0

kicid

m f dh

Eeg: kac

0

kicin

m l

Isbeddel daruuraha iyo hawada gala

0

kicitimid

m f dh

Eeg: kicitin²

0

kicitin

f mg1 (-imay, -intay; -imi)

Meel u socdaalid.

0

kidaar

m l

Nooc kibis ka mid ah.

0

kidfamid

m f dh

Eeg: kidfan¹

0

kidfan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax kidfan ahaansho.

0

kidfanaan

m dh

ld kidfa-naansho.

0

kidfanaansho

m l

/dh ld kidfanaan.

0

kidfid

m f dh

Eeg: kidif

0

kidib

m l

Been.

0

kidif

m l (-fyo, m.dh)

Wax la jarjaray oo aad loo yaryareeyey cad ka mid ah; jab ama go' yar; qurub.

0

kifaax

m l

1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.

0

kifaaxid

m f dh

Eeg: kifaax²

0

kifaayo

m dh

In wax ku filan; wax deeqa.

0

kii

mu ac l

kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.

0

kiil

m l

1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).

0

kiilad

m l

Eeg: kiilasho

0

kiilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la kiilay ahaansho.

0

kiilasho

m f dh

ld kiilad.

0

kiilayn

m f dh

Eeg: kiilee

0

kiilee

f g2 (-eeyay, -eeysay)

Wax kiilo ku cabbirid.

0

kiilid

m f dh

kiil².

0

kiilnaan

m f dh

ld kiilnaansho.

0

kiilnaansho

m l

/dh ld kiilnaan.

0

kiilo

f g3 (-iishay, -iilatay)

1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.

0

kiilogaraam

m l (-myo, m.dh)

Eeg: kiilo

0

kiilomitir

m l (-rro, m.dh)

Fogaan kun mitir dhan.

0

kiilowaat

m l

Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.

0

kiimika

m dh

Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.

0

kiin

mu dhm ly

Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”.

0

kiinjo

m l

Qasabka alanka ugu hooseeya ee macaan.

0

kiinna

mu lh l (kuwiinna, w)

Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.

0

kiintaal

m l (-llo, m.dh)

Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.

0

kiis

dk lh l

Eeg: kiisa²

0

kiisa

dk lh l

Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Aaway qalankiisa?”. ld kiis³, ki, kįi².

0

kiisad

m dh

Eeg: kiishad

0

kiish

m l (-shash ..., m.l)

(daww.) Kiish yar oo ka sameysma meelaha dabacsan ee xubnaha dheefshiidka.

0

kiish-dabac-halbawle

m l (daaw.)

Kiish dhiig

0

kiishad

m dh (-do, m.l)

Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iwm. lagu rito. ld kiisad.

0

kiishka

m l (c.nafl.)

xabku ka buuxo oo ilmaha uurka ku jira ku dhex jiraan waxaana daboola xuubka “amnion”.

0

kiisid

m f dh

Eeg: kiis²

0

kiismiskiin

m l

Codsi qof u qorto maxkamad si looga dhaafo kharajka ku baxaya dacwadda loo qaadayo.

0

kiitoon

m l (-nno, m.dh)

(kiim.) Moli-kuyuullada leh urur shaqaale RCOR'. eeg urur shaqo.

0

kilkil

m l

Ruxidda si xoog ah wax loo ruxo.

0

kilkilayn

m f dh

ld kilkilays.

0

kilkilays

m l

Eeg: kilkilayn

0

kilkilee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Cid kilkilada ka xagatayn.

0

kilkilid

m f dh

Eeg: kilkil²

0

kilkilo

m dh (-ooyin, m.l)

Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.

0

killaal

m l

1. Xabsi. 2. K. ah: meel ciriiryoon oo aan laga bixi karin. 3. Meesha cududda iyo dhudhunka dadku iska galaan.

0

kiloogaraam

m l (-mo, m.dh)

Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.

0

kiloogaraam-culeys

m l

Eeg: cufisjiidad

0

kimistariga-noolaha

m l (kiim.)

Barashada kiimistariga noolayaasha, gaar ahaan dhismayaashooda iyo shaqada waxyaabaha kiimikeed ee ay ka koobanyihiin, sida badan borotiin, kaarboohaydrayt, dux iyo asiidho bu'eed.

0

kimistariga-oorgaanigga-ah

m l (kiim.)

Kiimistariga iskudhisyada kaarboon.

0

kimistariga-orgaanig-ma-ahe

m l (kiim.)

