0

khatifsanaansho

m l

/dh ld khatifsanaan.

0

khatimid

m f dh

ld khatin¹.

0

khatin

f mg1 (-imay, -intay; -imi)

Quraan iyo duco la akhriyay gunaanadid.

0

khawaaf

m l kh (-fiin, m.dh)

Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.

0

khawaafad

m dh kh

Naag magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo waxay doon-taba sameysa.

0

khawaafiin

m dh w

Eeg: khawaaf

0

khawaafsasho

m f dh

Eeg: khawaafso

0

khawaafso

f mg3 (-saday, -satay)

Hanti la'aan awgeed dhibaato la kulmid.

0

khawaaji

m l kh

K. ah: qof maalqabeen ah.

0

khawayiis

m l

Eeg: khawaysiin

0

khawaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.

0

khawaysiin

m f dh

ld kha-waysiis.

0

khayaamayn

m dh

Eeg: khayaanayn

0

khayaamee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Eeg: khayaanee

0

khayaamid

m dh

Eeg: khayaanid

0

khayaan

f g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani)

Cid khayaano ku samayn.

0

khayaanalow

m l (-wyo, m.dh)

Qof dhagar badan.

0

khayaanayn

m f dh

ld khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.

0

khayaanee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Cid khayaano ku samayn. ld khayaamee, khiyaamee, khiyaanee.

0

khayaanid

m f dh

ld kha-yaamid.

0

khayaano

m dh

Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. ld khiyaamo, khiyaano.

0

khayli

m dh

Guntiino daliig madow darfaha ku leh oo waagii hore dumarku qaadan jireen.

0

khaymad

m dh (-do, m.l)

1. Aqal fudud oo kolna la dhiso, kolna la furfuro oo lala guuro. 2. Teendho; taanbuug.

0

khayr

m l (-raad, m.l)

Wax wanaag ku jira oo dhan.

0

khayraad

m l w

1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.

0

khaysaraan

m dh (-no/-aamo, m.l)

Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.

0

khibrad

m dh (-do, m.l)

Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. ld khibro.

0

khibro

m dh

Eeg: khibrad

0

khiddad

m dh (-do, m.l)

Qorshe loo sameeyo hawl, mashruuc iwm.

0

khidmad

m dh

Eeg: khidmo

0

khidmee

f g2 (-meeyay, -meysay)

Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.

0

khidmeyn

m f dh

Eeg: khidmee

0

khidmo

m dh

1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.

0

khidmo-shuruud

m dh (dii.)

Quraanka oo dhan ama qaarkiis oo qof jirran lagu dul akhriyo.

0

khilaaf

f g1 (-fay, -ftay)

Arrin iwm cid ku diidid.

0

khilaafid

m f dh

Eeg: khilaaf²

0

khilaafo

m dh

Nidaam muslimiinta oo dhan ku dooran jireen khaliifkooda.

0

khilaafsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iwm waxaan raacsaneyn ahaansho.

0

khilaafsanaan

m f dh

ld khilaafsanaansho.

0

khilaafsanaansho

m l

/dh ld khilaafsanaan.

0

khilaawayn

m f dh

ld qalwayn.

0

khilaawee

f mg2 (-weeyay, -waysay)

Kelinnimo meel gaar ah Ilaah ku baryid. ld qalwee.

0

khilaawo

m dh

Kelinnimo, meel gaar ah, muddo go'an arrin gaar ah oo Ilaah looga baryo. ld khalaawo, khalwo, qalwo.

0

khiyaamayn

m dh

Eeg: khayaanayn

0

khiyaamee

f g2 (-meyay, meysay)

Eeg: khayaanee

0

khiyaamo

m dh

Eeg: khayaano

0

khiyaanayn

m dh

Eeg: khayaanayn

0

khiyaanee

f g2 (-neeyay, -neysay)

Eeg: khayaanee

0

khiyaano

m dh

Eeg: khayaano

0

khiyaar

m l

Eeg: ikhtiyaar

0

khoobar

m l

1. Libaax badeedka waaweyn mid ka mid ah. 2. Hombaro.

0

khoof

m l

Cabsi; baqdin.

0

khoofid

m f dh

Eeg: khoof²

0

khoori

m l (-iyo, m.dh)

1. (juqr.) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqr.) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.

0

khubaro

m dh w

Eeg: khabiir

0

khudaar

m dh

Eeg: khudrad

0

khudbad

m dh (-do, m.l)

Hadal dad badan hortii laga jeediyo. ld khudbo.

0

khudbasireed

m l

Meher qarsoodi ah.

0

khudbasireysad

m l

Eeg: khudbasireysasho

0

khudbasireysasho

m f dh

ld khudbasireysad, khudbasireysi.

0

khudbasireysi

m l

Eeg: khudbasireysasho

0

khudbasireyso

f g3 (-stay, -satay)

Si qarsoodi ah haweenay u mehersasho.

0

khudbee

f mg2 (-beeyay, -beysay)

Khudbad jeedin.

0

khudbeyn

m f dh

Eeg: khudbee

0

khudbo

m dh

Eeg: khudbad

0

khudrad

m dh u

Dhir yaryar oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cuno, cuntadana ku darsado. ld khudaar.

0

khulafaa

m dh w

Eeg: khaliif

0

khulcid

m f dh

Eeg: khuluc²

0

khuluc

f mg1 (-lcay, -luctay; -lci)

Is kh.: haweeney furitaan rabta shuruud ku xirid.

0

khumkhum

m l

Walax udgoon oo haweenku shitaan.

0

khuraafaad

m l u

Waxyaabo aan jirin oo la rumaysto; sanan.

0

khurraad

m l

Hadal aan macno lahayn.

0

khusayn

m f dh

Eeg: khusee

0

khusee

f g2 (-seeyay, -saysay)

Arrin iwm ku lug lahaan.

0

khushi

m l

Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.

0

khushiye

m l kh

Kh. ah: qof qalaase ama fawdo abuure ah.

0

khushuuc

f mg1 (-cay, -cday)

Eeg: kha-shuuc²

0

khushuucid

m dh

Eeg: khashuucid

0

khushuucsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: khashuucsan

0

khushuucsanaan

m dh

Eeg: khashuucsanaan

0

khushuucsanaansho

m l

/dh ld khashuuc-sanaan.

0

khusuusi

m l

1. Lataliyeyaashii Sayidka mid ka mid ah. 2. Wax gaar ama khaas ah. ld qusuusi.

0

khuuri

f mg2 (-iyay, -isay)

Khuuro sameyn.

0

khuurin

m f dh

ld khuuris.

0

khuuris

m l

Eeg: khuurin

0

khuuro

m dh

Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.

0

ki

dk lh l

Eeg: kiisa²

0

kibilli

m l

Fiidmeer. ld kobolli

0

kibir

f mg1 (-bray, -birtay; -bri)

Qab iyo islaweyni muujin.

0

kibirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof kibray ahaansho.

0

kibirsanaan

m f dh

ld kibir- sanaansho.

0

kibirsanaansho

m l

/dh ld kibirsanaan.

0

kibis

m dh (-bso, m.l)

Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.

0

kibraan

m l

Qof kibir badan.

0

kibri

f mg2 (-iyay, -isay)

Cid kibir ku abuurid.

0

kibrid

m f dh

Eeg: kibir²

0

kibriid

m l

Eeg: kabriid

0

kibrin

m f dh

ld kibris.

0

kibris

m l

Eeg: kibrin

0

kici

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.