0

kuraysi

m l

Eeg: kuraysasho

0

kurayso

f mg3 (-stay, -satay)

Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho.

0

kurbayn

m f dh

Eeg: kurbee

0

kurbaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Cid kurbo hayso ahaansho.

0

kurbaysnaan

m f dh

ld kurbaysnaansho.

0

kurbaysnaansho

m l

/dh ld kurbaysnaan.

0

kurbee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Cid kurbo ku ridid.

0

kurbin

m dh (-no, m.l)

Xeero yar oo bunka lagu shubto. ld kur² (3).

0

kurbo

m dh

Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.

0

kurboo

f mg3 (-ooday, -ootay)

U k.: kurbo dareemid.

0

kurbood

m f l

Eeg: kurboo

0

kurdad

m dh (-do, m.l)

Gashi dheer oo haweenku qaataan oo googgaradda qariya; canbuur.

0

kurdo

m l

Nooc cawska ka mid ah oo beeraha waxyeeleeya.

0

kureeddo

m dh u

Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.

0

kurid

m f dh

Eeg: kur³

0

kurkurray

m dh

Naag jirkeeda si qarsoodi ah uga ganacsata; dhillo.

0

kurkurraynimo

m dh

Kurkurray ahaansho.

0

kurmaan

m l (kurmaan, m.dh)

Badarka budada ah marka la karinayo kuuska uu yeesho; burlaqan; burtuur.

0

kurreer

m l

Biyo aan macayn oo culus.

0

kursi

m l (-iyo/kuraas, m.dh)

1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iwm. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.

0

kursijiif

m l (-fyo, m.dh)

Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.

0

kurtin

m l

Eeg: kurtun

0

kurtumeysasho

m f dh

Eeg: kurtumeyso

0

kurtumeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Cududdaha iyo laabta sawirro aan ka go'in ku sawirasho.

0

kurtun

m l (-ummo, m.dh)

1. Qori ama jirrid geed oo gaaban oo dhulka ku aasan oo afkiisu soo taaganyahay. 2. Laan la gooyey oo intii hartay ay geedka ka soo taagantahay. ld kurtin.

0

kurus

m l (-syo, m.dh)

Cad baruur ah oo weyn oo geela dhabarkiisa ka baxa.

0

kuryeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax qaab kankoonsan leh ahaansho.

0

kuryeysnaan

m f dh

ld kuryeysnaansho.

0

kuryeysnaansho

m l

/dh ld kuryeysnaan.

0

kuryo

m dh

1. Qaab sida kan kubbadda u wareegsan, u kankoonsan. 2. Huryo. 3. Madaxa inta luqunta ka sarreysa.

0

kuryoxoogle

m l

Wiil kuray ah oo aan qaangaarin.

0

kush

m l

Dhir badan oo aan la dhex mari karin; juq; kayn.

0

kushad

m f l

Eeg: kusho

0

kusheeg

m l

Is k.: qof isuqabe ah ama sheegte ah.

0

kushiin

m l (-nno, m.dh)

Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.

0

kusho

f mg3 (-shaday, -shatay)

Kul iyo caro iska dareemid; xanaaqid; dhiidhiyid.

0

kusime

m l (-mayaal, m.l/dh)

Qof jago uu hayo aan rasmi ku aheyn; kumeelgaar.

0

kusimid

m dh

Eeg: kusin

0

kusin

f g1 (-imay, -intay; -imi)

1. Kumeelgaar. 2. Ku wareejin.

0

kutaan

m dh u

Dhiqle. ld tukhaan.

0

kutiri-kuteen

m l kh

K. ah: war aan xaqiiqadiisa la hayn oo la sheegsheego.

0

kutirsane

m l (-nayaal, m.l/dh)

(c.nafl) Xubin ka mid ah xubnaha urur, tusaale ahaan, 6 waa kutirsane ururka bilaha sannadka. 2. (xis.) Xarriijinta ka samaysanta qayb ka mid ah dusha sallaxan ee toobin ama dhululubo summad: E.

