0

kahsi

m l (daaw.)

Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.

0

kahsitire

m l (-ayaal, ml./m.dh)

(daaw.) Dawo joojisa falka “istamiinka” ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.

0

kahso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: kaho

0

kajamid

m f dh

Eeg: kajan²

0

kajan

m l

Hadal beeni ku jirto oo kaftan iyo ciyaar u eg.

0

kakabi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iwm cayrin.

0

kakabin

m f dh

ld kakabo.

0

kakabo

m dh

1. Cayrinta lagu cayriyo wax meel ciriiryoon. 2. Cayrinta wax meel lagu cayriyo. ld kakabin.

0

kakan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax adag ahaansho.

0

kakanaan

m f dh

ld kaka-naansho.

0

kakanaansho

m l

/dh ld kakanaan.

0

kakanaanta-beerka

m dh (daaw.)

Xaalad beerku buko oo ay ka dhex sameysmaan karrimo sooh mayraxeed ah kuwaasoo ay ku dhex yaallaan jasiirado ka sameeysan unugyo soo badanaya oo beddalaya kuwi dhintay.kalafujin Beerku wuxu yeeshaa midab hurdi madow ah iyo kuus-kuus.

0

kakoon

m l (-nno, m.dh)

Sacab aan buuxin.

0

kal

m l (-lal, m.l)

1. Wąa; goor; sano. 2. Miile.

0

kal-dibadeedka

m l (c.nafl.)

Kalka xagga dibedda xiga ee dhudhunka.

0

kal-xawaaji

m l

Kal yar oo xawaajka, haylka iwm lagu tumo.

0

kala

qr fk

1. Qurub tilmaamaya wax ka durkid ama ka soocmid. Tus. “Way kala tegeen. kala Kalluunka yaa kala yaqaan?”. 2. Qurub tilmaamaya ka gooni ahaansho. Tus. “Way fiicanyihiin”.

0

kala-dheereynta-dhalmada

m dh (daaw.)

Ka hortagidda uur qaadidda lama filaanka ah.

0

kala-durug-qaaradeed

m l (jool.)

Kala sikashada gudubka qaybo ka mid ah qaaradihii hore, kuwaas oo sameeyay dhul- weynaha qaaradaha dunida ee maanta.

0

kala-faa'iidaysi

m l (baay.)

Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.

0

kala-furan

m l (kiim.)

Dumid ku dhacda molikuyuul una kala furta laba molikuyuul, laba atam, laba xididshe ama laba ayoon.

0

kala-hanqaaran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax kala lumay oo aan dhammayn noqosho.

0

kala-hanqaarmid

m f dh

Eeg: kalahan-qaaran¹

0

kala-hanqaarnaan

m f dh

ld kala-hanqaarnaansho.

0

kala-hanqaarnaansho

m l

/dh ld kalahan- qaarnaan.

0

kala-jaad

m l kh

K. ah: ka kooban noocyo kala geddisan.

0

kala-jeexid

m dh

Jeexid ama qalid noole, si loo muujiyo anatamiga xubnihiisa had iyo jeerna waxa loo adeegsadaa xirfad ahaan iyo aqoon korodhsi ama baadhis cilmi ah.

0

kala-kaan

m l (kiim.)

Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.

0

kala-rog

m l (-gyo, m.dh)

(juqr.) Xariiq xuduudeed kacsan oo kala soocda durdurrada waaweyn kuwaasoo laag u ah saxan webiyo kalageddisan.

0

kalaamidiya

m dh (daaw.)

Jeermi u dhexeeya fiiruska iyo baktiiriyada oo jirro u keena dadka iyo shimbiraha cudurrada shimbiraha oo ay keento kalaamidiyadu waxaa loo gudbin karaa dadka, cudurka indhaha ee tarakooma waxa keena “kalaamidiya trachomatis”.

0

kalaan

m l

Hadal.

0

kalaankal

m l

Hilib cadad yar yar laga dhigo oo la kariyo.

0

kalaawi

f g2 (-iyay, -isay)

Hilib la jarjaray dheecaan dab kaga saarid.

0

kalaawin

m f dh

Eeg: kalaawi

0

kalabbar

m l

1. Laba meelood meel dhex dhexaad u ah. 2. Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood. 3. Wax muggiisii bar ku jiro.

0

kalabbaran

f mg1 (-rmay, -rantay)

Weel wax bar ah noqosho.

0

kalabbarasho

m f dh

Eeg: kalabbaro

0

kalabbarid

m f dh

Eeg: kalabbar²

0

kalabbarmid

m f dh

Eeg: kalabbaran¹

0

kalabbarnaan

m f dh

ld kalabbarnaansho.

0

kalabbarnaansho

m l

Eeg: kalabbarnaan

0

kalabbaro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Wax kala aqoonsasho. 2. Wax laba qaybood ka dhigasho

0

kalabbartan

m l kh

Dhibicda goobaabida laba isle'eg u qaybisa.