Laan ka mid ah kiimistariga oo la xiriita curiyayaasha (marka laga reebo kaarboon) iyo weliba diyaarintooda, astaamahooda iyo falgallada isku dhisyadooda iskudhisy fudud oo kaarboon ah oo kooban oo ay ka mid yihiin ogsaydhadu ayaa lagu bartaa kiimistariga orgaanig-ma-ahe.

0

kiniin

m l

Eeg: kiniini

0

kiniini

m l (-iyaal, ml/dh)

(daaw.) Dawo la adkeeyey oo iniinaha laga dhigo, guud ahaan oo afka laga qaato.

0

kintir

m l (-rro, m.dh)

(c.nafl.) Xubin yar oo jilicsan oo u eg dhoorka digaagga oo ku taal xubinta taranka haweenka, kuna shaqo leh dareenka macaansiga galmada.

0

kir

e d

Yallah!, hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kįs.

0

kiree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm manaafacaad-sigooda cid kale lacag kul heshiin.

0

kireyn

m f dh

ld kireys.

0

kireys

m l

Eeg: kireyn

0

kireysad

m l

Eeg: kireysasho

0

kireysasho

m f dh

ld kireysad, kireysi.

0

kireysi

m l

Eeg: kireysasho

0

kireyso

f g3 (-stay, -satay)

Hanti gaar ah sida baabuur, guri iwm ijaarasho.

0

kirib

m l

Eeg: kareeb

0

kiriiri

m l

1. Geed-gaab, geed-madow ah oo cufan oo leh miro kuuskuusan oo hurdi ah 513kirishboy iyo caleen xanaf leh. 2. (-iyo, m.dh) Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima una dheereeya.

0

kirishboy

m l (-booyo, m.dh)

Inan yar oo ka shaqeeya baabuurka oo caawiya wadaha.

0

kirishowmirish

m l

Xayr, calool iyo mindhicir la isku maray oo la karsado.

0

kirishtaan

m l (-nno, m.dh)

(dii.) Nin aaminsan diinta Masiixiga.

0

kirishtaanad

m dh (-do, m.l)

(dii.) Haweeney aaminsan diinta Masiixiga.

0

kirishtaannimo

m dh (dii.)

Kirishtaan ahaansho.

0

kirkir

m l (-ro, m.dh)

Raadka ay reebto mindi iwm oo aan af lahayn oo wax lagu gooyay. ld kirkirid.

0

kirkiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax kirkir leh ahaansho.

0

kirkirid

m f dh

Eeg: kirkir³

0

kirkirmid

m f dh

Eeg: kirkiran¹

0

kirkirnaan

m f dh

ld kirkir-naansho.

0

kirkirnaansho

m l

/dh ld kirkirnaan.

0

kirkirre

m l (-rayaal, m.l/dh)

Doonfaar; doofaar.

0

kirli

m l (-iyo, m.dh)

Weel biyaha iyo shaaha lagu karsho oo siddo fur iyo naas leh; ibriiq; jalmad.

0

kiro

m dh

Hanti laga baxsho wax aan la lahayn oo la manaafacsanayo.

0

kirtamid

m f dh

ld kirtan¹.

0

kirtan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid.

0

kis

m dh

In yar; xoogaa; kistoo.

0

kįs

e d

Eeg: kir

0

kisi

m l

1. K. ah: tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan (sida: 3, 5, 7, iwm). 2. (-iyo, m.dh) Qof aan meher ku dhalan.

0

kistoo

fk. Kis yar; xoogaa.

0

kiswad

m dh

Dhar qaali ah, lagu xarragoodo oo dumarku qaataan.

0

kitaab

m l (kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l)

1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.

0

kitaabday

f mg1 (-deyiyay,-dayday; -deyi)

U k.: qof buka si loo daaweeyo kitaab u eegid; kutubbo-rogid.

0

kitaabdeyid

m f dh

Eeg: kitaabday

0

kitaabfur

m l

Hantida ugu horreysa oo la siiyo wadaad qof jirran daaweynaya.

0

kitaabfurid

m f dh

Eeg: kitaabfur²

0

kitaabgaab

m l

Nin diinta si xun ugu shaqeysta; fiqidduur. ld kitaabgaablow.

0

kitaabgaablow

m l

Eeg: kitaabgaab

0

kix

m dh

Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. ld jix, qix.

0

kob

m dh (-bo, m.l)

1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².

0

kobatol

m l

Eeg: kobatole