0

kutub

m l w

Eeg: kitaab

0

kuud

m l (-dad, m.l)

1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.

0

kuudud

m l

1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid.

0

kuududi

f g2 (-iyay, -isay)

Si foolxun u fariisin. ld kawdiidi.

0

kuududid

m f dh

ld kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.

0

kuududin

m f dh

ld kawdiidin.

0

kuududiye

m l

Eeg: kuududshe

0

kuududshe

m l

Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. ld kuududiye.

0

kuug

m l

1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.

0

kuuki

m dh (-iyo, m.l)

Bocoosha badda qaarkeed oo midabyo badan leh. ld kuukiyaan.

0

kuukiyaan

m l

Eeg: kuuki

0

kuul

m dh (-lo, m.l)

Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.

0

kuulad

m l

Eeg: kuulasho

0

kuulam

m l (fiis.)

Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.

0

kuulan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm)..

0

kuulasho

m f dh

ld kuulad.

0

kuuli

m l

1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.

0

kuulid

m f dh

Eeg: kuul²

0

kuulnaan

m f dh

ld kuulnaansho.

0

kuulnaansho

m l

/dh ld kuulnaan.

0

kuulo

f mg3 (-uushay, -uulatay)

Indhakuul marsasho.

0

kuumi

m l (-iyo, m.dh)

Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. ld kumi.

0

kuuni

m l

Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido.

0

kuunkuun

m l

Ciyaar ay ilmuhu ciyaaraan.

0

kuunto

m dh (-ooyin, m.l)

Futo.

0

kuunyid

m f dh

Eeg: kuuni²

0

kuur

f g1 (-ray, -rtay)

Cid cabsiin, indho ku gubid.

0

kuurgal

m l

1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid.

0

kuurgeli

f mg2 (-iyay, -isay)

U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.

0

kuurgelid

m f dh

ld kuurgal¹ (2).

0

kuurgelin

m f dh

Eeg: kuurgeli

0

kuuri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax ku dhowaansho.

0

kuurid

m f dh

Eeg: kuur²

0

kuurin

m f dh

Eeg: kuuri

0

kuurkuursad

m l

Eeg: kuurkuursasho

0

kuurkuursasho

m f dh

ld kuurkuursad, kuurkuursi.

0

kuurkuursi

m l

Eeg: kuurkuursasho

0

kuurkuurso

f mg3 (-saday, -satay)

Iyadoo la fadhiyo dhaqdhaqaaqid ama nuuxnuuxsasho.

0

kuus

f mg1 (-say, -stay)

Wax badan meel yar isugu keenid.

0

kuusad

m dh (-do, m.l)

Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.

0

kuusan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax qaab

0

kuusid

m f dh

Eeg: kuus²

0

kuusin

m dh

Mayrax iwm oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.

0

kuuskuus

f g1 (-say, -stay)

Dhoobo iwm dhawr waxyaabood oo qaabab kankoonsan leh ka sameyn.

0

kuuskuusid

m f dh

Eeg: kuuskuus

0

kuusmid

m f dh

Eeg: kuusan¹

0

kuusnaan

m f dh

ld kuusnaansho, kuusni.

0

kuusnaansho

m l

/dh ld kuusnaan. 525kuusni

0

kuusni

m dh

Eeg: kuusnaan

0

kuuti

f mg2 (-iyay, -isay)

Si aayar ah u socosho.

0

kuutin

m f dh

ld kuutis.

0

kuutis

m l

Eeg: kuutin

0

kuutiyad

m dh (-do, m.l)

Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.

0

kuwa

mu ti w

Eeg: ka¹

0

kuwaa

mu ti w

Eeg: kuwaas

0

kuwaaga

mu lh w

1 / taada¹.

0

kuwaantam

m l (fiis.)

Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.

0

kuwaartsayd

m l (jool.)

Dhadhaabo aad u kakan oo ka kooban kuwaarts (badan 90% ma ka) waxayna ka samaysantaa dhagax bataax; kuwaartsaydku daldaloolo ma laha sida dhagax bataax.