugyada dhirta iyo naflayda . Koromo- soomyadu waxay ka koobanyihiin koro- matiin, waxaanay qaadaan hiddo-sidaha, kaasoo suga astaamaha noolaha.

0

koromosoom-jinsi

m l (-myo ..., m.dh)

(baay.) Korokosoomyada xukuma xaya- waanka dhalanayaa lab iyo dheddig midka uu noqonayo. Waxay ku leeyihiin bu'da hal sinji lammaane koromosoomo oo isku kaan ah.

0

koron

m l (-ommo, m.dh)

Rati la dhufaanay. ld koran.