0

kalabbax

m l

Kala miirmidda laba waxood oo isku jiray ay kalamiirmaan.

0

kalabbaxsan

f mg1 (-naa, -nayd)

Wax kalabbaxay ahaansho.

0

kalabbaxsanaan

m f dh

ld kalabbaxsanaansho.

0

Kalabbaxsanaansho

m l

/dh ld kalabbax- sanaan.

0

kalabbaxsasho

m f dh

Eeg: kalabbaxso

0

kalabbaxso

f g3 (-saday, -satay)

Wax duubnaa kala fidsasho.

0

kalabbayr

m l (-ro, m.dh)

Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.

0

kalabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax isku jirey kala saarid. 2. Badar shiidan budo iyo jariir u kala saarid.

0

kalabbixid

m f dh

Eeg: kalabbax²

0

kalabbixin

m f dh

ld ka-labbixis.

0

kalabbixis

m l

Eeg: kalabbixin

0

kalabbixiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(c.nafl.) Noole ka hela tamarta burburka kiimikeed ee noolayaal dhintay ama qashinka dhirta. Tusaale ahaan: dirxi dhuleed, fangiga iyo bakteeriya fara badan.

0

kalabbood

m l

Khilaaf; ismaandhaaf.

0

kalabboodid

m f dh

Eeg: kalabbood²

0

kalabboodsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax kalabbooday ahaansho.

0

kalabboodsanaan

m f dh

ld kalaboodsanaansho.

0

kalabboodsanaansho

m l

Eeg: kalabood-sanaan

0

kalafuji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax isku dhegganaa labo u kala qaadid.

0

kalafujin

m f dh

ld kalafujis.

0

kalafujis

m l

Eeg: kalafujin

0

kalafuq

m l

Is dayn laba shay oo isku dhegganaa is daayaan.

0

kalafuqid

m f dh

Eeg: kalafuq²

0

kalafuqsad

m l

Eeg: kalafuqsasho

0

kalafuqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax kala fuqay ahaansho.

0

kalafuqsanaan

m f dh

ld kalafuqsanaansho.

0

kalafuqsanaansho

m l

Eeg: kalafuqsanaan

0

kalafuqsasho

m f dh

ld kalafuqsad, kalafuqsi.

0

kalafuqsi

m l

Eeg: kalafuqsasho

0

kalafuqso

f g3 (-saday, -satay)

Wax is-haystay kala dillaacsasho.

0

kalagal

m l

Meesha ay cadduunka iyo buuraleydu iska galaan.

0

kalaggoyn

m dh (xis.)

Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.

0

kalaggoys

m l (-syo, m.dh)

1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.

0

kalaggurad

m l

Eeg: kalaggurasho

0

kalaggurasho

m f dh

ld kalaggurad.

0

kalagguris

m dh

Eeg: kalagurid

0

kalagguro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Wax isku jiray ama isu dhowaa kala qaadasho. 2. Shax, jare iwm oo la kala badin waayey kala qaadasho. 3. Laba wax oo foodda is kula jiray dib u kala fogaasho.

0

kalagguur

m l

1. Labo reer kala guurid-dooda 2. K. ah: isbeddelka xilliyada, marxaladaha iwm.

0

kalagguurid

m f dh

ld kalagguuris.

0

kalaqaad

m l

1. Bushimo, baalasha, indha-ha, iwm oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo. 2. ld kalaqaadid.

0

kalaqaadid

m f dh

ld kalaqaad¹ (2).

0

kalasaar

f g1 (-ray, -rtay)

1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iwm oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).

0

kalasaarid

m f dh

Eeg: kalasaar

0

kalasarree

f mg2 (-reeyay, -reysay)

1. Wax, wax kale korkiisa saaran ahaansho. 2. Qof, qof kale ka derejo sarreeya, ahaansho. 3. Waxaan isku dherer ahayn ahaansho (dhul).

0

kalasarreyn

m f dh

ld kalasarreys.

0

kalasarreys

m l

Eeg: kalasarreyn

0

kalasooc

m l

1. Wax kala jaad ah oo isku darsan oo intii is lehba gooni loo saaro. 2. ld kalasoocid¹.

0

kalasoocan

f mg1 (-cmay, -cantay; -cmi)

Wax isku jaad ahaa oo la kalasaarey noqosho.

0

kalasoocid

m f dh

ld kalasooc¹ (2).

0

kalasoocmid

m f dh

Eeg: kalasoocan¹

0

kalasoocnaan

m f dh

ld kalasoocnaansho.

0

kalasoocnaansho

m l

/dh ld kalasoocnaan.

0

kalatag

m l

Kala guuridda ay kala guuraan dad wada noolaa khilaaf awgiis. ld kalategid.

0

kalategid

m f dh

ld kalatag¹.

0

kalax

m l (-xyo, m.dh)

1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.

0

kalaxayad

m l (fiis.)

U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.

0

kalaxayasho

m f dh

Eeg: kalaxayo

0

kalaxayo

f mg3 (-yday, -ytay)

Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.